Monday, December 24, 2007

Xujayda Oo Ku Howllan Dawaafkii Sagootiga Iyo Duullimaadyadii U Horreeyay Oo Barri Laabmaya .

Maka-(Lug)-kadib markii ay howlihii xajku dhamaadeen ayaa waxay xujaydu billaabeen inay sagootiyaan xaramka iyo mashaacirta sharafta leh, waxaana haatan isa soo dhimaysa saxmaddii iyo is cidhiidhigii ka jiray magaalada Maka al-Mukarrama iyo dulahaanba nawaaxigeeda, iyada oo aad looga dareemay arrintaasi kacbada barakaysan oo maanta si sahlan loogu dawaafayay, sidoo kale waxaa caadigiisii ku soo noqonaya sicirka maciishadda iyo gaadiidka MaKa.

Sh.Cabdillaahi Sh.Cali Jowhar Boqoorre oo sannakan la socday xujayda reer Djibouti ayaa lughaya news uga warramay aragtidiisa ku aaddan xajka sannadkan:( xajka sannadkan mid ka dhib badani ima soo marin, lumidduna caadi bay ahayd, oo dadku waa kala lumayeen, maxaayeelay deegaanka Mina waxaa muuqatay in aanay traafika badani ka howlgelayn).

Sh.Cabdillaahi waxa kale oo uu sheegay in sannadkan awoodda la saaray kaliya jamaraadka oo si aan caadi ahayn looga shaqeeyay, haseyeeshee aad looga gaabiyay sida uu tibaaxay qaybaha kale ee Mina, waxa kale oo ay mushkiladdu ka taagnayd buu yidhi dirawallada oo aan dadka toos u gaadhsiinayn xeryaha ay deggenyihiin balse meelo dhexe ku dejinayay amaba la lumayay (taasoo macnaheedu yahay waxaa daruuuri ah inay dirawalladu noqdaan kuwo u dhashay dalkan Sucuudiga gaarahaan Makka oo jidadka yaqaan amaba u tababaran hoggaaminta xujayda).

sheekhu ugu danbayn waxa uu u mahad celiyay boqortooyada Sucuudiga waxaanu aad u ammaanay dadaalka wayn ee ay ka geystaan adeegga labada xaram iyo dulahaanba dunida islaamka.

xujayda oo gabihaanba shalay soo cidleeyay Mina ayaa maalmahan ku howllan iibsiga hadiyadihii ay dadkoodii u geyn lahaayeen waxayna si wayn u dhex mushaaxayaan suuqyada magaalada Maka iyo Jidda, halka ay qaarbadan oo kalena samaynayaan dawaafka sagootiga (dawaaf al-widaac) ee lagu soo gabagabeeyo booqashada xaramka, duulimaadyadii ugu horreeyayna waxaa la filayaa inay habeen danbe u laabtaan dalalkoodi sida uu ii sheegay xaaji Jaamac Aadan Shirdoon oo ka soo xajiyay magaalada Borama oo lughaya u sheegay inuu 24ka bishan ee barrito laami doono.

sicirka maciishadda oo sida caadiga ah wakhtigan xajka cirka isku shareera ayaa soo caadi garoobaya haatan, waxaanad mooddaa in wax badan laga dhimay qiimaha lagu raaco gawaadhida ka dhex shaqaysa Maka iyo kuwa u kala goosha Maka iyo Jidda oo maalmahii inna dhaafay kor u kac badan sameeyay, dulahaanna xajka sannadkani waxa uu ku dhamaaday nabadgelyo lamana sheegin dhimasho iyo dhaawac toona muddadii ay howlaha xajku socdeen.


Zakaria Hussein
Lugahay news -Maka al-Mukarrama
murtishiil@hotmail.com

No comments: