Saturday, December 22, 2007

Saxafiyiintii Reer Muqdisho Oo U Hayaamay Dalka Jamhuuriyada Jabuuti

Hargeysa-(Lug)-Saxafiyiintii reer Muqdisho ee ay xukuumadda Somaliland hore ugu amartay inay ka baxaan wadanka, ayaa shalay u baqoolay magaalada Djibouti ee Jamhuuriyadda Djibouti.

Sidaas waxa xalay Geeska Afrika u xaqiijiyay guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mr. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine). 14 ka mid ahaa saxafiyiintaas reer Muqdisho ayaa shalay magaalada Hargeysa kaga baxay gaadiidka dhulka mara, iyagoo sheegay inay ogolaansho ka heleen dawladda Djibouti, “14 ka mid ah ayaanu shalay dirnay oo u baxay dalka Djibouti, waxaana weli jooga 7 saxafi.” Ayuu yidhi Mr. Shiine, waxaanu intaas ku daray “Sida laga warqabo waxaanu hore dawladda uga codsanay inay wakhti dheeraad ah ugu darto wakhtigii ay u qabatay saxafiyiintaas, waanay naga aqbashay.

Sidaas daraadeed waxaanu anaguna dedejinay inay weriyayaashaasi dalka ka baxaan, waxaanay u baxeen dalka Djibouti oo ay noo sheegeen inay ogolaansho ka heleen. Inta hadhay waa dad jilicsan iyagana waxaanu ku jirnaa hawshoodii.”

Saxafiyiintaas tiradoodu ahayd 14-ka xubnood, waxa la sheegay inay muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanaayeen xidhiidh ay la samaynayeen dawladda Djibouti oo ay kaga doonayeen inay siiso ogolaansho ay dalkooda ku joogaan.

Saxafiyiintaas oo shalay barqanimadii intii aanay ka bixin Hargeysa lagu waraystay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, waxa ay sheegeen inay ogolaansho ka heleen Wasiirka Arrimaha gudaha Djibouti oo ay ku tilmaameen in isaga iyo dawladiisuba u muujiyeen Somalinimo.

Afartii bishan December ayay xukuumadda Somaliland saxafiyiintas ku wargelisay inay 24 saac kaga baxaan dalka Somaliland, iyadoo markii dambena loogu daray muddo maalmo ah. Go’aankaas xukuumadda Somaliland ka gaadhay saxafiyiintaas reer Muqdisho oo ka soo qaxay dagaalada Muqdisho, waxa cambaaraysay hay’adda Amnesty international oo xukuumadda Somaliland ka codsatay inay ka noqoto go’aankaas ay ku masaafurinayso saxafiyiintaas.

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika

No comments: