Wednesday, December 26, 2007

Waraysi Aannu La Yeelannay Muftiga Djibouti Ahna Horkacaha Joogtada ah Ee Xujayda Dalkaasi Sh.Jimcaale Ibraahim Xuseen .


Sh.Jimcaale: Djibouti Sannadkan 1260 Xaaji Baa Ka Yimid Dhammaantoodna Way Nabad Qabaan

Makka-(Lug)Duruuf agoonnimo iyo xaalad adag ayaa ku habsatay isaga oo labo jir ah, haseyeeshee kama uu niyad jabin geeddi socodka nolosha , balse waxa uu muujiyay dadaal iyo dhabar adayg, xalaqaatka masaajidda ayuu wax ka bartay kadib markii ay u suurto geli wayday inuu dugsi habaysan gelo duruufihii qadhaadhaa ee soo maray awgood, dabadeedna waxa uu lug ku tegay Muqdisho isaga oo ka anbabaxay Djibouti islamarkaana aan wadan sahay dhulkana aan aqoon u lahayn , si uu caddayn iyo shahaado ugu helo cilmigii uu ka helay masaajidda.dhinac kale, ilaahay ayaa ku mannaystay fasaaxad iyo cod aad u macaan, marka aad wacdigiisa dhagaysatid waxaad mooddaa wariye tababar oo aan marnaba ku hakanayn akhriska , waana qof tusaale ku ah dhaqan wanaaga sida ay dadbadani sheegaan , muddo 14 sannadood ahna waxa uu ka shaqaynayay hoggaaminta xujayda reer Djibouti, taariikhdiisa markaad dhuuxdid waxaad xusuusan kartaa saxaabadii iyo culimadii salafka maxaayeelay waxa ay xanbaarsantahay mucjisooyin badan, sannadkan badhtamihiisiina madaxwaynaha Djibouti Mud.Ismaaciil Cumar Geelle ayaa guddoonsiiyay billad – qarameedda dalkaasi u sarraysa … haddaba waa kuma ninkaasi?
waa muftiga Jamhuuriyadda Djibouti ahna horkacaha joogtada ah ee xujayda dalkaasi Sheekh Jimcaale Ibraahim Xuseen oo aannu waraysigan hoos ku qoran la yeelannay isaga oo ku sugan magaalada barakaysan ee Maka al-Mukarrama :
Lughaya: ugu horrayn sheekh Jimcaale wax ma nooga taaban kartaa taariikh nololeedkaaga gaarahan taariikhdaadii dhinaca waxbarashada ?
Duruuf adag iyo dadaal waxbarasho

Sh.Jimcaale: ugu horrayn aniga oo labo jir ah ayay hooyaday dhimatay aabahayna xaas kale ayuu yeeshay, waxaana wakhtigaasi igu habsatay xaalad agoonnimo ah iyo nolol raf ah, taasoo iga hor istaagtay inaan waxbarasho nidaami ah gelo, waxbarashada diiniga ahina wakhtigaasi Djibouti way ku yarayd amaba may jirin dugsiyo dhexe ama sare oo diinta iyo carabiga bixiya, markaa waxaan wax ka baran jiray xalaqaatka masaajidda oo culimada waawayn ee reer Somaliya, Djibouti iyo kuwa reer Ithiopia ayaan la kulmi jiray, cilmigana waan u wareegi jiray, ugu danbaytiina maadaama ay dunidu shahaadooyin iyo wathaa`iq (documents) ku kala socoto waxaan go`aansaday inaan helo shahaado caddaynaysa aqoontayda, waxayna igu kalliftay inaan lug kaga baxay Djibouti aniga oo u sii jeeda Muqdisho sannadkii 1987kii oo aan tegay dugsigii Sh.Cali Suufi ee Xamar waxaanan ka codsaday inay aqoontayda qiimeeyaan oo ay imtixaanka dugsiga sare iga qaadaan, haseyeeshee dugsigaasi waxa uu ii sheegay inuuna lahayn nidaamkaasi qiimaynta ah balse ardaynimo uun marka hore loo gelo, kadib dugsi la odhan jiray Sakhaa`u- Diin oo isla Muqdisho ku yaal baa ii ogolaaday inaan imtixaanka dugsiga sare ka qayb gelo sidiibaanan shahaadada dugisiga sare ee culuunta carabiga iyo diinta ku helay, iyada oo aan lug ku tegay Muqdisho kagana soo noqday aniga oo ah wiil da`yar oo dhul aanu geranayn marayay islamarkaana aan sahay hagaagsan wadan, walow ay jirtay in ciddii gawaadhi wadata ee ilaah iiga nixiyo ay mararka qaar I sii qaadaysay, dabadeedna waxaan wax ka bartay jaamacad ku taal magaalada Ticis ee dalka Yemen oo aan ka qaatay shahaado jaamacadeedda qaanuunka ( the B.A of Law) , muddo 10 sannadood ahna Qaadi baan ahay, dadaalkii iyo ka shaqayntii diintana waan wadaa oo warfaafinta Djibouti baan ka jeediyaa arrimaha diinta oo aan dadka kala hadlaa, sidoo kale muddo 14 sannadood ah baan ka shaqaynayay arrimahan xajka.
Lughaya: Sh.Jimcaalow waxaa la sheegaa inaad tahay sheekh ay dadwaynaha reer Djibouti gudo iyo dibadba aad u qadariyaan oo la jecelyahay.. arrintaas maxaad u aanayn kartaa?

NIYAD WANAAG

Sh.Jimcaale : inkasta oo ay wanaagsanayd su`aashan in dadwayanaha reer Djbouti la waydiiyo, haddana waxaan u aanayn karaa fadliga ilaahay (subxaanahuu wa tacaalaa), qofba qasadkiisa iyo niyaddiisa ayuu ilaahay ku arsaaqaa, markaa ikhlaas iyo dar-ilaahay in camal kasta loo qabto ayaa daruuri ah, akhlaaqiyaadka iyo anshaxa dacwadda qofku marka uu dhuuxo waxa uu garan karaa habka dadka loo kasbado oo ay anbiyada iyo sharciguba ammaaneen, markaa haddii ay arrintaasi jirto fadliga ilaahay iyo hababkii ay anbiyada iyo dadka wanaagsani diinta u baahin jireen oo aan ka faa`iidaystay ayaan u aanayn karaa.

Lughaya:. Aynu ka gudubnee, sannadkan imisa qof ayaa ka soo xajiyay Djibouti?
1260 xaaji

Sh.Jimcaale: waxa ka soo xajiyay 1260 ruux, dhammaantoodna si nabad gelyo ah bay ku dhamaysteen howlihii xajka, marka laga reebo saddex xaaji oo dhaawacyo soo gaadheen. Sida Darasa Axmad Muxamad oo shil baabuur ku dhaawacmay kana jabay labo feedhood oo bidixda ah ka hor intayna hawlaha xajku billabmin,annaguna waan dhexdhexaadinnay oo afgarashadii iyo isku soo dhawayntii isaga iyo dirawalkii jiidhay oo ahaa Syrian deggen dalkan Sucuudiga baannu ka shaqaynnay, waxayna kala qaateen 3000 Riyaal, waxa kale oo dhaawacmay xaaji kale oo la yidhaa Lailo oo isna gaadhi jiidhay kana jabay misigta iyo dhudhunka gacanta, deetana dhakhtarka boqor Cabdi Casiis baa jeexitaan ku sameeyay, markaa dacwaddiisu way socotaa xaaladdiisuna way wanaagsantahay waxaana jiidhay nin Sucuudi ah.
Guddiga qabanqaabada xajka Dj

Lughaya: dhinac kale, waxaad nooga warrantaa guddiga qabanqaabada xajka ee Djibouti(bicthat al Xaj). Maxay xujayda u qabtaan? Imasa qof ayay ka koobanyihiin? Side loo soo xulaa?
Sh.Jimcaale: waxaa soo xusha wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee Djibouti ee uu u xilsaaranyahay wasiir Mooge DiriR Samatar, halkanna waxaa uga wakiil ah Djibouti qunsalka u fadhiya Jidda Maxamad Aadam Wacays oo howsha kala wada, iyada oo ay jiraan kalkaaliyeyaal la shaqeeya, waxayna ka koobanyihiin wafdigaasi 25 ruux oo siyaabo badan ugu adeega xujayda, sida hoggaaminta iyo hagidda, ka jawaabidda wixii su`aalo diiniya ah, waxaana loo shardiyaa xubnaha guddigaasi inay aqoon diineed leeyihiin iyo khibarad ku aaddan Maka iyo Madina, iyo meelaha ay howlaha xajku ka dhacaan, iyo waliba howl karnimo, waxayna leeyihiin qaybo kala duwan, sida guddiga caafimaadka, fatwooyinka iyo hoggaaminta xujayda. Haddaba waxaan jeclaysan lahaa in ay culimo badan oo waawayni ka mid noqoto guddigan qabanqaabada xajka islamarkaana aan la badbaddelin ee intii hore ee hanatay khibradda loo daayo, wasaaradduna kollay arrintaasi way ku fikiraysaa .

DHALIIL

Lughaya: waxaa jirta inay dadbadani saluugaan adeegga guddiga qabanqaabada xajka ee Djibouti … arrintaasi maxaad kaga jawaabaysaa?
Sh.Jimcaale: horta ilaahay unbay arrintiisu dhamaystirantahay, markaa way jiri karaan dhaliilo iyo cabashooyin maadaama ay bicthadu ka koobantahay xubno bashar ah, 25 qof inay ka adkaadaan 1000 qof baan jeclahay, uu qof kasta oo guddigaasi ka mid ahiba howshii loo igmaday si ammaano iyo alla ka cabsi ku jiraan uga soo baxo, walaalahayga ila shaqaynaya ee bicthadana waxaan ka codsan lahaa inay mujtamacooda dar ilaahay ugu shaqeeyaan oo ay si dhamaystiran u qabtaan howlaha loo diray.
Lughaya: wax wada shaqayn ah oo idinka dhexeeya idinka iyo wafdiyada kale ee hoggaamiya xujayda Somaliyeed ma jiraan?
Sh.Jimcaale: runahaan ma jirto wada shaqayn rasmi ah oo isku dubbo ridan oo naga dhaxaysa annaga iyo wafdiyada hogaamiya xujayda Somaliyeed , balse ciddii Soomaali ah ee aan aragno iyada oo lunsan waannu geynnaa meelaha ay degganyihiin, haddii ay masalooyin diineed na waydiiyaan waannu uga jawaabnaa, markaa dhinacyo badan oo aannu iska caawinnaa way jiraan, laakiinse wada shaqayn rasmi ahi majirto oo labo wafdi oo labo dawladood ka kala socda dhex marta, aniguna xil wayn baan iska saaraa mujtamaca Soomaliyeed meeshuu doonaba ha ka yimaaddee.
Billad qarameedda Djibouti
Lughaya: sheekh Jimcaale Ibraahimoow, sida laga warqabo saddex sannadood ka hor hay`adda dawladaha carbeed u qaabilsan arrimaha xajka ayaa ku guddoonsiisay shahaado sharaf aad ku mutaysatay sida la sheegay nidaaminta xujayda iyo khibraddaada ballaadhan ee ku aaddan howlahaasi.. xukuumadda Djibouti iyadu wali wax abaal marin ah ma kugu siisay dadaalladaadaasi?
Sh.Jimcaale: alxamdulilaah, xukuumadda Djibouti hiille iyo hooba way nala gabar joogtaa oo lama soo koobi karo gargaarka ay u fidisay dacwadda, aniga gaarahaan 27kii bishii luulyo ee sannadkan hadda sii dhammaanaya waxaa uu madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle I Guddoonsiiyay billad-qarameedda u sarraysa dalka Djibouti oo la igu siiyay dadaalkayga dhinaca diinta ee gudaha dalka iyo dibaddiisaba, aad baanan ugu mahadcelinyaa madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle , shahaado sharafta dawladaha carabta ah aan ka helayna waa sidaad u sheegtay oo way jirtay, iyagana aad baan ugu mahadcelinayaa.
talo
Lughaya: ugu danbayn, fadiilata sheekh, maxaad wax talo ah u soo jeedin lahayd ummadda Soomaaliyeed gaarahaan akhristeyaasha lughaya news?
Sh.Jimcaale: waxaan u soo jeedin lahaa inay diintooda ku adkaadaan, oo ay camalkooda iyo noloshoodaba ku dabbaqaan, kadib waxaan ku dardaari lahaa inay xajkan aynu maanta ka hadlayno yimaaddaan, oo ay ku hammiyaan inay maalin uun yimaaddaan carrigan barakaysan oo ay halkan isaga maydhaan wixii danbi ah.



Waraysigan waxaa qaaday Zakariya Hussein oo ku sugan Makka-al-Mukarama
Email:
murtishiil@hotmail.com

No comments: