Saturday, December 22, 2007

Qaybtii Labaad Ee Baaxaa Dega Dunida Iyo Badweynta Nolosha

Guud ahaan waxaan leeyahay ciid mubaarik dhammaan umadda islaamka gaar ahaanna umada soomaaliyeed iyo reer awdalba meelkasta oo ay joogaan.
qaybtii hore waxa aan kaga soo hadalnay hordhicii iyo qaybtii koowaad ee mawduucani imikana waxa aynu ka hadli doonaa qaybtii labaad.

2-Makaska hadalka
Moran kama taagna in hadalku yahay mid ka mida galadaha iyo deeqaha waaweyn ee muhiimka ah ee ilaahay kumanaystay ibnu aadamka kaas oo siiya sharaf iyo karaamo dheeraada oo ay dheer yihiin noolaha kale dhamaantood.

Hadalku ama afku waxa uu aadmiga uugu fadhiyaa qiimo wayn, waana agab adbo iyo waxtar faro badan leh oo fuddudaydiya isfahan,is afgarad iyo xidhiidh hufan.Afku kaliya ma qabto hawlahaa aan sheegay oo kaliya laakin wuu ka baaxad roontayahay kana waxtar badan yahay waana mashgax iyo halbeeg lagu kala sooco karo kartida rabaaniga ah ee dhican maskaxda(IQ) iyo aftahannida iyo xirfadda hadalka ee la xidhiidha isticmaalka murtida,suugaanta,maahmaahda iwm.

"Xoolaha summadaa lagu kala dirsoocaa dadkana sawraxanka hadalka"
Sida aadamigu uugu kala duwan yahay midabka.maskaxda.qaab dhismeedka jidhka cududa, kartida,samirka iyo garashada ayay ku kala duwan yihiin hadalka sida maahmaahdani iftiiminayso"Hadalkana laka odhan og,Allana la kala baryi og"
In kasta oo hadalku guud ahaan yahay mid muhiima ayaa haddana maahmaahda iyo murtidu ay siyaan hadalka macno, dhadhan, soo jeedasho iyo u dhagraaricin siyaado ah sobabtuna waxa ay tahay:

Maahmaahdu: waa hadal wax dhacay ku yimid ama ku baxay oo marka arinta ama dhacdo lamida la arko lasoo qaato ama la isticmaalo.
Murtidu: waa xikmad fayow ama aragti falsafad ku dhisan waana dhuuxa iyo mulaaxda hadalka

Hadalka waxa lagu tibaaxi karaa ablay ama aalad labo af leh oo culayskeeda iyo ahmiyadeeda xambaarsan marka aad sifiican u dhuuxdo tixdan abwaanka soomaaliyeed
"Afku waxuu laxoogyahay magliga xawda kaa jara e "
Maadaama uu afku leeyahay xoogaas iyo saamayn qoto dheer oo dhaxal gal ah ayay soomaalidu samaysatay afeef iyo maahmaaho badan oo la hadal maala afka iyo xilkasnimada loo baahan yahay waxaana ka mid ah:
1-Hadal intuu afkaaga ku jiro ayuu amaanadaada yahay.
2-Hadal afdhaafay afaaf dhaaf.
3-Hadal nin si u yidhi ninna si uqaaday.
4-Hadal waa margi
5-Afxumo colaadna wax kama tarto nabadna way fogaysaa
6-Hadal waa murti habaarna waa dhimo
7-Hadalkaan fiiro loo odhan iyo caanahaan fiiqsi loo dhamin labaduba feedhahay wax yeelaan
8-Hadal marag ama murti leh iyo hilib middi leh midna laguma margado
9-iyo kuwo kale oo badan

Ahmiyada afku iyo habsami u adeegsiga fiicani waxa weeyi irmaan iyo astaan fiican oo shaqsiga u horseedi doonta magac, maamuus iyo martabad qaaliya bulshada dhexdeeda. Waxaan filayaa in jiibta iyo jaanta aan isla helnay,islana jaanqaadi karayno sidaas darteedna laga maarmi karo sharaxaad iyo araar dheeraada una daadagi karo dulucda qoraalka ku wajahan makaska hadaalka ee barhan danbe soo ifbaxay.

Hore ayaa loo yidhi aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban iyo waa kastaaba waayo leh sidaas darteed filanwaa iyo wax ugub ah maaha in aad la kulanto arin cusub oo kaa yaabiya laakinse tirada isa soo taraysa ee makaska hadalka ayaa igu dhalisay inaan shiishka iyo diirada qoraalkan saaro.

Marka hore aan isla meel dhigno macnaha makaska hadal kaas oo nuxurka qoraalkana ku salaysan yahay.Makaska hadalku:waa qof kala xulashada hadalka haboon ee murtida leh ku yar yahay ama kaba aradan,mana xushmeeyo biri magaydada hadalka,waana qof aan si xeer beegtinimo,xilkastnimo iyo wax-xeerin leh aan uuga fikirin hadalka uu odhanayo iyo cida uu lahadlayaa odhaahda ay ka mudantahay,waana qof inta badan u hadla afkay banaan iyo waa lahadli jiray.

Mararka qaarkood qofka xilkaska iyo garaadka lahi waxa laga yaabaa in uu naftiisa la gurxamo, isna yidhaahdo"malaha dadkan makaska afka ee tirada yari waa tafiirtii wiilkii ay haweenaydii tidhi -ilaahow iiga hadli balse ayna ku darin ilaahow waxsan iiga hadli,isaguna ku hadaaqay hadal aan macno lahayn iyo afxumo..

Hadal iyo dhamaan, sida xidid aan xurmayn lahayn,aqal aan xadhig lahayn iyo xaajo aan xog-ogaal lahaynba ay kuu dilaan,rafaadna ku bidaan ayaa hadalka makasnimdada ahi ee aan laga fiirsanin,u dilaa,waxna u dhimaa karaamada iyo sharafka qofka la yimid .amaba waxa kale oo aan odhan karnaa kuna cabiri karnaa sida caqliga doqon galay iyo cadaalada lacag gashay ayna waxtar iyo abdo u lahayn bulshada ayaa makastimada hadalku waxba soo sidin,faa'iido iyo guulna aan laga gaadhi karin ayna haboon tahay in laga waan toobo.


Waxaanan makastka hadalka kula talin lahaa tixdan gaaban:

Afku haybad weeyaan
Hoodo weeyi qaaliya
Halbowlaha nafteeniyo
Hub muhiima weeyaan
Hal irmaana weeyaan
Hayin weeyi daacada
Hibo weeyi qaaliya
Hanti weeyi eebeheen
U hibeeyay aadmiga
Waxba yaanan hadal badin
Makaskaagan hadalkood
Hamigaaga taa gali



khadar Abdi khaire
(khadarcago@hotmail.com)
Dhaka,Bangladesh

No comments: