Wednesday, October 31, 2007

Xarun Lagu Baranaayo Xirfado Casri Ah Oo Laga Furay Magaalada Boorama


Boorama-(Lug)-Maanta waxaa magaalada Borama laga furay xarun cusub oo lagu baranaayo xirfado casri ah sida qorista iyo akhrinta afka Soomaaliga ah (literacy and numeracy),.xirfad nololeedka (life skills) oo ka kooban ka hortega HIV/AIDS/FGM,Hygiene and sanitation (fayo dhawrka nadaafada qofka,Xuquuqda aadamiga (Human right & piece),xalinta khilaafaadka iyo farsamada gacanta (skill Training)oo ka kooban qaybo kala duwan sida (Wastaadada,laydhka,biyo galinta,umuliso dhaqameedka (TBA) maamulka iyo maareynta xafiisyada (computer/.Secratariat iyo Duubista kamaradaha,iyo habaynta sawirada (Audio-visual &photo processing).

Xafladii lagu furaayay xaruntaasi cusub waxaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee MANA GUEST HOUSE waxaana ka soo qayb galay gudoomiye ku xigeenka maamulka G/Awdal C/raxmaan nuur sugaal,gudoomiyaha waxbarashada G/Awdal,madaxa qaybta waxbarashada ee hay’ada Norwegien Refugee Council (NRC) Mrs. Seljie Skie,xidhiidhiyaha mashruucani cusub u qaabilsan hay’ada NRC Mr.Ibrahim Cumar,waalidiinta ardeyda,gudida waxbarashada ee AYODA,macalimiinta iyo masuuliyiinta sare ee ururka AYODA iyo dadweyne kale.

Mashruucani cusub oo laga furay Xarunta xirfadaha farsamada gacanta ee AYODA waxaa lagu magacaabaa mashruucani cusub (Youth education Pack (YEP),waxaa maalgelisay SIDA oo la kaashanaysay hay’ada NRC waxaana fulinaayay hay’ada wadaniga ah ee Africa Youth development Association (AYODA).Xaruntani cusub waxaa waxlagu barayaa ardey dhan lixdan (60) ardey oo ah 30 gabdhood iyo sodon wiil oo da’doodu tahay 15 jir-24 jir,oo ah dhalinyaradii waxbarashada jaaniska u wayday oo isugu jira dadkii qoxootiyada laga soo celiyay iyo dadyawgii ku baro kacay wadanka gudihiisa.

Ugu horeyntii waxaa furitaakii xafladaasi ka hadlay agaasimaha ururka AYODA Axmed Abibeker Sh Cumar oo sheegay muhiimada uu mashruucani u leeyahay dhalinyarada,waxa uuna u mahad celiyay dadweynihii ka soo qaybgalay xafladaasi masuuliyiinta gobolka iyo madaxda ka socota hay’ada NRC,waxa uu sheegay agaasimuhu in mashruucani lafdhabar u yahay dhalinyarada aan waxba baran laguna baraayo qorista iyo akhriska afka hooyo oo ay u dheer yihiin farsamada gacanta si ay ugu shaqaystaan xirfadahaasi la baraayo uguna dabaraan nolol maalmoodkooda si ay dakhli u soo galiyaan qoysaskii ay ka yimaadeen,iyadoo ardeyda halkaasi wax lagu baraayo ay u dheer yihiin cuntadii oo ah qado xaruntaasi loogu sameeyo waxaana iska kaashaday hay’ada NRC iyo WFP .Waxa kale oo halkaasi ka hadashay gabadha madaxa ka ah qaybta waxbarashada ee hay’ada NRC oo tilmaantay muhiimada mashruucani u leeyahay da’yarta,waxaanan rajaynayaa ayay tidhi in si wanaagsan looga faa’iidaysan doono,waxaanan ku kalsoonahay ayay tidhi in ururka AYODA mashruucani guul ka soo hoyn doono.

Waxa kale oo hhalkaasi ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada G/Awdal Prof.Daahir Maxamuud Xaddi wuxuuna ugu horeyn u mahad celiyay hay’ada NRC iyo masuuliyiinteeda,ururka wadaniga ah ee AYODA oo ku hawlan sidii ay dhalinyarada horey ugu marin lahaayeen iyo waxana uu sheegay in hay’ada NRC ay qiimo wayn u leedahay G/Awdal iyada oo ka taageerta dhinaca waxbarashada dhistayna iskuulo faro badan oo gobolka ka mid ah isla markaana ka hawlgalisay macalimiin ka shaqeeya iskuuladaasi,waxa kale oo uu xusay in hay’adaasi tahay mid gobolka aad looga jecel yahay qabatayna waxqabad la taabankaro.

Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Ibrahim Magan Nuur oo ah duqayda G/Awdal kana mid ah gudida waxbarashada ee AYODA,waxana uu u mahad naqay cidii maalgelisay mashruucani iyo ururka AYODA oo ah dhaliyaro jecel horumarka dalka waxqabad muuqdana ka sameeyay G/Awdal oo muhiimad balaadhan u leh bulshada,waxana uu soo dhaweeyay mashruucaasi cusub,wxa uuna ku booriyay dadweynihii iyo masuuliyiintii ka soo qayb galay xafladaasi iyo ardeydiiba in ay ka faa’iidaystaan fursadan dahabiga ah.

Ugu danbaytii waxaa xafladaasi soo gunaanaday Gudoomiye ku xigeenka G/Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xaruntani AYODA ee lagu kordhiyay farsamooyinkan casriga ah oo muhiimad balaadhan u leh dhalinyarada aan waxbarashada helin,waxa uuna u mahad celuyay hay’adihii maal geliyay iyo ururka AYODA oo ah ururka kaliya ee k u hawlan horumarka kala duwan ee gobolka ay ka wadaan,waxaana ugu danbayntii waxa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay 21 qof oo isigu jira macalimiinta iyo qaar ka mid ah maamulka ururka AYODA,shahahaadooyikaasi oo ujeedadoodu ahayd tabobaro la siiyay macalimiintii iyo shaqaalihii hawshaasi hormoodka ka ahaa,tabobarkaasi oo ay maalgelisay hay’ada NRC oo ay xaga manhajka waxlagu baranaayo ka taageertay hayada Swiss-Group.
Waxa uuna gudoomiyuhu ku dhiirigaliyay ka sooqaybgalayaashii xafladaasi inay ka faa’iidaystaan mashruucani cusub.


Wariye:-
Abokor Hassan Afi
Lughaya News-Borama

Waftigii Komishanka Iyo Xubnaha Sadexda Xisbi Qaran Ayaa Maanta Kulan La Yeeshay Hogaamiye Dhaqameedka Iyo Waxgaradka G/Awdal.

Boorama-(Lug)-Kulan balaadhan oo maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee G/Awdal ayaa waxaa gudoominayay Gudigii Komishanka Qaranka iyo Xubnihii Sadexda Xisbi qaran shirkan oo ay ka qayb galeen hogaamiye dhaqameedyada iyo waxgaradka G/Awdal waxay ujeedadiisu ahayd sidii la iskula meel dhigi lahaa bal qaabka ugu haboon ee Daraasad ku wajahan diiwaangalin ka dhacda G/Awdal loo samayn lahaa.

Waxaana shirkaasi hadalo warbixin iyo Soo dhawayn ah ka soo jeediyay Gudoomiyaha G/Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige waxuuna ugu baaqay ka qayb galayaasha inay si fiican oo waxtar leh ay uga qayb qaataan suuro galinta diiwaan galinta la doonayo inay ka dhacdao G/Awdal,waxuuna intaasi raaciyay in la idiinka baahan yahay inaad waxii talo ama rayi ah ee aad doonaysaan inaad waydiisaan komishanka ama Xubnaha Sadexda xisbi qaran talo ahaana aad soo jeedin kartaan si wax la isla ogyahay oo meel mar ah oo qorshahan ku darsano howshana lagu fuliyo iyadoon dhibaato dhicin in la iska kaashado ayaa maanta loo fadhiyaa.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Diiwaan galinta Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur waxuuna faahfaahin ka bixiyay qaabka la doonayo in diiwaangalintaasi ay u socon doonto sida loo samaynayo wakhtiga ay socon doonto isagoo arimahaasi ka hadlayana waxuu yidhi “waxa la doonayaa in si hubaal ah loo maro dhamaan degmooyinka G/Awdal ka kooban yahay iyadoo goobihii hore ee loogu talo galay in goobihii ee sanaaduuqda ay doorashooyinku ka dhaceen laga sameeyo meelo Diiwaan galintu ka dhacdo , waxaanay diiwaangalintu socon doontaa mudo Bil ah “, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aan wax lagu qaban karain balse ay kaliftay duruufaha dhaqaale ee dalka haysta una baahan awood xoog leh oo u baahan in howshaasi lagu fuliyo laakiinse waxaan ku dadaalaynaa sidii aan u samayn lahayn wacyi galin intaasi ka badan .

Mar uu ka hadlayay dadka la doonayo inay diiwangalinta loo ogol yahay waxuu xusay inay isku lifaaqan tahay dhalashada, Deganaanshaha iyo Diiwaangalinta taasi oo uu ku micneeyey in qofkasta oo isdiiwan galinaya loo samaynayo Kaar aqoonsi oo dhalashada Somaliland ah ,laakiinse aan la ogolayn dad aan dalka gudihiisa ku sugnayn ama deganayn.

Axmed X.Daahir oo ka mid ah Xubnaha Komishanka ayaa isna xusay in qofka la diiwaan galinayo faraha laga dhigayo sawirna laga qaadayo waxaanay gudiga doorashooyinku ay ku shaqayn doonaan Computer Network oo isku xidhan si aanu qofna xad gudub ugu samaynin

Jaamac Maxamuud oo isna ka mid ah Komishanka ayaa sheeegay in sabobta loo samaynayo Diiwaan galintan ay tahay si looga gudbo khaladaadkii hore ee laga dhaxlay doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Sarkaal ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha Axmed Cali Cabdi (Yaanbo) waxuuna sheegay in arimahaasi oo dhan ay hirgalinayso Dowladu aniga oo ku hadlaya Magicii dowladnimo ee Wasaaarada Arimaha Gudaha, Dowlada la sheegayaana waa idinka ayuu yidhi waxaana lagu tamarin karaa oo wax lagu qaban karaa waa nabadgalyada sidaa awgeed waxaa la inooga baahan yahay inaynu iska wada xilsaarno sidii diiwangailntaasi ay ugu dhacdo si nabad ah.

Maxamuud Cabdi Malow oo ku hadlayay Magaca Xisbiga Udub ayaa sheegay inay saxayaan khaladaadkii la soo galay wakhtiyadii Doorashooyinka ee ku xadgudubka shuruucdii u taalay nidaamkii doorashooyinka ee xisbiyada iyo dadkuba ay samaynayeen iyaga oo isku raacsan taasi oo ka baxsanayd Xeerkii loo dajiyay waana ta keentay in la sameeyo diiwangalinta.

Axmed C/laahi Siciid oo ku hadlayay magaca Xisbiga Ucid ayaa xusay in maanta ay ka midaysan yihiin Sadexda Xisbi , Komishanka Qaranka iyo Xukuumaduba sidii loo sixi lahaa khaladaadkii doorashooyinkii hore ka soo dhacay oo lagu tilmaamo kuwo aan xalaad u dhicin .

Xuseen Axmed Caydiid oo isna Magaca Kulmiye ku hadlayay ayaa halkaasi ka hadlay waxuuna tilmaamay in maanta aragti laga wada yahay in si midaysan oo cadaalad ah inay doorashadu u dhacdo lagama hortago qofkii 10jeer ku noqonayay diiwaangalintuna waa mid la doonayo in muwaadin kastaa inuu xaq u yeesho inuu Is diiwaan galiyo codkiisana aanu lumin sidii horeba u dhacday oo dadka qaarkood aanay goobaha codbixinta tagain iyagoo wax shaqo ah haynin taasina waa ta keentay in wadaniyadaadii aad meel kaga dhacdo iyo xaqii aad lahayd waana arin maanta in nidaam lagu filyo diiwangalineed la iska meel dhigay .

Axmed Muumin Seed iyo Cabdi Suldaad Kadiye oo ka mid Xubnaha Xisbiga Udub ee G/Awdal ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan wada shaqaynta 3da xisbi qaran iyo Komishanka Qaranka diyaarna ay yihin inay kaalintooda ka qaadanayaan.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Ibraahin Dacar, Suldaan Saleebaan Cali , Suldaan Ibrahim Jaamac Samatar , Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal waxay sheegeen in 135 goobood ee doorashooyinka Sanaaduuqdooda loogu talo galay G/Awdal aanay ahayn mid ku filan Gobolka balse loo baahan yahay in la gaadhsiiyo ilaa 300 halka diiwan galintana ay ku tilmaameen inaanay hal bil waxba lagu fulin Karin inkasta oo loo baahan yahay in ilaa 6 bilood ay socoto si dadka oo dhan ay u wada qayb qaataan waxaanay intaasi sii raaciyeen inaanay reer Awdal oo kaliya uun ku shubanaynin laakiinse sidaad ugu shubanayseen uun halkana lagu shubanayay laakiinse maanta arintan cusubi waa Mid Cadaalada u horseedaysa Bulshada kuwa howsha fuliya ee xilku saarmaana waa hogaamiye dhaqameedyada sidaa awgeed waxaanu idiinka baahan nahay inaan la degdegin oo la turxaan bixiyo si aanay dhibaato uga dhicin diiwangalinta nidaamkana waa nidaam cusub oo aad ku tilmaanteed inuu yahay mid Dimuqraadiyada Meel marinaya sidaa awgeed tamar la’aanta aad sheegaysaan al idinka siisan maayee waxaa loo baahan yahay dulqaad iyo awood xoogan oo dhinaca dhaqaalaha iyo tirade dadka goobaha diiwangalintu ka dhacayso oo laga howl galiyo..

Waa markii ugu horeysa ee Xubno ka tirsan Komishanka Qaranka iyo Sadexda Xisbi Qaran ay kulan balaadhan la yeeshaan Cuqaasha, Salaadiinta iyo Waxgaradka G/Awdal waana markii ugu horeysay ee booqasho ku yimaadaan Gobolkai ntii la magacaabay Komishanka.


Wariye:-
Abukar Hassan Afi
Lughaya News-Borama

Kalfadhigii Ugu Horeeyay Ee Ururka (Awdal Brothers Association)Iyadoo La Magacaabay Masuuliyiin kale.

Sanca-(Lug)_kalfadhigii ugu horreeyay ee uu yeesho Ururka Awdal Brothers Association tan iyo intii uu ururka dhidibada loo taagay muddo bil ah ayaa xalay ka dhacay xarunta uruka ee magaalada Sanca

kalfadhigan oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha cusub ee golaha fulinta ee ururka Dr Maxamed Aw Cali Cumar Dubbad oo uu hareer fadhiyay guddoomiye ku xigeenka guddiga fulinta Md Idiris Axmed Muusa ayaa waxa looga hadlayay qaabka uu u shaqayn doono ururku mustqablka iyo sida ugu wanaagsan ee wacyi galin loogu samayn karo dadwaynaha kasoo jeeda gobolka Awdal ee ku dhaqan dalka Yemen

hortaba waxa shirka furay guddoomiyaha guddiga fulinta Dr Maxamed Awcali Cumar oo wuxuuna aad ugu dheeraaday sida loogu baahan yahay in ururku uu la mid noqdo ururada kale ee aya leeyihiin dadka reer Awdal ee ku nool daafaha adduunka wuxuuna ka codsaday in wax kasta oo la qabanayo dar ilaahay loo qabto isagoo tilmaamay in wax kasta oo ilhaay darti loo qabto uu yahay mid dhaxal gal ah Dr Maxamed waxa uu sheegay in dadka u dhashay gobolka ay iska dhaadhiciyeen in aanay waxba qabsan karin wuxuuna aad ugu dheeraaday in cid kasta oo rabta inay wax dhisto si dar ilaahay ah in ay u hirgalayso waxa uu rabo intay doonto ha qaadatee wuxuuna ugu baaqay in la iska dhaafo waxyaabaha aan sal iyo raad toona lahayn ee la iska dhaadhiciyo waxyar kadibna waxa ka hadlay isaguna guddoomiye ku xigeenka guddiga fulinta Md Idiris oo isaguna aad uga warramay qaabkii uu oo maray ururku iyo sida la doonayo in loo shaqeeyo wuxuna Mr Idiris sheegay in dumarka qayb laga siiyo ururka si ay u fududaato wacyi galinta looga baahan yahay xagga haweenka khudbadahaas kadib ayaa waxa la galay sidii loo dhammaystiri lahaa jagooyinka ka bannaan ururka si loo buuxiyo sidaa darteed guddoomiye ayaa waxa loo magacaabay xogyaha guud ee ururka Dr.Cabdiraxmaan Muusa,jagada lacaghayana waxa loo magacaabay Qaalib Maxamed Cabdallah,xidhiidhiyaha guudna waxa loo magacaabay Dr Cabdiraxmaan Axmed Hoorri guddoomiye Dr Maxamed oo ayaa masuuliyiintaas cusub ka codsaday in ay la yimaadaan shaqo hufan iyo adeeg wanaagsan waxa isna hadalka qaatay xogayaha guud ee ururka ee cusub Dr Cabdiraxmaan Muusa oo ka warramay taariikhda soo jireenka ah ee ay leeyihiin dadka reer Awdal wuxuuna carrabka ku adkeeyay inaanay jirin dadkale oo ka dhaqan wanaagsan ka dhul wanaagsan oo degmo wanaagsani isagoo farta ku fiiqay sida aan uga hoorryan karno cid kastaba ya tahay in anu yeelano ururo isku keen xidha guud ahaan sida ayaan ku gaadhi karnaa ayuu yiri waxkastaba waxa iyaguna hadlay khasnajiga Mr Qaalib Maxamed iyo xidhiidhiyaha ururka Dr Hoorri ayaa iyaguna hadalo kasoo jeediyay ay kaga waramayaan sida loogu baahan yahay in ururku helo taageerIda dadka gobolka oo ay sheegeen in aad loogu baahanyahay


Weriye:-
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughaya News- Sanca

Tuesday, October 30, 2007

Tacsi: Marxuum Axmed Muxumed Nuur ( Axmed Gurey Nuur )



Dhamaan dadka halkan ku hoos qorani waxay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan alaha u naxariistee eleladii iyo qaraabadii uu ka tagay Marxuum Axmed Muxumed Nuur ( Axmed Gurey Nuur ) oo caawa cawayskii ku geeriyooday Isbitaalka Guud ee Magaalada Borama

C/rashiid Xirsi Suge
C/risaaq Xirsi Suge.
Xasan Xirsi Suge.
Aadan Xiris Suge.
Rooda Xirsi Suge iyo Caruurteeda.
Umalkhayr Xirsi Suge.
Ibraahim Cabdi Muruud
Nuur Cabdi Muruud.
Nimco Cabdi Muruud.
Hibo Cabdi Muruud.
Mataan Cabdi Muruud.
C/risaaq Maxamed Barkhad ( C/risaaq Xamaal ).
C/raxmaan Daahir Aw Jar.
Faadumo Isaaq Cumar iyo Saygeeda.
Maxamuud Cismaan Kaahin.
Wihiib Jaamac Rooble.
Saxane Cismaan Ibraahim.


dhamaan dadkani waxay marxuumka waxay ilaahay uga baryayaan inuu ilaahay janadii fardowsa ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo..

Aamin Aamiin


Wariye:-
Sakariye Carab Cadan (Suxufi)

Gudiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Galabta Soo Gaadhay Magaalada Borama.


Boorama-(Lug)-Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gudiga Diiwaangalinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur ayaa Maanta Galinkii dambe soo gaadhay magaalada Borama , waftigan ayaa waxa uu ka kooban yahay Xubno ka tirsan komishanka Qaranka, Saraakiil ka socota Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Xubno kale oo ka socda Sadexda Xisbi Qaran, waxaana Waftigan soo dhaweeyey Xoghaya Xisbiga Udub ee G/Awdal Axmed Muumin Seed iyo xubno ka tirsan Xisbiga Udub ee Heer Gobol.

Ujeedadoodu ayaa waxa ay tahay mid aad u balaadhan sida uu uga waramay Lughaya News Gudoomiyaha Gudiga Diiwaangalinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur ayaa waxa uu yidhi “ Ujeedada safarkayagani waa mid la xidhiidhi sidii aanu xog ururin guud bal ugu samayn lahayn sida ay suurto gal u tahay in diiwaan galin dadka lagu sameeyo gaar ahaana waxaan u soconaa bal inaanu ogaano xaalada goobihii laga codeeyey ee Gobolku sida ay u noqon karaan goob dadka laga diiwaan galiyo”.

Waxaa oo uu gudoomiyuhu ka waramay inaanay safarkoodan ka madhnayn inay dadka u waramaan waxuuna yidhi “ waxaa kale oo aan doonaynaa inaanu la kulano dad faro badan sabobtoo ah waxa aan rabnaa inaan kor u qaadno wacyiga aqooneed ee dadka ee dhinaca doorashooyinka iyo Diiwaan galinta guud labadaba”.

Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu carabka ku dhuftay in Dadka marka la diiwaan galiyo aanay heli doonin oo qudha kaadhka diiwaan galinta balse waxa la siinayaa ayuu yidhi kaadhka Dhalashada wadaninimo ee Jamhuuriyada Somaliland, kumana jiraan oo looma ogola inay qaataan kaadhadhkaas dadka aan daganayn dalka gudihiisa ee aan u dhalan Somaliland.

Waftigan waxaa uu gobolka ku sugnaan doonaa mudada 4 cisho ah ee fooda inagu soo haysa waxaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo , odayaasha iyo Qaybaha kale ee Bulshada, waxaana ay usii dhaafi doonaan Gobolka Saaxil oo ay howlo noocan oo kale ah ka soo fulin doonaan, horena waxa ay howshan oo kale uga soo fuliyeen Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimaada Hargeysa.


Hadaba Magacda xubnaha waftagaasi ka kooban yahay waxa ay kala yihiin:-
Maxamed Yuusuf Axmed ( Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ).
Ismaaciil Muuse Nuur ( Gudoomiyaha Gudiga Diiwaan galinta ).
Axmed X.C/laahi ( Xubin Komishanka Doorashooyinka Qaranka).
Jaamac Maxamuud Siciid ( Xubin Komishanka Doorashooyinka Qaranka).
Axmed Cali Cabdi ( Yaanbo ). ( Sarkaal Wasaarada Arimaha Gudaha ).
Maxamed Cabdi Malow ( Xubin Xisbiga Udub).
C/laahi Siciid (Xubin Xisbiga Ucid ).
Xuseen Axmed Caydiid ( Xubin Xisbiga Kulmiye ).

Inkastoo waftigan si wada jir ah uu u soo gaadhay magaalada Borama ayaa hadana Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku Maxamuud Yuusuf Axmed aanay Booqashadiisani la xidhiidhin howsha ay waftiga intiisa badani gobolka u yimiaadeen sidaasi waxaa Lughaya News u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gudiga Diiwaangalinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur



Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

Faallo:Qurba Jooga Reer Awdal Saamayn Intee Leeg Ayay Ku Leeyihiin Waxa Qabadka Gobalka…?


“Shaqsi Walba Ha Lugu Qiimeeyo Waxa Qabadkiisa"

Marka hore waxaa mahad balaadhan iska leh Ilaahay ina siiyaya nicmooyin faro badan oo ay ugu horayso in uu inaga dhigay bulsho muslin ah oo leh dhaqan iyo xadaarad soo jireen ah oo ay inooga tageen awawyaasheen umada walba marka ay samaynasyo horamar waxaa laga eegaa dhinca bulshadeeda taas ayaana ka soo dheegan karnaa horamarka mustaqbalkeeda sida uu ahaan doono ,

Bulshada reer Awdal oo ah umada ka dhisan dhicana waxbarshada. Kuna amaanan inay wax ka qabtaan baahiyaha ka jira gobalka haba yaradaan hadaba intaan u goda galin faalanada aan u ugu magac daray “Qurba Jooga Reer Awdal Saamayn Intee Leeg Ayay Ku Leeyihiin Waxqabka Gobalka” ayaan indhaha laga qarsan Karin ama qoraalkan laga reebi Karin wax qabka taariikh galka ah ee ay bulshada reer Awdal ku soo kordhiyeen nimanka ixtiraamka badan u hayo ee isku hawla inay la socodsiiyaan bulshada reer Awdal ee ku kula baahsan daafaha aduunyada in ay u soo gudbiyaan dhacdooyinka ku cusub gobalka iyo dalka waxa ku soo kardhay ragaas aan sheegayo waxaa weeyi nimanka tafaftirayaasha ka ah 6da wabsite ee kale ah Lughaya.Com Harowo.Com Boramanews.Com Awdalnews.Com Saylac.Com Iyo Sayliciperss. Akhisrte waxaad ogtahay ama aad la socotaa in ragaasi ay wax dhaqaale ku hayn warbaahintaas ee ay ka tahay hor ilaahay iyo iyagoo jecel in ay ka habaq tiraan wararka gobalka iyo ka dalka dadka ku nool qurbaha taasna waxaan ku leeyahay Alleh xasnaad iyo khayr ha idiinku badlo waxqabadkiina.akhriste aan daboolka ka qaado faalada.

Waxa jira in wixii ka dambeeyay burburkii ka dhacay dalka uu saamayn xoog ah ku yeeshay nolashii bulshada Soomaaliyeed kaaga dareenee waxaa kala haajiray hooyooyin iyo caruur ay dhaleen oo mudo aan is arag oo ku kale maqan qurbaha taasna waxaa u dheer in caruurta Soomaaliyeed qaar kood aanan arag dalkooda hooyo taasina waxay saamayn ku yeelatay dhiigooga .markay nolashii dadku adkaatay waxaa dhacday in bulshadu la timid fikir ah in ay wax ka badalaan habkii ay u mari la haayeeen inay helaan nolal dhaanta tan ay ku nool yihiin ayaa waxaa dhacday in bulsho badan oo reer Awdal ah ay u haajiraan qurbaha tagidaa ay tageen qurbaha waxay u sahashay in ay dadkii ay kaga tageen dalka ay ka kabaan dhinaca dhaqaalaha taasna waa caadadii iyo dhaqankii lugu yaqaanay bulshada reer Awdal in kastoo ay dumarku u badan yihiin dhican soo dirida biilasha taasna waxaad ku ogaan kartaa hadii aad tagto goobaha laga soo diro lacagta waxaad arkaysaa in 80% ay yihiin haweeen hase ahaatee way jiraan rag badna oo soo dir biilasha laakin dumarka ayaa kaga firficoon dhinaca soo dirida biilasha.marka la eego bulshada reer Awdal waxay gobalka soo galiyaan dhaqaale badan marka loo eego bishii inta ay soo diraan waxaa lugu qiyaasi karaa boqolaal kun oo doolar taasna waxan ku sameeyay dabagal .dhanka kale magaalada Boorama waxaa ku soo kordhay 10kii sano ee u dambeeyay dhismayaal qurxoon oo aad ka daalacan karto marka aad maraysid wadooyinka magaalada waxaana qurbo jooga reer Awdal hadii ay dhismayaasha isdan ku sii wadaan waxay magaaladu isku badali doontaa sida caasimadaha caalamka taasina waxaan sugaynaa xilgeeda. Hadaba marka laga tago biilasha ay soo diraan qurbo jooga reer Awdal iyo daaraha quruxda badan ee magaalada ku soo kordhay in aanu jawaab u helno su’aasha ah. Maxaa ka hortaagan qurba jooga reer Awdal in ay maalgashi ku sameeyaan gobalka oo ay keenaan warshado? Iyagoo wada socad ama shaqsi shaqsi ah waxaa jira oo aan.

Halka hoose ku sharxi doonaan dhawr muwaadin oo magaalada maalgashi ku samaytay hase ahaatee waxaan su’aasha kor kusoo sheegay u dhaafayaa dhaamaan bulshada reer Awdal ee ku nool qurbaha . Waan ogahay ama aan ka warqabnaa inay wadaan lacag qaadhaan ah oo ay ku samaynayaan qurba jooga reer Awdal garoonka Biroole ee inta badan dayaco ku muuqday taasna waxaan leeyahay hambalyo halkaasna ka sii wada dadaalkiina laakin qurbe jooge agsoonaw goobo badan oo ka mid ah gobalka oo ay ka muuqaat in wax laga qabto sida tigada Saylac , Madaarka Borama (Aadan isaaq) iyo meelo badan oo halkan ku soo koobi Karin.

Bilihii u dambeeyay waxaa jray in abaabul xoogan wadeen ganacsatada magaaladu oo ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa baahida ka jirta xaga laamayada sida ay ii sheegeen dad ku dhaw dhaw ganacsatada gobalka arinta laamayadu meel fiican ayay u maraysaa hase ahaatee waxay u baahan yihiin caawin weyn oo ah in wax lala qabto wali may dhinci in maalqabeenada reer Awdal qaar kooda arintaa laamayada ah wax kaga darsan waxaa la yidhi far kaliya fool ma dhaqdo waxaanse ugu bishaaraynayaa bulshada jecel horumarka gobalka in sanadkan soo socda ee 2008ku ugu bariya doono waa cusub oo u dhasha dadka reer Awdal waa hadii sidii loo ogaa wax u socdaan .Tusaale bal aan u soo qaato nin reer awdal ah oo tagay qurbaha sanadku markuu ahaa 1975kii ilaa iyo maanta oo Eebe cimrigiisa gaadhsiiyay inkastoo aan jeclayan inaan magacaabo waxa uu soo diraa maalintuu uu galay qurbaha ilaa iyo maanta bishii lacag dhan 400$ bal xisaabi inta ay noqonayso maanta waa malaayiin doolar . Miyaanay ka fiicnan inuu dalka uu keeno warshada yar oo dadkiisu iyo dadka kale ka helaan shaqo iyo faa’ido isna waxay u ahaan lahayd magac iyo ajar bal aan u soo daadago dadka magaalada maalgashi la taaban karo ku samaystay ee mutasaytay in lugu abaal mariyo bilad sharaf ama lugu daro buuga taariikhda inkastoo la yidhi taariikhdu iyadaa isqorta ee lama qoro.

1:Idiris Maxmuud Sacad(Idirsi Cunaaye) waa muwaadin reer Awdal ah oo ka damqaday baahida ay u qabto magaaladiisu in ay hesho hotel wayn oo casri ah oo la jaan qaadi kara dunida horumartay waa mulkiilaha iskag leh Hotel Rays waxa uu dagan yahay boqortooyada Sucuudi Carabiya waa muwaadinkii ugu horeeyay ee ka dhisa magaaladiisa hotel casriya oo bulsho badan oo aan arag markii ay arkeen ay la dheceen quruxiisa waa oo hotel ka kooban qaybo kale duwan ee laga heli karo adeeg hufan oo diyaar kugu yihiin dad u leh xirfad wax walba oo aad ugu baahato kuu keenaya. Waxaa lugu tirayaa inuu ka mid yahay 4 hoteel ee ugu waaweyn jamhuuriyada somalilanad laakinse waxa uu kaga duwan yahay hotel Rays kuma arkaysid wax dhaqan xuma ah oo u keeni karta magac xuma tusaale ahaan marka lugu tumayo aroosayda waxaa caado ah in arooskaas ay ku kulamaan bulsho badan oo ka kooban rag iyo haween oo is dhex boodaya laakinse hotel Rays taas uu ka madhan yahay marka ay jiraan aroosku waxaa loo og layahay in ay ka qayb qataan dhawr rag ah oo kale socda labada aroos taasan waxaa luugu ogal yahay in ay ka caawiyaan waxa ay u baahan yihiin aroosku . Akhriste maalqabeenka Idiris Maxmuud Sacad (Ina Cunaaye) wax uu is taa hilaa in la siiyo bilad sharaf sababtoo ah wax uu magaalada u soo kordhiyay magac iyo qurux hadab isagu faa’iido intee leega ayuu ku qabaa hotel Rays waxaan odhan karnaa inta uu ku qabo waxa ka badan inta ay ku qabaan bulshad reer Awdal ha noqto inta shaqaale ee ka hawlgala hotelka. Waxaa jirta in maanta Borama quruxdeeda ka turjumayo Hotel Rays oo marka aad magaalo ku tagta dalxiis waxaa lugu dagaa hoteelada ku yaale ama ka ugu qurux badan ee soo jiidanaya bilicad magaalada alayleh ninkaa nin dheh,



2:Yaasmiin Jaamac Saylaci waa gabadhii ugu horaysay ee maalgashi la taaban karo ku samaysa gobalkeeda waa gabadh dagan dalka jamhooriyada jabouti iyadu waxay aragtay in gobalkeedu u baahan yahay warshad sifaysa biyaha waa gabadha iska leh warshada biyaha sifaysa ee lugu magacaabo Shifo shirkadaas waan garan karnaa inta shaqaale ee ka hawl gala hadii la heli lahaa shirkado sidan oo kale ugu hawl gala gobalka waxaa soo bixi lahayd shaqooyin badan oo dadku ka helaan laakin waxaan ku boorinayaa in gabadhaa lagaga daydo wax qabadkeeda alayleh gabadhaa gabadh dheh,



3:Amoud foundation waa urur ay ku bahoobeen qaar ka mid ah qurbo jooga reer Awdal xaruntiisuna waxay tahay dalka Maraykanka la iskama qarin karo waxtarka oo u leeyahay bulshada reer Awdal gaar ahaan kuwa ku nool gobalka waxa uu hada wadaa dhakhtar weyn oo ku yaala bariga magaalada Borama waxaana lugu magacaabaa Cubitaal Al Xayaad waa dhakhtar dabooli kar baahida bulshada reer Awdal iyo kuwa ku dhaqan geeska Afrika waxa kale oo Amoud foundation caawimo u fidiyaan ururka lugu magacaabo Kaalmo waxa kale oo ay dhawaan taageero dhaqaale u fidiyeen dhakhtarka Borama oo ay ku deeqeen lacag aad u badan oo la odhan karo dhakhtarku baahi weyn ayuu u qabay, dhanka kale waxa uu dhakhtarka u soo iibiyaan waxyaabo badan oo uu u baahan yahay oo maanta dhex yaala dakhtarka lama soo koobi karo wax tarka uu ururkaasi ka filiyo gabalka awdal hadab qurba joogii reer awdal ma intaas ayaa ka dhex iftiimaysa mise warshado ayay soo wadaana alayleh ururkaa urur dheh,

Marka aan dhawrkan shaqsi ku daray qoraalkaygan waxaan ugu jeedaa in bulshada reer Awdal kaga daydaan waxa qabadkooda iyana waxay u taha dhiiro galin .

Guni iyo gabagabadii waxaan ku soo gunaanadayaa maansadan yar ee aan ugu talo galay nimanka tafaftirayashay ka haw warbaahinta Awdal



Warbaahintan Awdal
Waa mid aad u wanaagsawoo
Aduunkood oo dhan ku baahdayoo
Rag aqoon sare leh hoo
Tignoolajikaga yaqaanoo
Aaladaha wax diraa
Aduunkooga ku iibshoo
Intifaacan Awdal ku ceeshtoo
Ilaahi I abuurayaw
Udgoonaw nabiyaw(scw)
Nimankaa ishtihaaday
Ifka ay ku dhargaanaw
Markay aakhiraw gaadhaan
Udgoonaw janadii
Albaabka ku beeg
Ha ku waaran abidkeed
Warbaahinta awdal
Waa mid aad u wanaagsanaw
Nimankaa ishiti haaday
Aaladaha wax diraaya
Aduunkooda ku iibin
Way abaadi lahayd
Anfacay ku qabaan
Waa mid aad u yaraw
Ilaahi I abuurayaw
Udgoonaw nabiyaw(scw)
Nimankaa ishtihaaday
Ifka ay ku dhargaan
Markay aakhiro gaadhaan
Udgoonay janadii
Albaabka ku beeg.
Abidkood ha ku waaran



Wariye:-
Sakariye Carab Cadan (Suxufi)
Lughaya News-Borama
Sakariyesuxufi@Hotmail.Com

Monday, October 29, 2007

Xafiiska Ururka Wadaniga Ah Ee HAVOYOCO Ee Magaalada Borama Oo Olole Nadaafadeed Ka Bilaabay Borama.


Boorama-(Lug)-Olole balaadhan oo dhinaca nadaafada wax lagaga qabanayo magaalada Borama oo ay fulinayaan Xafiiska magaalada Borama ee HAVOYOCO ololahani oo qaadan doona mudo 3 bilood ah waxaa kala qayb qaadanaya dowlada Hoose iyo Ox Farm gb.

Hadaba si aanu arimaha nadaafada ee hayadaasi wado aan wax u ogaano ayaa waxaanu waraysi kala yeelanay madaxa Xafiiska HAVOYOCO ee G/Awdal C/raxmaan Axmed Jaamac oo ku sugnaa goobtii howshu ka socotay oo ahayd agagaarka garoonka Biroole oo uu hadheeyey qashin aad u tiro badan una baahan in laga nadiifiyo ayaa madaxa Xafiiskaasi waxa uu sheegay in Ololahani lagu nadiifinayo magaalada Borama uu ku saabsan yahay sidii loo yarayn lahaa shuban biyoodka sii badanaya kaasi oo uu keeno qashinku waxaana uu sheegay in ay gacan ka gaysanayaan dowlada hoose iyo Hayada Ox Farm gb oo wada shaqayn aan leenahay

Waxaana uu sheegay waxa u ka socdaa ololahani nadaafadeed 3 gobol oo ka mid gobolada dalka Somaliland waxaana uu socon doonaa mudo 3 bilood ah waxuuna intaasi raaciyay in mudada howshan Nadaafada ah lagu gudo jiro aan ka shaqayn doono 6 goobood oo ka mid Magaalada Borama kuwasoo uu ku tilmaamay kuwa ugu xooga badan leh ee qashinku tuulan yahay isla markaana ololahani noqon maayo mid aan halkaasi ku dayno balse waa la joogtayn doonaa ilaa inta magaalada laga nadiifin doono qashinka oo awooda HAVOYOCO ay suurto noqon inay wax ku qabato.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd Bulshadu gacan intee leeg ayay idinka siisaa howshan aad ku jirtaan waxaa uu jawaabay shalay uubaanu bilownay laakiinse waxaanu wadnaa wacyi galin ku jihaysan sidii bulshadu ay iskaga fogayn lahayd qashinka waxuuna sheegay in awoodan lagu nadiifinayo magaalada Borama ay tahay mid u baahan dhaqaale xoog ah laakiinse HAVAYOCO ahaan inuu dhaqaale ahaan ka balaadhan una laakiinse hadana dadaal waxba la hadhi mayno intii karaan kayaga ah bulshadana waxaanu leenahay si loo helo caafimaad sugan oo lagaga badbaado shuban biyoodka iyo xanuunada kale ee Gudoofada laga qaado waxaan leenahay kaalintiina ka gaysta.

Mar uu ka hadlayay Shuban biyoodka hadii uu dhamaado inay howshan ka hadhayaan iyo inkale waxaa uu sheegay howshan nadaafadu waa mid bulshada oo dhan u taala HAVAYOCO oo kaliyana uma xil saarna howshayaduna noqon mayso mid ku ekaata wakhtiga shuban biyoodku jiro , laakiinse shaqada waan sii wadaynaa bulshadana waxaan u soo jeedinayaa heegan ha noqoto inay qaybtooda ka qaadan .

Ololahan nadaafada waxaa u qorshaysan HAVOYOCO in ay meelaha ay dagaan dada dalka gudihisa ku baro kacay ay u sameeyaan Suuliyo nooca degdega ah isla markaana ay Chlorine ku daraan ceelasha biyaha ah ee afkoodu furan yihiin, ololahan oo socondoona mudo 3bilood ah wajigiisan koowaad waxa uu ku eg yahay maalinta bari ah , waxaana ay talaabooyinkani yihiin kuwo aad ugu muhiim ah la dagaalanka Shuban Biyoodka iyo helinda deegaan nadiif ah oo ay dadku ku noolaan karaan.



Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

Ra'iisul Wasaare Geeddi Oo Is Casilay


Baydhabo-(Lug)-Ra’iisul wasaarihii dawlada KMG ah Cali Maxamed Geeddi ayaa is casilay.Geeddi ayaa lagu waramay in magaalada Baydhaba uu kula kulmay madaxweynaha dawladda KMG ah Cabdullaahi Yuusuf iyo gudoomiyaha baarlamaanka Sh Aadan Madoobe oo uu u gudbiyay go’aanka is casilaadiisa.

Goor dhaw ayaa la filayaa in Cali Maxamed Geeddi uu la kulmo golaha baarlamaanka Somalia oo uu kaga hor dhawaaqi doono is casilaadiisa.

Geeddi ayaa maalmahan danbe waxa saarnaa cadaadis kaga imanayay madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka qaarkood oo ay ku doonayeen inuu xilka isaga dago.




Source of bbcsomali

Sunday, October 28, 2007

Buug Cusub Oo Loogu Magac Daray Tahriib Oo Habeenimadii Xalay Lagu Soo Bandhigay Magaalada Borama.




Waxii La Qoraa Quruuno Hadhee Maxuu Hadal Qaayo Leeyahay…….Cabdi Sinimoo.

Boorama-(Lug)-Gudoomiyaha Waxbarashada ee G/Awdal Prof Dahir Maxamuud Xadi iyo Maamulayaasha Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Telcom,Telesom iyo Masuuliyiin kale oo ka socotay Jaamacada Camuud iyo dadwayne aad u faro badan ayaa habeenimadii xalay ka qayb galay bandhig loo sameeyey Buug cusub oo loogu magac daray Tahriib ( People on the move).

Buugan oo uu qoray Qoraa dhalinyar oo reer Awdal oo magaciisa la idhaahdo Dayib C/raxmaan Askar waxa uu xambaarsan yahay qiso dhinacyo faro badan taabanaysa oo ka hadlaysa Dhibaatooyinka Tahriibta Munaasibadii xalay ayaa qoraagu waxa uu ku faahfaahiyay ujeedooyinkii uu buugan u qoray waxaana uu yidhi waxaa igu dhalisay markii aan dhagaystay sheekooyin faro badan oo ay iiga warameen dad dhalinyaro ah oo tahriibay badankooduna ay dhibaato ka soo gaadhay mudadii ay safarkaasi ku gudo jireen waxaa kale oo uu qoraagu sheegay inuu habeenkan caawa ah diyaar u yahay inuu maqlo wax walba oo dhaliilo ah oo uu buugu leeyahay taasi oo uu ka filayo in la soo ban dhigo .Qoraagan ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay ahmiyada ay leedahay in dhalinta looga digo dhibaatooyinka Tahriibta ay leedahay buugana uu ugu talo galay inuu bal dhalinta u iftiimiyo qaybo kooban oo ka mid ah Hagardaamooyinka ay tahriibtu leedahay.

Gudoomiyaha Waxbarashada ee G/Awdal Prof Daahir Maxamuud Xadi oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay in qoraa dhalinyaro ahi uu soo bandhigo nuqulkan waxaa uuna ku tilmaamay qoraaga halyay mudan in lagu daydo.


Isla Munaasibadaasi ayaa gudoomiyaha Shirkada Telcom G/Awdal ayaa waxaa uu balan qaaday in shirkada Telcom ay iibsanayso 30 nuqul oo buuga labaad ah ( Writing Effectively) kaasi oo shirkadu ugu deeqayso dugsida Dhagoolayaasha ee Magaalada Borama,Bandhigaas gudihiisa ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha Dhaliilaha ah ee uu buugaasi ka waramayay ee dhinacyada Luuqada , Dhaqanka , iyo Cinwaanka qoraagan ayaa waxaa uu qoray buug kale oo loogu daray Writing Effectively waana wiil dhalinyaro ah oo qoraalku uu u yahay Mihnad.

Hadaba buugan (Tahriib) ayaa waxaa uu ka kooban yahay 94 page iyo 8 qaybood (Contents) waxaana uu xambaarsan qiso iskugu jirta Jacayl , Tahriib, iyo Quudhsi waxaana uu waxbadan soo xiganayaa mushkiladaha yaala jidka aan dhamaadka lahayn ee iskaga goosha Somaliland, Ethiopia , Sudan ,Chad, Libiya, iyo Bada Mediterranean-ka.
Waxaana nuqulkan la daabacay sanadii 2007.



Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

Maamulka Shirkada Telcom Borama Oo Gudoonsiiyay Buugii Labaad Ee Writing Effectively Nuqulo Ka Mid Ah Iskuulka Dhagoolayaasha.


Boorama-(Lug)-Gudoomiyaha Shirkada Telcom ee G/Awdal Xasan Yuusuf Riiraash ayaa maanta Maamulka Iskuulka Dhagoolayaasha Gudoonsiiyay 30 nuqul oo ka mid ah Buugii labaad ee uu qoray Dayib C/raxmaan Askar oo magaciisa la idhaahdo Writing Effectively.

Munaasibadaasi maamulka Dhagoolayaasha lagu gudoonsiinayay Nuquladaasi ayaa waxaa hadalo isku dhaafsaday Shirkada Telcom ee G/Awdal iyo Maamulaha Iskuulka Dhagoolayaasha waxaana halkaasi ugu horeyntii ka hadlay Gudoomiyaha Shirkada Telcom Xasan Yuusuf Riiraash waxuuna ka waramay in shirkadani ay ka qayb qaadato waxkasta oo lagu horumarinayo Bulshada isla markaana waxay dhiiri galinaysaa dadka ka qayb qaata qoraalka kala duwan ee bulshada loo soo bandhigayo waxuuna intaasi raaciyay in shirkada Telcom ee G/Awdal ay qayb wayn ka soo qaadatay meel marinta buuga ka hadlaya Tahriibta iyo Dhibaatooyinka ay ku leedahay dadka Dhoofayaasha ah waxuuna sheegay in ay maalgalin galiyeen buugaasi sidii uu u suurtoobi lahaa qoraagaaasi.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maamulaha Iskuulka Dhagoolayaasha Faarax Axmed Cigaal.waxuuna uga mahadceliyay Shirkada Telcom 30 nuqul ee ay ku soo deeqeen Ardayda dhigata Iskuulkaasi si ay uga faa’iidaystaa isla markaana uga helaan waayo aragnimo dhinaca qoraalka ah isla markaana ku dhiiri galilnaya ardaydaasi inay isku dayaan inay wax qori karaan maahina markii ugu horeysay ee Shirkada Telcom ay ku wax ku darsato ka qayb qaadashada dhinaca horumarka waxbarashada ee Dugsiga dhagoolayaasha.

Waana markii ugu horeysay ee buugaag lagu qoro dalka Somaliland oo uu qoro nin dhalinyaro oo reer Awdal la gudoonsiiyo Iskuulka Dhagoolayaasha nuqulo ka mid ah.



Wariye:-
Abokor Hassan Afi
Lughaya News-Borama.

Masuuliinta Jaamicadda Eelo American Unveristy Oo Jawaab Ka Bixiyey Warar Sheegaya Dib U Dhac Ku Yimid Furitaanka Jaamicadda.


Boorama-(Lug)-Masuuliinta qabanqaabada mashruuca jaamacadda cusub ee Eelo American University ee dhawaan magaalada Boorama lagaga dhawaaay, ayaa sheegay in aanay jirin in cid furitaanka jaamacadasi carqalad ku haysa, isla markaana loo diyaar garoobayo furitaanka Jaamacadda.

Masuuliintan ayaa ku tilmaamay inay furitaanka jaamicaddu ku beegantahay dhamaadka sannadkan ilaa bilowga sannadka cusub ee soo socda, waxayna intaa ku dareen in aanay jirin wax maanta ka dhiman oo hakin kara socodkeeda.

Prof Axmed Xaashi Abiib, kana mid ah hawlwadeenada sarsare ee Jaamacadda oo ka hadlay warbixin dhawaanta ku soo baxday Shabakada wararka ee Harowo.com iyo wargeysada dalka qaarkood oo waraysi siiyey Shabakada Harowo.com, ayaa waxa kale oo uu ka warramay heerka diyaargarowga, agabka waxbarashada, nidaanmka iyo waxyaabaha jaamacaddani kaga duwantahay jaamacadaha kale ee ka furan Soomaaliland ama Soomaaliyaba.

Prof Axmed Xaashi oo ka hadlay waxa ka jira warbixintan lagu sheegay dibudhaca ku yimid furitaanka Jaamacadda ayaa yidhi:

"Waxa marka hore wanaagsan in institution kasta oo la doonayo in warbixin laga diyaariyo lagala tashado hawlwadenada xogogaalka u ah, runtiina waan la yaaby warbixinta dhawaan kusoo baxaday shabakadaha iyo wargeysyada qaarkood ee lagu sheegeyo inay jirto carqalad dhinaca dawladda ka timi iyo duruufo kale oo hakiyey furitaanka jaamacadan wakhtigii loogu talogalay, waxa inta la socota hawsha Jaamacadda iyo inta dani kaga xidhantahayba la socdsiinayaa in aanay jirin cid dhibaato nagu haysa ama duruufo kale oo dibu u dhigi kara furitaanka jaamacadda."

Prof Axmed wuxuu intaa ku daray "Dawladdu way na siisay rukhsaddii, wakhtigii furitaanku noo qorshaysnaana wali lama gaadhin, qalab iyo agabki waxbarashada aan ugu talogalayna badi wuu noo yaallaa, diiwaangelintii way socotaa ilaa 30ka bishan Noofambar, macallimiintii iyo masuuliyiintii kale oo isugu jira ajnebi iyo soomaaliba waa u diyaar, welina waxan dhismaha cusub ee jaamacadda ka nadiifinaynaa wixii ka hadhay dhismahaasi."

Sidoo kale, Prof Axmed Xaashi Abiib oo ka warramay waxayaalaha jaamacaddani Eelo American University kaga duwantahay jaamacadaha kale ee ka jira Soomaaliland ama Soomaaliya, ayaa sheegay "inay jiraan waxbarasho cusub oo aan hore dalka uga jirin marka loo eego qalabka loo adeegsanayo, nidaamka maamul, macalimiinta iyo awoodda qalab ee wax lagu bari karo bulshada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee ay la leedahay dunida inmteeda kale."

Prof Axmed Xaashi oo faahfaahin ka bixinaya qorshaha Jaamicadda, ayaa soo qaatay qodobadan soo socda:

1. Jaamacaddu waxay xidhiidh la leedahay ama ku xidhantahay jaamacadda weyn ee loo yaqaan Washigton Sate University ee dalka maraykanka.

2. Waxay jaamacaddu u furantahay arday kasta oo waxbarasho doonaya oo ku nool geeska Afrika.

3. Qaabka waxbarashada EELO-AMEERICAN UNIVERSITY waa maqal iyo muuqaal loo adeegsanayo, taasoo ka amid ah wayaabaha cusub ee ay jaamicaddani kaga gedisantahay Jaamicadaha kale.

4. Macallimiinta jaamacaddu waa ajnebi iyo Soomaaliba.

5. Maamulka Jaamacaddu wuxu gacanta ugu jirayaa guddi (board) ama selection Committee.

6. Cidda soo geleysa waxa lagu soo xulayaa nidaam waxbarasho oo dugsi sare ah, iyadoo la baadhayo dugsiga sare ee ardaygu kasoo baxay si loo caddeeyo inuu kasoo baxay dugsigaasi u sheegeyo iyo inaanu kasoo bixin.

7. Jaamacadda waxa diiwaan gelinteeda gacanta ku haya profeesarro ajnebi ah oo aan qarabo iyo qabiil ku lahayn Soomaaliya ama soomaaliland.

8. Jaamacadda waxay leedahay website u gaar ah ooah EU-AU.ORG.

9. Jaamacaddu waxay xidhiidh la samaysaa jaamacadaha ka jira dalalka caalmka qaarkood iyo ururada caalamiga ahba, sida Ururka Jaamacadaha jaamacadda Carabta, kuwa muslinka, dalalka saaxiibka ee Afrika iwm, iyadoo ardayda ugu sarreysa waxbarashada abaalmarin loo siin doono aqoon korodhsiyo debedda ah.

10. Laybreeriga weyn ee Jaamacaddu, waxuu u furraan doonaa dadweynaha waxbarashada jecel iyo ardayda, iyadoo lagu dhiqi doono sharciyo kala duwan.

11. Ardayda kusoo baxda aqoonta sare, waxay jaamacaddu ku xidhaa shirkadaha ama wershedeha ka jira dalal badan oo dunida ah iyo dalka Somalilandba si loo shaqo geliyo.

12. Arday kasta oo ka diiwaangashan jaamacaddu wuxu yeelan doonaa Email u gaar ah oo jaamacaddu leedahay si loola socodsiiyo wax kasta oo ka jira jaamacadda.

13. Ugu dambayntii jaamacadda EELO-AMERICAN UNIVERSITY, waxay arday kasta culuunta u baranayo u siinaysaa kombiyuuter u gaar ah.


Source of Harowo.com

Saturday, October 27, 2007

Shirkada Dahabshiil Ee G/Awdal Oo Deeq Lacag Ah Gudoonsiisay Dhismaha Dayrka Dugsiga Sare Ee Sheekh Ali Jawhar.


Boorama-(Lug)-Gudoomiyaha Shirkada Dahabshiil ee G/Awdal Ismaaciil Cabdi Riiraash ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Maamulaha Dugsiga Sare ee Sheekh Ali Jawhar Xaamud Ibraahim Barkhadle.

Ujeedada Kulankan ayaa waxay ahayd sidii ay shirkada Dahabshiil u muujin lahayd taageeraha ay u hayso dhismaha Dayrka dugsiga sare ee Sheekh Ali Jawhar Gudoomiyaha Shirkada Dahabsiil Riiraash ayaa waxa uu sheegay inay shirkadiisu aanay ahayn uun mid bulshada ka faa’iida oo qudha balse ay xaqiiq tahay inay shirkadu wax badan bulshada dib ugu celiso waxa uuna yidhi “ waa marag ma doon inay shirkada Dahabshiil tahay mid u heelan ka qayb qaadashada horumarka bulshada ee dhinacyada Caafimaadka Waxbarashada , Jidadka , Dhalinyarada , iyo Arimaha bulshada Guud ahaanba”.

Mar uu ka hadlayay howlaha shirkada ee ku aadan Dugsiga Sare Ee Sheekh Ali Jawhar waxaa uu yidhi “diyaar baan u nahay wax wax walba oo shirkada Qayb ahaan kaga soo hagaaga Horumar ayaanan u aragnaa dhismaha dayrkan”. .

Maamulaha Dugsiga Sare ee Sheekh Ali Jawhar Xaamud Ibraahim Barkhadle oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “ waan ka gudoonay deeqdan Dahabshiil waana mid aan shirkada iyo shaqsiyaadka kale ee horumarka jecel aan ka filaynay waxaana ay ilaahay agtiisa ka heli doonaan abaal wayn ifkana waxa ay ku mutaysteen mahadnaq iyo tusaale ku haboon in lagu daydo waxa uuna intaa sii daba dhigay waxaan shariikadaha kale ee hadhayna ka filaynaa inay qaybtooda ku darsadaan deeqda loo uruurinayo dhismaha dayrka Dugsiga Sare Ee Sheekh Ali Jawhar .

Waxaa uuna goobtaas maamulaha Dahabshiil ku gudoonsiiyay Maamulaha Dugsiga Sheekh Ali Jawhar deeq lacag ah oo ay ugu talo galeen inay qayb ka noqoto Bilowga dhismaha Dayrkaas oo la filayo inay maalinta bari ah howshiisa bilaabanto.





Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama.

Tacsi:Marxuum Maxamed Saleebaan.


Annaga oo kala ah:

1)Sakariye Xuseen
2)Saleebaan Muusa Cilmi
3)Xoosh Cumar Abtidoon
4)Rooble Aadan Warsame
5)Ubax Aadan Warsame
6)Ubax Axmed Suldaan
7)Cilmi Yuusuf Caddaawe iyo Dhamaanba Madaxda,Tafatiryaasha iyo Weriyayaasha bogga Lughaya News waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeryooday allaha u naxariistee


Marxuum Maxamed Saleebaan oo maalinti shalay ku geeryooday tuulada garbodadar waxana ilaahay uag baryaynaa inuu jannadii farduusa kawaraabiyo eheladiii iyo qaraabadii ukatagyna samir iyo iimaan kasiiyo aammiin.



Weriye :-Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lugahaya News- Sanca

Friday, October 26, 2007

Kiiskii Borrel .. baroortu orgiga ka wayn ! Qalinkii: Zakaria Hussein

Riyaad (lug)gabadh adhi jirto ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah dacawo ka cuntay orgi ka tirsanaa xayn adhi ah oo ay daajinaysay, gabadhii dhacdadaasi waxay u aragtay mid dabiici ah wax dareen ah oo murug ka turjumi karana kamay muujin, laakiinse markii ay fiidkii xoolaha soo hoysay ee ay doleedka soo gaadhay ayay ogaatay arooska wiil dhallinyar ah oo ay isku degaan ahaayeen oo ay iyadu isku wadday oo mid kale aroostay, gabadhii iyada oo dareenkeeda qarinaysa ayay oohin bilowday markii sobobta la waydiiyayna waxa ay sheegtay inay u ooyayso oo ay ka sabri kari laadahay orgigii maanta dacawadu cuntay, haseyeeshee aabeheed oo gartay dulucda oohinta ayaa ugu jawaabay (baroortu orgiga ka wayn).


an ka gudbee, waxaa maalmahan dalka Djibouti ka socday bannaanbaxyo si wayn looga qayb gelay oo lagaga soo horjeeday eedeeynta labo iyo toban jirsatay ee ay xukuumadda Faransiisku u maleegtay madaxwaynaha Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ee ku aaddan kiiskii garsoore Bernard Borrelkii ku bakhtiyay Djibouti 19 oct. sannadkii 1995, islamarkaana uu taliska faransiisku Madaxwayne Geelle oo xilligaasi ahaa madaxa nabad- sugidda qaranka ku eedeeyay ka danbaynta dilka ninkaasi, bannaanbaxyadan cadhaysan ee ay dad waynaha reer Djibouti soo abaabuleenna waxay ahaayeen kuwo ay ku garab istaagayeen madaxwaynahooga Mr.Geelle.

Bernard Borrel oo ahaa garsoore u dhashay dalka Faransiiska oo dawladda Djibouti gacan ka siin jiray dhinacyada habaynta amuuraha caddaaladda islamarkaana ka mid ahaa la taliyeyaasha wasiirkii caddaaladda ee xilligaasi Mumin Bahdoon Faarax ayaa maydkiisa laga helay meel u jirta 80 km caasimadda Djibouti, xaqiiq radin iyo baadhitaanno loo dhammaa oo wakhtigaasi la sameeyayna waxaa ka soo baxay inuu garsooruhu arrimo shakhsi ahaaneed isku dilay, arrintaasina waxay keentay in kiiskaasi xidhmo.

haseyeeshee muwaadin reer Djibouti ah oo magangelyo ka rebay Faransiiska oo la yidhaa Saalix Al- Xamiiqaani ayaa sannadkii 2000 arrintan soo nooleeyay oo waxyaabo uu ku tilmaamay caddaymo sugaya in madaxwayne Geelle garsoorahaasi khaarijiyay u gudbiyay faransiiska, dhacdadaasina waxay keentay in uu faransiisku huriyo kiiskaasi markale.
xidhiidhka Faransiiska iyo MR.Geelle ka hor intaanu hanan madaxnimada Djibuti ayaa la sheegaa inuu ahaan jiray mid aan fiicnayn, iyada oo ay jirtay marar uu Faransiisku shirqoollo dhicisoobay u maleegay madaxwayne Geelle sida bashqad ay ku jirtay cajalad Video ah oo lagu soo lifaaqay waxyaabaha qarxa oo Mr Ismaaciil looga soo diray magaalada Marseill 13 kii December ee 1994, cadaawaddan Faransiisku Mr.Geelle u hayana waxa loo aaneeyaa madaxwaynaha oo ah siyaasi ruug caddaa ah oo aan marnaba lagu dabo rogi Karayn shuruucda siyaasadda iyo iskaashiga labo geesoodka ah ee ka dhaxayn kara labo dal oo uu midkood ka kale gumaystay.

Dhinac kale, arrintan la baxday (l`affair du Borrel) markii si hufan loo diraaseeyay waxaa caddaatay sida ay ilo xog- ogaalihi sheegeen inuu garsooruhu gacantiisa isku dilay, maxaayeelay waxaa la xaqiijiyay caddaymo ay ka midyihiin in Borrel maalmihii u danbeeyay noloshiisa uu walbahaar iyo fakir badani ku furnaa, kaasoo sida la sheegay ka dhashay muran qoyseed u dhaxeeyay isaga iyo xaaskiisa Elisabeth Borrel oo baryahan danbe xoojisay dadaalka ay ugu jirto dhalleecaynta madaxwayne Geelle.

Sidoo kale waxaa la sheegay markii ay tiisu gashay ee uu gurigiisa ka baxayay inuu quraarad gaas ah qaatay dabadeedna raqdiisa oo dhinac ka gubatay laga helay deegaanka Qubbat –Al Kharab, waxa kale oo ka markhaati kacaya arrintaasi sida la sheegay dardaaran uu garsooruhu xaaskiisa uu qoray oo ku wajahnaa habka loo maarayn doono hantidiisa geeridiisa ka dib.

Isku soo wada xoori oo arrintan 12 jirsatay ee haweenaydii ka hadhay garsoore Borrel jiifka u diidday ayaa u muuqata marmarsiinyo siyaasadeed oo meel hoose laga dhiraan-dhirrinayo, ujeedada laga leeyahayna ay tahay in lagaga aargoosto madaxwayne Geelle oo tallaabada lagu qoonsaday tahay hanashada madaxnimada dalkiisa iyo codka shacabkiisa isaga oo aan haysan raali ahaanshaha Faransiiska, kiiskanna waxa uu noqday mid looga ololeeyo warbaahinta dalkaasi, markasta oo uu Faransiisku jalleeco geeddi socodka siyaasadda iyo horumarka Djibouti oo ah goob juqraafiyeed muhiim ah oo dowladaha waawayn ee caalamku usoo kala badiyaan sidii ay xidhiidh iyo iskaashi ula yeelan lahaayeen.



Si kastaba ha ahaatee sida ay dad badan oo siyaasadda ku xeel dheeri qabaan Mr.Geelle ayaa ah siyaasi magac wayn ku leh qaaradda Africa, waxana la sheegaa inuu ka khibrad badan yahay nolosha siyaasadeedna ka yaqaan madaxwayne Nicolas Sarkosyga Faransiiska oo si dardar leh uga shaqaynaya arrintan taageero buuxdana la dabo taagan Elesabeth Borrel, waxaasa xaqiiq ah sida ay dad badani qabaan inaanu kiiskani saamayn xun ku yeelan doonin masiirka Djibouti iyo Mr. Geelle toona maadaama ayna qadiyaddaasi cuskanayn sida la sheegay caddaymo sugan oo ay tahay been abuur aan geed loogu gabban iyo tallaabo khilaafsan qawaaniinta caalamiga ah.
Ugu danbayn ma mooddaa in Mr. Sarkosy damac kaga jiro haweenayda ka hahday Borrel maadaama ay maalmo ka hor kala tageen xaaskiisii hore ee Cecilia Sarkosy, oo uu baryahanba doob ahaa? Dhacdadaasi ma hubo tafaasiilna kama hayo wuuse dumaali kara Sarkozy duqda Elisabeth haddii ay ilaa haatan madax bannaan tahay oo uu isleeyahay xaas ahaan tii hore way kuu dhaaami doontaa iyada oo aan dacwado kale oo been abuur ah lagu wareegaysan.

Zakaria Hussein
Riyaad
murtishiil@hotmail.com

Hambalyo Aroos Mudane: Axmed Cismaan Aare iyo Marwo: Ayaan Cabdillaahi Cismaan

Dhammaan madaxda ururka(Awdal Borothers Association) ee dalka Yemen iyo guud ahaanba ururada ay leeyihiin ardayda Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabbuuti ee ee waxku barta dalkan yemen iyo guud ahaanba Bahda Lughaya News waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Arooska Iyo Aroosada:

Mudane: Axmed Cismaan Aare iyo Marwo: Ayaan Cabdillaahi Cismaan

oo arooskoodu ka dhacay magaalada Sanca ee dalka Yemen waxayna leeyihiin noqda kuwii isku waara ee kala hela ubad khayr qaba ,waxana kamid aha dadka hambalyada diraya:
1) Muusa Daahir Tukaale
2)Maxamed Aadan Ileeye
3)Idiris Axmed Muusa Iyo Xaaaskiisa Nawaal Cali Daad
4) Cabdisalaam Axmed Cusmaan
5)Maxamed Aadan Maxamuud
6)Maxamed Cawaale
7)Sh.Aadan Cabdillahi Cali(Shaadibi)
8)Maxamed Aadan Xabiib (Gadhka)
9)Axmed Cali Maxamuud
10)Amiin Cabadllah Cabdoo
11)Sh.Cali Xuseen(Hargaysaawi)
12)Cabdishukuur Cabdulqaadir Caddow
11) Cilmi Yuusuf Caddaawe iyo Dhamaan Bahda Lughaya News



Wariye:-
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughaya News-Sanca

Thursday, October 25, 2007

Urur Cusub Oo Loo Sameeyey Dhisida Wadooyinka G/Awdal Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Borama.

Boorama-(Lug)-Waxaa maanta magaalada Borama lagaga dhawaaqay Urur loogu magac daray Awdal Road Network Association (ARNA) munaasibadii Axsixinta Xubnaha ururkaasi u wadi doona howsha ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha G/Awdal ,Salaadiin, Culumaa’udiin,Ganacsato iyo Engineers loogu talo galay inay kaalintooda ka qaataan dhisida wadadaasi.







Waxaana kulankasi lagu ansixiyay Xubnihii Ganacsatada ee loo xilsaaray Hirgalinta iyo Meelmarinta fikirkaasi wadada isku xidhaya Dilla iyo Borama oo uu fikirkiisa lahaa ahaydna Riyadayda ila Rumeeya Maamulaha Shirkada Telesom ee G/Awdal C/qaadir Adan Nuur oo ay ku tilmaameen ganacsatadu inuu ahaa hormuudkii iyo ku baraarujihii bulshada sidii wadadaasi 28km ah ee dhibka badan loo dhamaystiri lahaa isla markaasina wadooyinka kalena loo amba qaadi lahaa iyada oo si iskaashi leh looga wada howl galayo.


Waxaana ugu horeyntii halkaasi hadalo uu ku faahfaahinayay howshu siday ku soo bilaabantay halka ay marayso iyo waxii lasoo qabtay si dadku isku soo gaadhaan oo warbixin midaysan ay u wada helaan halkaasi ka soo jeediyay Abokor Xuseen Miicaad (Shiine Dheere) waxuuna ugu horeyntii u mahadceliyay dhamaan dadkii ay martiqaadka u fidiyeen oo balantii fuliyay kana soo qayb galay kulankaasi waxuuna cadeeyey in adduunka marka wax la bilaabayo isagaaba Riyo ah Riyaduna dad way ka dhabeeyaan qaarna meeshaba kama soo qaadaan oo halkaasi ayay ku ilaawaan hadaba waxaa la isla gartay in G/Awdal uu waxyaabo gaar ah dabeecad ahaan u leeyahay isagoo arimahaasi tilmaamayana waxa uu yidhi “Iskaa wax u qabsada oo laga bilaabay G/Awdal magaalada Boon ka dibna Dowladii kacaankii barakaysnayd ee dhacday ay halkaasi ka sii amba qaaday iskaa wax u qabsadii , dad ahaana aan caan iyo magacba ku yeelanay Kalmadaasi waxuuna intaasi sii raaciyay in Sanadkii 1972 markii iskaa wax u qabsada lagu dhisayay dugsiga Sare ee Sheekh Ali Jawhar ay Aabayaasheen, Awowyaasheen , Edooyinkeen , Habaryaraheen ay dhagaxa ka soo gurayeen buuro ka fog magaalada Borama iskaashigaasina waxa uu keenay in lagu dhiso dugsigaasi sare ee Sheekh Ali Jawhar ee Qiimaha badan inoogu fadhiya”.



Shiine Dheere oo ku hadlayay magaca Ganacsatada waxuu xusay in markii dalku burburay ee cidwalba calan gaar ah qaadatay in reer Awdal ay yidhaahdeen was aan dhisaynaa Jaamacad wakhtigaasi oo dadkii jaarka ahayn iyo adduunkiiba ay ku dhawaaqeen Jaamacad ma idinkaa dhisi kara dowlad uunbaa samayn karee taasina ah noqotay mid aan ku hirgalino Jaamacadii waana waxyaabaha mucjisada ay ku yihiin Reer Awdal oo cidkasta oo Somali ah ay nagula yaabto sidaan wax u qabsano balse maanta waxaan doonaynaa inaan la rumayno Fikirkii C/qaadir Adan Nuur oo lahaa fikirka Ila Rumeeya Riyadaydii taasina ay maanta tahay taan doonayna inaan meel marino oo aan kaga dhabayno riyada wadooyinka kale ee Gobolkana sidii Iskuulkaa sheikh Ali Jawhar iyo Sidii Jaamacada Camuud aan uga jibo keeno oo aan ku hirgalino.
Waxaa isaguna halkaaasi ka hadlay Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar waxuuna sheikh C/laahi sheegay in waxkasta loo baahan yahay marka lagu dhaqaaqo inaan halkii lagaga hadhin ee la dhamaystiro waxuuna talo ahaan u soo jeediyay ganacsatada Maamul Gobol iyo Degmaba iyo dadwaynahaba inaan qoondaysano maalin reer Borama ay ku dhaqaqaan yar iyo wayn inay wadada dhisaan taasi oo hormood u noqon karta in iskaashi wax lagaga qabto Dhisida wadadaasi waxuuna kula dardaarmay dhamaan Bulshada Reer Awdal Inay Shaqadoodu Noqoto Hadal Yar Iyo Howl Badan.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar waxuuna cadeeyey in reer Awdal ay caan ku yihiin iskaashi iyo Wax wada qabsi horena ay u soo sameeyeen mashaariic badan oo lagu fuliyay Gacmo Wadajir Bay Wax Ku Gooyaan waxuuna carabka ku dhuftay in Salaadiin,Culuma’udiinka ay iyagu xilgaar ah iska saarayaan sidii bulshada loogu wacyi galin lahaa bulshada inay kaalintooda ka qayb qaataan hirgalinta wadooyinka Gobolka Awdal balse waxuu soo jeediyay in Sadex oday oo ka shaqeeya Wadada isku xidha Dilla iyo Borama inaanay Baabuuradu waxba u tuurin inkasta oo si fiican oo habaysan oo daacadnimo ku jirto ay uga shaqeeyaan waxuuna kula dardaarmay Baabuurlayda in dadka wadooyinka ka shaqaynaya ee hagaajinaya in wax loo tuuro si ay dhiiri galin ugu noqoto.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maxamed Cawaale Hadi waxuuna xusay inuu sameeyey sanduuq loogu talo galay inuu qof waliba wax ku rido waxuuna wakhtiyada qaarkood ku riyooday inuu lacag badan uruuriyay oo uu wadadii dhamaystiray isagoo waliba cadeeyey in Laba Jimce salaadahood ay fikirka wadadu Sahwi ku riday oo ay dhaafisay qudbadii jimcaha taasina uu doonayay inuu kala tashado Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar taasina ay wali u suuro galin.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay C/raxmaan Maxamuud Muuse oo isagu loo doortay Gudoomiyaha Golaha sare ee Ururkan waxaa uuna ka waramay qaybaha ururku uu ka kooban yahay iyo howlaha horyaala waxaa uuna yidhi wax yar maaha howsha inoo taala ee aan doonayno inaaan qabano sideedana Jidad dowlado ayaa dhisa maantase waxaan doonaynaa inay dadka reer Awdal taariikh u noqdaan inay jidadku dadku dhisi karaan waxaa kale oo Gudoomiyuhu xaqiijiyay inta ay leegtahay hamiga Gudidu waxuuna yidhi Waxa aan doonaynaa in aan markale hirgalino waxii ay dadka shiinuhu 5000 oo sano ka hor hirgaliyeen waxa aanan raacaynaa qaababkii ay ugu suurto gashay inay dhisaan Gidaarka Adduunka ugu wayn .
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Cumar Ibraahim ( Cumar Dubai ) oo ka mid ah ganacsatada reer Awdal ee Dubai waxuuna sheegay in dadka dibada ganacsato iyo shiciba cid walba inay idinkala qaybqaadan doonto howshaaasi balse balse waxaa idiinka baahan yahay in aan halkaa lagu joojin ee la sii wado.

Waxaa kale oo shirkaasi soo gabagabeeyey Badhasaabka Gobolka Awdal si kastaba ha ahaatee howlaha ururkan horyaala ayaa aad u badan waxaana uu ururku kooban yahay Gudi Hoosaadyo qaabilsan howlaha Dhaqaale ururinta wacyigalinta , Maamulka iyo Gidada Farsamada waxaana maanta ay xubnihii ka soo qayb galay kulankaasi cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen inay xubnaha gudida golaha sare ee Ururku howlahooda u wadan karaan si madaxbanaan.

Waxaana gudiga fulinta ee howshaasi loo xil saaray ay kala yihiin:-

C/Raxmaan Maxamuud Muuse.
C/Qaadir Aadan Nuur.
Maxamed Cali Caynaan.
Abokor Xuseen Miicaan (Shiine Dheere)
Qalin Seed Oo Iyadu Ah Haweenaydii Kalideed Dhistay Wadada Isku Xidha Boon Iyo Fardo Lagu Xidh.
Muuse Camir Kaahin.
Maxamed Nuur Faahiye.
Xasan Geedi Bare.
C/Laahi X.Ciise Maxamuud.
Aamina Boobe.
Saynab X.Axmed Miisaan.
Ismaaciil Cabdi Riiraash.
C/Laahi Jaamac Cumar.
Haaruun Dheere.


Wariye:-
Abokor Hassan Afi
Lughaya News-Borama

Saraakiil Caafimaad oo ka socoto Kings College Hospital London iyo Hayada THET Oo maanta booqday Daraymacaane.

Boorama-(Lug)-Waxaa magaalada Borama soo gaadhay maalintii shalay Dr.Andy Leather iyo Dr.Gillmill oo ka kala socda Kings College Hospital London iyo Hayada THET waxaana ay ujeedada safarkoodu ay tahay sidii loo dardar galin lahaa howlaha kuliyada Caafimaadka ee dhinacyada waxbarashada iyo Mashruuca ku aadan tuulada Daraymacaane.

Saraakiishan ayaa saaaka waxa xarunta Kuliyada kaga dhagaysteen warbixino kala duduwan Ardayda iyo Maamulka Kuliyada taasi oo ay kaga warbixinayeen howlihii u dambeeyey ee ka qabsoomay Daraymacaane iyo xaalada Kuliyada ee Maanta .

Saraakiishan ayaa galinkii dambe ee maanta waxaa ay booqdeen Tuulada Daraymacaane oo ay u kuurgalayeen Sida ay xaqiiq u tahay warbixinadii ay ardaydu siiyeen booqashadoodan maanta ayaa waxaa ku weheliyay Hormuudka Kuliyada Dr.Siciid Axmed Walhad oo Lughaya News u xaqiijiyay inay booqashadoodii maantu guul ku soo dhamaatay waxaana uu yidhi “ waxay indhaha soo saareen Xaqiiqda howlaha ay kuliyadu ka wado Daraymacaane waxaana ay qiimayn kula noqon doonaan Hayadihii ay ka yimaadeen waxaa waxaana aan isla gorfaynay sidii mashruucan looga hirgalin lahaa Goob kale, mar hadii guul laga soo hooyay kii hore.

Dhakhaatiirtan ayaa waxaa ku sugnaan doonaan magaalada Borama ilaa maalinta Axada ah waxaana ay casharo ka bixin doonaan Kulliyada sidoo kale waxaa ay booqashada waftigani astaan u tahay xidhidhka sii xoogaysanaya ee ka dhaxeeya Kulliyada iyo College Hospital London iyo Hayada THET


Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

Wednesday, October 24, 2007

Moobilada Xorta Ah Ee Telcom Oo Dhalinyaro Badan U Sababay In Ay Is Calfadaan

Boorama-(Lug)-Tan iyo intii ay shirka TELCOM ee gobolka Awdal bilowday in ay bixiso mobile-o xadidan oo six xor ah aad ugu sticmaali karto dalka gudihiisa ayaa waxa sii kordhaya isticmaalka dhalinyarta dhexdeeda ah ee ku aadan mobiladaas oo loogu magac daray mobilada fee-ga ah. Waxa ay dhalintu u badan yihiin kuwo haasaawaha intiisa badan ku qaata mobiladaas iyaga oo ay qaarkood gaadhsiisay heer mustaqbal, waxa kale oo aan meesha ka maqnayn in uu dad faro badan u fududeeyay gudashada hawlahooda shaqo.

Maamulka shirkada ee gobolka ayaa waxa sideedaba soo gaadhaya codsiyo faro badan oo ka imanaya dadwaynaha kuwaas oo ku wajahan sidii uu qof walba u heli lahaa mobile noocan oo kale ah. Arintan ayaa waxa u suurto gashay in ay lughayanews ka waraysato maamulaha shirkada TELCOM ee gobolka Awdal Xasan Yuusuf Riiraash waxana uu maamuluhu ka waramay ugu horayn ujeedadii loo hirgaliyay isticmaalka mobile noocan ah waxana uu yidhi “ waxa ay ahayd ujeedada mobiladan in aan hirgalino suuq balaadhan oo ay shirkadu yeelato isla matrkaana bulshadu ku kala xidhiidho, waxana aan qof walba oo aan siino u eegaynay inta qof ee kale ee ku xidhan ee uu shirkada ku soo xidhi karo si ay u suurto gasho in ay shirkadu hesho suuq balaadhan oo dhinaca mobile-ka ah”. Waxa kale oo uu maamuluhu ka waramay inta ay leegtahay guulaha ay dhalinyaro badan oo u bislaaday in ay mustaqbal hantaan ka sheeganayaan mobile-kan waxana uu yidhi “ waxa aan hambalyaynayaa lamaaneyaal badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin oo iyagu ii sheegay in uu unkida mustaqbalkoodan ka qayb qaatay mobile-kan”. Waxa isaga oo mamuluhu sii wata hadalkiisa uu yidhi waxa aan si gaar ah u hambalyaynayaa Mudane: Cabdi Fataax Xuseen Daahir iyo Marwadiisa Faadumo Maxamed Xasan oo iyagu tusaale inagaga filan dhalinta uu mustaqbalkooda ka qayb qaatay Mobile-kani.

Waxa kale oo aan meesha ka maqnayn in la ogaado inta ay leegtahay dareenka dhalinta isticmaasha mobile-ka waxana ay Lughayanews la kulantahy Mustafe Cabdi Ibraahim oo ka mid ah dhalinta isticmaasha Mobilkan waxana isaga oo shucuurtiisa cabiraya uu yidhi “ waxa aan soo wadaa guul way oo dhinaca mustaqbalka ah waanan mahadinayaa TELCOM iyo cidii keentay fikirkanba, waana xaqiiq a in uu mobilkani dhalinbadan caawiyay sidayda oo kale.

Shirkada ayaa todobaadkii ina dhaafay waxa u marti ahaa injineegr China-iis ah kaasi oo uu maamuluhu xusay hawlihii uu u yimid Boorama “ waxa uu injineerkani waday hawlo ku aadan balaadhinta khadka mobile-ka ah ee shirkada, waxana ay talaabadani tahay mid aan ugu talo galnay in aan ku muujino adeegyo aanan la soo koobi Karin oo aan rabno in aan bulshada u soo ban dhigno.

Si kastaba ha ahaatee mobiladan free-ga ah ee ay shirkadu bixisay ayaa dhan in ka badan 200 oo xabo waxana oo qofka haysaayi bishii bixiyaa 10 Doolar oo qudha, waxana ay yihiin kuwo ku kala filiqsan qaybaha kala duwan ee bulshada, mobiladan oo ay dadku u isticmaalaan si xor ah ayaa waxa ay fuliyaan adeegyo kala duwan oo laf-dhabar u noqon kara hormarka dhinaca Mobilka ah ee xawliga ku socda ee ay shirkada TELCOM ee gobolka Awdal wado.

Cabdale Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

Shirkada Daallo Airlines Oo Documents Xajka Lagu Tagayay Diyaarisay.


Boorama-(Lug)-Maamulaha Shirkada Diyaaradaha ee Daallo Airlines ee G/Awdal Mr.Ibraahim Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyay Waxyaabaha looga baahan yahay cidii doonaysa inay soo gudato waajibaadka Xajka ee Sanadka 2007 waxuuna sheegay in Docomentigaasi diyaarin tiisii iyo waxyaabihii xajka lagu tagayay ay shirkadu bilowday 18kii Bishan October.

Maareeyahay Shirkada Daallo Airlines ee G/Awdal waxaa uu sheegay in shuruudaha looga baahan yahay qofka soo gudanaya waajibaadka Xajka ay tahay .
  • Inuu Passport Somali ah Haysto dhicidiisu ka hadhay Mudo 6 bilood ah Passportkuna uu yahay mid aan tirtirnayn.

  • Afar Sawir oo aan midab lahayn.

  • Buuga Caafimaadka.

  • Haweenkana looga baahan yahay Warqada Muxramka ee Haweenku ay ku soo gudan karaan Xajka.

Waxuu tilmaamay Maareeye Ibraahim inuu qofkasta oo danaynaya Inuu soo xajiyo in uu Documents sida ugu dhaqsaha badan ula yimaado xafiiska Daallo Airlines ee Magaalada Borama waxuuna intaasi sii raaciyay in Shirkadu ay kuu fududaynayo waxkasta oo aad ku soo gudan kartid Xajka , Vise ha noqoto iyo Diyaaradba laakiinse qofka waxaa laga doonayaa in qodobada aan soo sheegnay ay tixgalin siiyaan, waxuuna farta ku fiiqay in Shirkada Daallo Airlines ay guushaasi soo gudashada Waajibaadka Xajka, Imkaaniyaadkii lagu tagayayna ay ka helaysid adiga oo jooga gurigaaga oo Borama waxwalba aad ka helayso oo aanad meel kale u tagayn sidaa awgeed waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo soo gudanaysa Waajibaadka Xajka in si wakhti loogu helo ay degdeg u keensadaan .

Wariye: Abokor Hasan Afi

Lughaya News-Borama

Suldaan Ka Mid Beelaha Gobolka Awdal Oo Taageero U Muujiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Boorama-(Lug)-Baryahanba waxaa jamhuuriyada Jibouti ka socday Banaanbaxyo lagaga soo horjeedo Been abuurka lagu daandaan sanayo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Jibouti laguna eedaynayo fal aanu gaysan oo aanay waxba ka jirin isla markaasina lagu cambaaraynayo. Waxa beryahnba xukuumadda Djibouti loo dirayay dhanbaallo lagu taageersan yahay Madaxwaynaha Djibouti oo lagaga soo horjeedo Falalka Argagixisada ee Dowlada Faransisku ay wado waxaana dadka taageeraya Madaxwaynaha ay arimahaasi ku tilmaameen Dhaleecayn aanay waxba ka jirin.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ku hadlaya Magaca Jiif Caaqilada ,Cuqaasha, iyo Waxgaradka Beelaha Maxamed Case Waxuu taageero ugu gudbinayaa Shacbiga iyo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Djibouti taasi oo ka turjumaysa Mowqifka ay arrintan ka ay ka taagan yihiin Beelaha Maxamed Case Gardarada iyo Been Abuurka uu gumaysiga Faransiisku ku hayo Madaxwaynaha Djibout. Waxaanan leenahay arimahaasi waxay astaan u yihiin talaabooyinka Gumaysigu marka laga xoroobo uu ku daadaansado Wadan Calan iyo Dowlad leh, waxaanay dareenka Beelaha Maxamed Case ay muujinayaan in Hiil iyo Hooba ay la garab joogaan dadka reer Djibouti ee wararka aan waxba ka jirin lagu fadeexadaynayo .

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo arintaasi ka hadlayana waxuu yidhi “Dowlada Faransiisku waxay ka xun tahay Horumarka iyo Waxqabadka balaadhan ee uu dadkiisa u sameeyey Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle waxaanan leenahay Xukuumada Faransiiska waar Djibouti way hanaqaadaye ee xadgudubka iyo gardarada halaga daayo. Shacbiga reer Soomaaliland Dhamaantood waxay maanta isgarabtaagayaan oo ay garab joogaan Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle waxaanay ku taageersan yihiin dareenka umada Reer Djibouti ee Falkaa xun ee lagu samaynayo ka dhiidhiday kana samayeeyay banaanbaxyo, mowqifkoodana ku cadeeyay inaan madaxwaynahoodu dambigaasi galin Balse dowlada Faransiiska looga baahan yahay inay dib u baadhaan oo cidii gaysatay falkaasi ku saabsan ninkii isdilay inay iyagu is waydiiyaan way ogyihiin wayna garanayaan ee yaanay ku warwareegin meel aanay waxba u oolin”.

Shacabke reer Somalilandna ma illoobi karaan waxtarka shacabka ku dhaqan Jamhuuriyadda Djibouti ee aan walaalaha iyo isku dhiigga nahay ay mar walba la garab taaganyihiin walaalohooda reer Somaliland. Gaar ahaan xilliyadii dagaallada sokeeye aafeeyeen, oo qaxooti fara badan oo reer Somaliland ah si walaalnimo ah loogu soo dhaweeyay waddankooda labaad ee Djibouti.

Wariye:Abokor Hasan Afi
Lughaya News-Borama