Wednesday, October 31, 2007

Waftigii Komishanka Iyo Xubnaha Sadexda Xisbi Qaran Ayaa Maanta Kulan La Yeeshay Hogaamiye Dhaqameedka Iyo Waxgaradka G/Awdal.

Boorama-(Lug)-Kulan balaadhan oo maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee G/Awdal ayaa waxaa gudoominayay Gudigii Komishanka Qaranka iyo Xubnihii Sadexda Xisbi qaran shirkan oo ay ka qayb galeen hogaamiye dhaqameedyada iyo waxgaradka G/Awdal waxay ujeedadiisu ahayd sidii la iskula meel dhigi lahaa bal qaabka ugu haboon ee Daraasad ku wajahan diiwaangalin ka dhacda G/Awdal loo samayn lahaa.

Waxaana shirkaasi hadalo warbixin iyo Soo dhawayn ah ka soo jeediyay Gudoomiyaha G/Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige waxuuna ugu baaqay ka qayb galayaasha inay si fiican oo waxtar leh ay uga qayb qaataan suuro galinta diiwaan galinta la doonayo inay ka dhacdao G/Awdal,waxuuna intaasi raaciyay in la idiinka baahan yahay inaad waxii talo ama rayi ah ee aad doonaysaan inaad waydiisaan komishanka ama Xubnaha Sadexda xisbi qaran talo ahaana aad soo jeedin kartaan si wax la isla ogyahay oo meel mar ah oo qorshahan ku darsano howshana lagu fuliyo iyadoon dhibaato dhicin in la iska kaashado ayaa maanta loo fadhiyaa.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Diiwaan galinta Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur waxuuna faahfaahin ka bixiyay qaabka la doonayo in diiwaangalintaasi ay u socon doonto sida loo samaynayo wakhtiga ay socon doonto isagoo arimahaasi ka hadlayana waxuu yidhi “waxa la doonayaa in si hubaal ah loo maro dhamaan degmooyinka G/Awdal ka kooban yahay iyadoo goobihii hore ee loogu talo galay in goobihii ee sanaaduuqda ay doorashooyinku ka dhaceen laga sameeyo meelo Diiwaan galintu ka dhacdo , waxaanay diiwaangalintu socon doontaa mudo Bil ah “, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aan wax lagu qaban karain balse ay kaliftay duruufaha dhaqaale ee dalka haysta una baahan awood xoog leh oo u baahan in howshaasi lagu fuliyo laakiinse waxaan ku dadaalaynaa sidii aan u samayn lahayn wacyi galin intaasi ka badan .

Mar uu ka hadlayay dadka la doonayo inay diiwangalinta loo ogol yahay waxuu xusay inay isku lifaaqan tahay dhalashada, Deganaanshaha iyo Diiwaangalinta taasi oo uu ku micneeyey in qofkasta oo isdiiwan galinaya loo samaynayo Kaar aqoonsi oo dhalashada Somaliland ah ,laakiinse aan la ogolayn dad aan dalka gudihiisa ku sugnayn ama deganayn.

Axmed X.Daahir oo ka mid ah Xubnaha Komishanka ayaa isna xusay in qofka la diiwaan galinayo faraha laga dhigayo sawirna laga qaadayo waxaanay gudiga doorashooyinku ay ku shaqayn doonaan Computer Network oo isku xidhan si aanu qofna xad gudub ugu samaynin

Jaamac Maxamuud oo isna ka mid ah Komishanka ayaa sheeegay in sabobta loo samaynayo Diiwaan galintan ay tahay si looga gudbo khaladaadkii hore ee laga dhaxlay doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Sarkaal ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha Axmed Cali Cabdi (Yaanbo) waxuuna sheegay in arimahaasi oo dhan ay hirgalinayso Dowladu aniga oo ku hadlaya Magicii dowladnimo ee Wasaaarada Arimaha Gudaha, Dowlada la sheegayaana waa idinka ayuu yidhi waxaana lagu tamarin karaa oo wax lagu qaban karaa waa nabadgalyada sidaa awgeed waxaa la inooga baahan yahay inaynu iska wada xilsaarno sidii diiwangailntaasi ay ugu dhacdo si nabad ah.

Maxamuud Cabdi Malow oo ku hadlayay Magaca Xisbiga Udub ayaa sheegay inay saxayaan khaladaadkii la soo galay wakhtiyadii Doorashooyinka ee ku xadgudubka shuruucdii u taalay nidaamkii doorashooyinka ee xisbiyada iyo dadkuba ay samaynayeen iyaga oo isku raacsan taasi oo ka baxsanayd Xeerkii loo dajiyay waana ta keentay in la sameeyo diiwangalinta.

Axmed C/laahi Siciid oo ku hadlayay magaca Xisbiga Ucid ayaa xusay in maanta ay ka midaysan yihiin Sadexda Xisbi , Komishanka Qaranka iyo Xukuumaduba sidii loo sixi lahaa khaladaadkii doorashooyinkii hore ka soo dhacay oo lagu tilmaamo kuwo aan xalaad u dhicin .

Xuseen Axmed Caydiid oo isna Magaca Kulmiye ku hadlayay ayaa halkaasi ka hadlay waxuuna tilmaamay in maanta aragti laga wada yahay in si midaysan oo cadaalad ah inay doorashadu u dhacdo lagama hortago qofkii 10jeer ku noqonayay diiwaangalintuna waa mid la doonayo in muwaadin kastaa inuu xaq u yeesho inuu Is diiwaan galiyo codkiisana aanu lumin sidii horeba u dhacday oo dadka qaarkood aanay goobaha codbixinta tagain iyagoo wax shaqo ah haynin taasina waa ta keentay in wadaniyadaadii aad meel kaga dhacdo iyo xaqii aad lahayd waana arin maanta in nidaam lagu filyo diiwangalineed la iska meel dhigay .

Axmed Muumin Seed iyo Cabdi Suldaad Kadiye oo ka mid Xubnaha Xisbiga Udub ee G/Awdal ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan wada shaqaynta 3da xisbi qaran iyo Komishanka Qaranka diyaarna ay yihin inay kaalintooda ka qaadanayaan.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Ibraahin Dacar, Suldaan Saleebaan Cali , Suldaan Ibrahim Jaamac Samatar , Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal waxay sheegeen in 135 goobood ee doorashooyinka Sanaaduuqdooda loogu talo galay G/Awdal aanay ahayn mid ku filan Gobolka balse loo baahan yahay in la gaadhsiiyo ilaa 300 halka diiwan galintana ay ku tilmaameen inaanay hal bil waxba lagu fulin Karin inkasta oo loo baahan yahay in ilaa 6 bilood ay socoto si dadka oo dhan ay u wada qayb qaataan waxaanay intaasi sii raaciyeen inaanay reer Awdal oo kaliya uun ku shubanaynin laakiinse sidaad ugu shubanayseen uun halkana lagu shubanayay laakiinse maanta arintan cusubi waa Mid Cadaalada u horseedaysa Bulshada kuwa howsha fuliya ee xilku saarmaana waa hogaamiye dhaqameedyada sidaa awgeed waxaanu idiinka baahan nahay inaan la degdegin oo la turxaan bixiyo si aanay dhibaato uga dhicin diiwangalinta nidaamkana waa nidaam cusub oo aad ku tilmaanteed inuu yahay mid Dimuqraadiyada Meel marinaya sidaa awgeed tamar la’aanta aad sheegaysaan al idinka siisan maayee waxaa loo baahan yahay dulqaad iyo awood xoogan oo dhinaca dhaqaalaha iyo tirade dadka goobaha diiwangalintu ka dhacayso oo laga howl galiyo..

Waa markii ugu horeysa ee Xubno ka tirsan Komishanka Qaranka iyo Sadexda Xisbi Qaran ay kulan balaadhan la yeeshaan Cuqaasha, Salaadiinta iyo Waxgaradka G/Awdal waana markii ugu horeysay ee booqasho ku yimaadaan Gobolkai ntii la magacaabay Komishanka.


Wariye:-
Abukar Hassan Afi
Lughaya News-Borama

1 comment:

Anonymous said...

Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan
siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan
tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com