Tuesday, October 30, 2007

Gudiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Galabta Soo Gaadhay Magaalada Borama.


Boorama-(Lug)-Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gudiga Diiwaangalinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur ayaa Maanta Galinkii dambe soo gaadhay magaalada Borama , waftigan ayaa waxa uu ka kooban yahay Xubno ka tirsan komishanka Qaranka, Saraakiil ka socota Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Xubno kale oo ka socda Sadexda Xisbi Qaran, waxaana Waftigan soo dhaweeyey Xoghaya Xisbiga Udub ee G/Awdal Axmed Muumin Seed iyo xubno ka tirsan Xisbiga Udub ee Heer Gobol.

Ujeedadoodu ayaa waxa ay tahay mid aad u balaadhan sida uu uga waramay Lughaya News Gudoomiyaha Gudiga Diiwaangalinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur ayaa waxa uu yidhi “ Ujeedada safarkayagani waa mid la xidhiidhi sidii aanu xog ururin guud bal ugu samayn lahayn sida ay suurto gal u tahay in diiwaan galin dadka lagu sameeyo gaar ahaana waxaan u soconaa bal inaanu ogaano xaalada goobihii laga codeeyey ee Gobolku sida ay u noqon karaan goob dadka laga diiwaan galiyo”.

Waxaa oo uu gudoomiyuhu ka waramay inaanay safarkoodan ka madhnayn inay dadka u waramaan waxuuna yidhi “ waxaa kale oo aan doonaynaa inaanu la kulano dad faro badan sabobtoo ah waxa aan rabnaa inaan kor u qaadno wacyiga aqooneed ee dadka ee dhinaca doorashooyinka iyo Diiwaan galinta guud labadaba”.

Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu carabka ku dhuftay in Dadka marka la diiwaan galiyo aanay heli doonin oo qudha kaadhka diiwaan galinta balse waxa la siinayaa ayuu yidhi kaadhka Dhalashada wadaninimo ee Jamhuuriyada Somaliland, kumana jiraan oo looma ogola inay qaataan kaadhadhkaas dadka aan daganayn dalka gudihiisa ee aan u dhalan Somaliland.

Waftigan waxaa uu gobolka ku sugnaan doonaa mudada 4 cisho ah ee fooda inagu soo haysa waxaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo , odayaasha iyo Qaybaha kale ee Bulshada, waxaana ay usii dhaafi doonaan Gobolka Saaxil oo ay howlo noocan oo kale ah ka soo fulin doonaan, horena waxa ay howshan oo kale uga soo fuliyeen Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimaada Hargeysa.


Hadaba Magacda xubnaha waftagaasi ka kooban yahay waxa ay kala yihiin:-
Maxamed Yuusuf Axmed ( Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ).
Ismaaciil Muuse Nuur ( Gudoomiyaha Gudiga Diiwaan galinta ).
Axmed X.C/laahi ( Xubin Komishanka Doorashooyinka Qaranka).
Jaamac Maxamuud Siciid ( Xubin Komishanka Doorashooyinka Qaranka).
Axmed Cali Cabdi ( Yaanbo ). ( Sarkaal Wasaarada Arimaha Gudaha ).
Maxamed Cabdi Malow ( Xubin Xisbiga Udub).
C/laahi Siciid (Xubin Xisbiga Ucid ).
Xuseen Axmed Caydiid ( Xubin Xisbiga Kulmiye ).

Inkastoo waftigan si wada jir ah uu u soo gaadhay magaalada Borama ayaa hadana Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku Maxamuud Yuusuf Axmed aanay Booqashadiisani la xidhiidhin howsha ay waftiga intiisa badani gobolka u yimiaadeen sidaasi waxaa Lughaya News u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gudiga Diiwaangalinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur



Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

1 comment:

Anonymous said...

Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan
siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan
tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com