Sunday, October 28, 2007

Masuuliinta Jaamicadda Eelo American Unveristy Oo Jawaab Ka Bixiyey Warar Sheegaya Dib U Dhac Ku Yimid Furitaanka Jaamicadda.


Boorama-(Lug)-Masuuliinta qabanqaabada mashruuca jaamacadda cusub ee Eelo American University ee dhawaan magaalada Boorama lagaga dhawaaay, ayaa sheegay in aanay jirin in cid furitaanka jaamacadasi carqalad ku haysa, isla markaana loo diyaar garoobayo furitaanka Jaamacadda.

Masuuliintan ayaa ku tilmaamay inay furitaanka jaamicaddu ku beegantahay dhamaadka sannadkan ilaa bilowga sannadka cusub ee soo socda, waxayna intaa ku dareen in aanay jirin wax maanta ka dhiman oo hakin kara socodkeeda.

Prof Axmed Xaashi Abiib, kana mid ah hawlwadeenada sarsare ee Jaamacadda oo ka hadlay warbixin dhawaanta ku soo baxday Shabakada wararka ee Harowo.com iyo wargeysada dalka qaarkood oo waraysi siiyey Shabakada Harowo.com, ayaa waxa kale oo uu ka warramay heerka diyaargarowga, agabka waxbarashada, nidaanmka iyo waxyaabaha jaamacaddani kaga duwantahay jaamacadaha kale ee ka furan Soomaaliland ama Soomaaliyaba.

Prof Axmed Xaashi oo ka hadlay waxa ka jira warbixintan lagu sheegay dibudhaca ku yimid furitaanka Jaamacadda ayaa yidhi:

"Waxa marka hore wanaagsan in institution kasta oo la doonayo in warbixin laga diyaariyo lagala tashado hawlwadenada xogogaalka u ah, runtiina waan la yaaby warbixinta dhawaan kusoo baxaday shabakadaha iyo wargeysyada qaarkood ee lagu sheegeyo inay jirto carqalad dhinaca dawladda ka timi iyo duruufo kale oo hakiyey furitaanka jaamacadan wakhtigii loogu talogalay, waxa inta la socota hawsha Jaamacadda iyo inta dani kaga xidhantahayba la socdsiinayaa in aanay jirin cid dhibaato nagu haysa ama duruufo kale oo dibu u dhigi kara furitaanka jaamacadda."

Prof Axmed wuxuu intaa ku daray "Dawladdu way na siisay rukhsaddii, wakhtigii furitaanku noo qorshaysnaana wali lama gaadhin, qalab iyo agabki waxbarashada aan ugu talogalayna badi wuu noo yaallaa, diiwaangelintii way socotaa ilaa 30ka bishan Noofambar, macallimiintii iyo masuuliyiintii kale oo isugu jira ajnebi iyo soomaaliba waa u diyaar, welina waxan dhismaha cusub ee jaamacadda ka nadiifinaynaa wixii ka hadhay dhismahaasi."

Sidoo kale, Prof Axmed Xaashi Abiib oo ka warramay waxayaalaha jaamacaddani Eelo American University kaga duwantahay jaamacadaha kale ee ka jira Soomaaliland ama Soomaaliya, ayaa sheegay "inay jiraan waxbarasho cusub oo aan hore dalka uga jirin marka loo eego qalabka loo adeegsanayo, nidaamka maamul, macalimiinta iyo awoodda qalab ee wax lagu bari karo bulshada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee ay la leedahay dunida inmteeda kale."

Prof Axmed Xaashi oo faahfaahin ka bixinaya qorshaha Jaamicadda, ayaa soo qaatay qodobadan soo socda:

1. Jaamacaddu waxay xidhiidh la leedahay ama ku xidhantahay jaamacadda weyn ee loo yaqaan Washigton Sate University ee dalka maraykanka.

2. Waxay jaamacaddu u furantahay arday kasta oo waxbarasho doonaya oo ku nool geeska Afrika.

3. Qaabka waxbarashada EELO-AMEERICAN UNIVERSITY waa maqal iyo muuqaal loo adeegsanayo, taasoo ka amid ah wayaabaha cusub ee ay jaamicaddani kaga gedisantahay Jaamicadaha kale.

4. Macallimiinta jaamacaddu waa ajnebi iyo Soomaaliba.

5. Maamulka Jaamacaddu wuxu gacanta ugu jirayaa guddi (board) ama selection Committee.

6. Cidda soo geleysa waxa lagu soo xulayaa nidaam waxbarasho oo dugsi sare ah, iyadoo la baadhayo dugsiga sare ee ardaygu kasoo baxay si loo caddeeyo inuu kasoo baxay dugsigaasi u sheegeyo iyo inaanu kasoo bixin.

7. Jaamacadda waxa diiwaan gelinteeda gacanta ku haya profeesarro ajnebi ah oo aan qarabo iyo qabiil ku lahayn Soomaaliya ama soomaaliland.

8. Jaamacadda waxay leedahay website u gaar ah ooah EU-AU.ORG.

9. Jaamacaddu waxay xidhiidh la samaysaa jaamacadaha ka jira dalalka caalmka qaarkood iyo ururada caalamiga ahba, sida Ururka Jaamacadaha jaamacadda Carabta, kuwa muslinka, dalalka saaxiibka ee Afrika iwm, iyadoo ardayda ugu sarreysa waxbarashada abaalmarin loo siin doono aqoon korodhsiyo debedda ah.

10. Laybreeriga weyn ee Jaamacaddu, waxuu u furraan doonaa dadweynaha waxbarashada jecel iyo ardayda, iyadoo lagu dhiqi doono sharciyo kala duwan.

11. Ardayda kusoo baxda aqoonta sare, waxay jaamacaddu ku xidhaa shirkadaha ama wershedeha ka jira dalal badan oo dunida ah iyo dalka Somalilandba si loo shaqo geliyo.

12. Arday kasta oo ka diiwaangashan jaamacaddu wuxu yeelan doonaa Email u gaar ah oo jaamacaddu leedahay si loola socodsiiyo wax kasta oo ka jira jaamacadda.

13. Ugu dambayntii jaamacadda EELO-AMERICAN UNIVERSITY, waxay arday kasta culuunta u baranayo u siinaysaa kombiyuuter u gaar ah.


Source of Harowo.com

2 comments:

maxamad said...

aniga oo ku bilaabaya magacayga oo ah mahamed ibraahim hajifarah , ahna arday wax ka barta dalka masar gaar ahaan jamacad la yidhaa october six unibersity department of medical microbiology, waxan aad ugu faraxsanahay hor u marka ay mar walba ku tallaabsanayaan aqoonyahannada reer awdal oo mar walba ku caan ah cilmi iyo tacliin , marka la xamanayana lagu xanto wax barasho oo kali ah. jaamacadda eelo waa jaan cusub oo la tallaabsanaya aduunyadan technology ga ah maanta waxayna buuxinaysaa baahida maanta loo harraadanyahay amma dad badani ka fara madhanyahay . waxan hanbalyo gaar ah u dirayaa professor doctor ahmed hashi abiib oo u xaytay fahamsiinta iyo baraarujinta umaddeenna cilmiga maanta , waxanan leeyahay ilaahay ha kula garab galo
wa salaam

Anonymous said...

Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan
siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan
tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com