Wednesday, October 31, 2007

Xarun Lagu Baranaayo Xirfado Casri Ah Oo Laga Furay Magaalada Boorama


Boorama-(Lug)-Maanta waxaa magaalada Borama laga furay xarun cusub oo lagu baranaayo xirfado casri ah sida qorista iyo akhrinta afka Soomaaliga ah (literacy and numeracy),.xirfad nololeedka (life skills) oo ka kooban ka hortega HIV/AIDS/FGM,Hygiene and sanitation (fayo dhawrka nadaafada qofka,Xuquuqda aadamiga (Human right & piece),xalinta khilaafaadka iyo farsamada gacanta (skill Training)oo ka kooban qaybo kala duwan sida (Wastaadada,laydhka,biyo galinta,umuliso dhaqameedka (TBA) maamulka iyo maareynta xafiisyada (computer/.Secratariat iyo Duubista kamaradaha,iyo habaynta sawirada (Audio-visual &photo processing).

Xafladii lagu furaayay xaruntaasi cusub waxaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee MANA GUEST HOUSE waxaana ka soo qayb galay gudoomiye ku xigeenka maamulka G/Awdal C/raxmaan nuur sugaal,gudoomiyaha waxbarashada G/Awdal,madaxa qaybta waxbarashada ee hay’ada Norwegien Refugee Council (NRC) Mrs. Seljie Skie,xidhiidhiyaha mashruucani cusub u qaabilsan hay’ada NRC Mr.Ibrahim Cumar,waalidiinta ardeyda,gudida waxbarashada ee AYODA,macalimiinta iyo masuuliyiinta sare ee ururka AYODA iyo dadweyne kale.

Mashruucani cusub oo laga furay Xarunta xirfadaha farsamada gacanta ee AYODA waxaa lagu magacaabaa mashruucani cusub (Youth education Pack (YEP),waxaa maalgelisay SIDA oo la kaashanaysay hay’ada NRC waxaana fulinaayay hay’ada wadaniga ah ee Africa Youth development Association (AYODA).Xaruntani cusub waxaa waxlagu barayaa ardey dhan lixdan (60) ardey oo ah 30 gabdhood iyo sodon wiil oo da’doodu tahay 15 jir-24 jir,oo ah dhalinyaradii waxbarashada jaaniska u wayday oo isugu jira dadkii qoxootiyada laga soo celiyay iyo dadyawgii ku baro kacay wadanka gudihiisa.

Ugu horeyntii waxaa furitaakii xafladaasi ka hadlay agaasimaha ururka AYODA Axmed Abibeker Sh Cumar oo sheegay muhiimada uu mashruucani u leeyahay dhalinyarada,waxa uuna u mahad celiyay dadweynihii ka soo qaybgalay xafladaasi masuuliyiinta gobolka iyo madaxda ka socota hay’ada NRC,waxa uu sheegay agaasimuhu in mashruucani lafdhabar u yahay dhalinyarada aan waxba baran laguna baraayo qorista iyo akhriska afka hooyo oo ay u dheer yihiin farsamada gacanta si ay ugu shaqaystaan xirfadahaasi la baraayo uguna dabaraan nolol maalmoodkooda si ay dakhli u soo galiyaan qoysaskii ay ka yimaadeen,iyadoo ardeyda halkaasi wax lagu baraayo ay u dheer yihiin cuntadii oo ah qado xaruntaasi loogu sameeyo waxaana iska kaashaday hay’ada NRC iyo WFP .Waxa kale oo halkaasi ka hadashay gabadha madaxa ka ah qaybta waxbarashada ee hay’ada NRC oo tilmaantay muhiimada mashruucani u leeyahay da’yarta,waxaanan rajaynayaa ayay tidhi in si wanaagsan looga faa’iidaysan doono,waxaanan ku kalsoonahay ayay tidhi in ururka AYODA mashruucani guul ka soo hoyn doono.

Waxa kale oo hhalkaasi ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada G/Awdal Prof.Daahir Maxamuud Xaddi wuxuuna ugu horeyn u mahad celiyay hay’ada NRC iyo masuuliyiinteeda,ururka wadaniga ah ee AYODA oo ku hawlan sidii ay dhalinyarada horey ugu marin lahaayeen iyo waxana uu sheegay in hay’ada NRC ay qiimo wayn u leedahay G/Awdal iyada oo ka taageerta dhinaca waxbarashada dhistayna iskuulo faro badan oo gobolka ka mid ah isla markaana ka hawlgalisay macalimiin ka shaqeeya iskuuladaasi,waxa kale oo uu xusay in hay’adaasi tahay mid gobolka aad looga jecel yahay qabatayna waxqabad la taabankaro.

Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Ibrahim Magan Nuur oo ah duqayda G/Awdal kana mid ah gudida waxbarashada ee AYODA,waxana uu u mahad naqay cidii maalgelisay mashruucani iyo ururka AYODA oo ah dhaliyaro jecel horumarka dalka waxqabad muuqdana ka sameeyay G/Awdal oo muhiimad balaadhan u leh bulshada,waxana uu soo dhaweeyay mashruucaasi cusub,wxa uuna ku booriyay dadweynihii iyo masuuliyiintii ka soo qayb galay xafladaasi iyo ardeydiiba in ay ka faa’iidaystaan fursadan dahabiga ah.

Ugu danbaytii waxaa xafladaasi soo gunaanaday Gudoomiye ku xigeenka G/Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xaruntani AYODA ee lagu kordhiyay farsamooyinkan casriga ah oo muhiimad balaadhan u leh dhalinyarada aan waxbarashada helin,waxa uuna u mahad celuyay hay’adihii maal geliyay iyo ururka AYODA oo ah ururka kaliya ee k u hawlan horumarka kala duwan ee gobolka ay ka wadaan,waxaana ugu danbayntii waxa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay 21 qof oo isigu jira macalimiinta iyo qaar ka mid ah maamulka ururka AYODA,shahahaadooyikaasi oo ujeedadoodu ahayd tabobaro la siiyay macalimiintii iyo shaqaalihii hawshaasi hormoodka ka ahaa,tabobarkaasi oo ay maalgelisay hay’ada NRC oo ay xaga manhajka waxlagu baranaayo ka taageertay hayada Swiss-Group.
Waxa uuna gudoomiyuhu ku dhiirigaliyay ka sooqaybgalayaashii xafladaasi inay ka faa’iidaystaan mashruucani cusub.


Wariye:-
Abokor Hassan Afi
Lughaya News-Borama

Waftigii Komishanka Iyo Xubnaha Sadexda Xisbi Qaran Ayaa Maanta Kulan La Yeeshay Hogaamiye Dhaqameedka Iyo Waxgaradka G/Awdal.

Boorama-(Lug)-Kulan balaadhan oo maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee G/Awdal ayaa waxaa gudoominayay Gudigii Komishanka Qaranka iyo Xubnihii Sadexda Xisbi qaran shirkan oo ay ka qayb galeen hogaamiye dhaqameedyada iyo waxgaradka G/Awdal waxay ujeedadiisu ahayd sidii la iskula meel dhigi lahaa bal qaabka ugu haboon ee Daraasad ku wajahan diiwaangalin ka dhacda G/Awdal loo samayn lahaa.

Waxaana shirkaasi hadalo warbixin iyo Soo dhawayn ah ka soo jeediyay Gudoomiyaha G/Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige waxuuna ugu baaqay ka qayb galayaasha inay si fiican oo waxtar leh ay uga qayb qaataan suuro galinta diiwaan galinta la doonayo inay ka dhacdao G/Awdal,waxuuna intaasi raaciyay in la idiinka baahan yahay inaad waxii talo ama rayi ah ee aad doonaysaan inaad waydiisaan komishanka ama Xubnaha Sadexda xisbi qaran talo ahaana aad soo jeedin kartaan si wax la isla ogyahay oo meel mar ah oo qorshahan ku darsano howshana lagu fuliyo iyadoon dhibaato dhicin in la iska kaashado ayaa maanta loo fadhiyaa.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Diiwaan galinta Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur waxuuna faahfaahin ka bixiyay qaabka la doonayo in diiwaangalintaasi ay u socon doonto sida loo samaynayo wakhtiga ay socon doonto isagoo arimahaasi ka hadlayana waxuu yidhi “waxa la doonayaa in si hubaal ah loo maro dhamaan degmooyinka G/Awdal ka kooban yahay iyadoo goobihii hore ee loogu talo galay in goobihii ee sanaaduuqda ay doorashooyinku ka dhaceen laga sameeyo meelo Diiwaan galintu ka dhacdo , waxaanay diiwaangalintu socon doontaa mudo Bil ah “, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aan wax lagu qaban karain balse ay kaliftay duruufaha dhaqaale ee dalka haysta una baahan awood xoog leh oo u baahan in howshaasi lagu fuliyo laakiinse waxaan ku dadaalaynaa sidii aan u samayn lahayn wacyi galin intaasi ka badan .

Mar uu ka hadlayay dadka la doonayo inay diiwangalinta loo ogol yahay waxuu xusay inay isku lifaaqan tahay dhalashada, Deganaanshaha iyo Diiwaangalinta taasi oo uu ku micneeyey in qofkasta oo isdiiwan galinaya loo samaynayo Kaar aqoonsi oo dhalashada Somaliland ah ,laakiinse aan la ogolayn dad aan dalka gudihiisa ku sugnayn ama deganayn.

Axmed X.Daahir oo ka mid ah Xubnaha Komishanka ayaa isna xusay in qofka la diiwaan galinayo faraha laga dhigayo sawirna laga qaadayo waxaanay gudiga doorashooyinku ay ku shaqayn doonaan Computer Network oo isku xidhan si aanu qofna xad gudub ugu samaynin

Jaamac Maxamuud oo isna ka mid ah Komishanka ayaa sheeegay in sabobta loo samaynayo Diiwaan galintan ay tahay si looga gudbo khaladaadkii hore ee laga dhaxlay doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Sarkaal ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha Axmed Cali Cabdi (Yaanbo) waxuuna sheegay in arimahaasi oo dhan ay hirgalinayso Dowladu aniga oo ku hadlaya Magicii dowladnimo ee Wasaaarada Arimaha Gudaha, Dowlada la sheegayaana waa idinka ayuu yidhi waxaana lagu tamarin karaa oo wax lagu qaban karaa waa nabadgalyada sidaa awgeed waxaa la inooga baahan yahay inaynu iska wada xilsaarno sidii diiwangailntaasi ay ugu dhacdo si nabad ah.

Maxamuud Cabdi Malow oo ku hadlayay Magaca Xisbiga Udub ayaa sheegay inay saxayaan khaladaadkii la soo galay wakhtiyadii Doorashooyinka ee ku xadgudubka shuruucdii u taalay nidaamkii doorashooyinka ee xisbiyada iyo dadkuba ay samaynayeen iyaga oo isku raacsan taasi oo ka baxsanayd Xeerkii loo dajiyay waana ta keentay in la sameeyo diiwangalinta.

Axmed C/laahi Siciid oo ku hadlayay magaca Xisbiga Ucid ayaa xusay in maanta ay ka midaysan yihiin Sadexda Xisbi , Komishanka Qaranka iyo Xukuumaduba sidii loo sixi lahaa khaladaadkii doorashooyinkii hore ka soo dhacay oo lagu tilmaamo kuwo aan xalaad u dhicin .

Xuseen Axmed Caydiid oo isna Magaca Kulmiye ku hadlayay ayaa halkaasi ka hadlay waxuuna tilmaamay in maanta aragti laga wada yahay in si midaysan oo cadaalad ah inay doorashadu u dhacdo lagama hortago qofkii 10jeer ku noqonayay diiwaangalintuna waa mid la doonayo in muwaadin kastaa inuu xaq u yeesho inuu Is diiwaan galiyo codkiisana aanu lumin sidii horeba u dhacday oo dadka qaarkood aanay goobaha codbixinta tagain iyagoo wax shaqo ah haynin taasina waa ta keentay in wadaniyadaadii aad meel kaga dhacdo iyo xaqii aad lahayd waana arin maanta in nidaam lagu filyo diiwangalineed la iska meel dhigay .

Axmed Muumin Seed iyo Cabdi Suldaad Kadiye oo ka mid Xubnaha Xisbiga Udub ee G/Awdal ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan wada shaqaynta 3da xisbi qaran iyo Komishanka Qaranka diyaarna ay yihin inay kaalintooda ka qaadanayaan.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Ibraahin Dacar, Suldaan Saleebaan Cali , Suldaan Ibrahim Jaamac Samatar , Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal waxay sheegeen in 135 goobood ee doorashooyinka Sanaaduuqdooda loogu talo galay G/Awdal aanay ahayn mid ku filan Gobolka balse loo baahan yahay in la gaadhsiiyo ilaa 300 halka diiwan galintana ay ku tilmaameen inaanay hal bil waxba lagu fulin Karin inkasta oo loo baahan yahay in ilaa 6 bilood ay socoto si dadka oo dhan ay u wada qayb qaataan waxaanay intaasi sii raaciyeen inaanay reer Awdal oo kaliya uun ku shubanaynin laakiinse sidaad ugu shubanayseen uun halkana lagu shubanayay laakiinse maanta arintan cusubi waa Mid Cadaalada u horseedaysa Bulshada kuwa howsha fuliya ee xilku saarmaana waa hogaamiye dhaqameedyada sidaa awgeed waxaanu idiinka baahan nahay inaan la degdegin oo la turxaan bixiyo si aanay dhibaato uga dhicin diiwangalinta nidaamkana waa nidaam cusub oo aad ku tilmaanteed inuu yahay mid Dimuqraadiyada Meel marinaya sidaa awgeed tamar la’aanta aad sheegaysaan al idinka siisan maayee waxaa loo baahan yahay dulqaad iyo awood xoogan oo dhinaca dhaqaalaha iyo tirade dadka goobaha diiwangalintu ka dhacayso oo laga howl galiyo..

Waa markii ugu horeysa ee Xubno ka tirsan Komishanka Qaranka iyo Sadexda Xisbi Qaran ay kulan balaadhan la yeeshaan Cuqaasha, Salaadiinta iyo Waxgaradka G/Awdal waana markii ugu horeysay ee booqasho ku yimaadaan Gobolkai ntii la magacaabay Komishanka.


Wariye:-
Abukar Hassan Afi
Lughaya News-Borama

Kalfadhigii Ugu Horeeyay Ee Ururka (Awdal Brothers Association)Iyadoo La Magacaabay Masuuliyiin kale.

Sanca-(Lug)_kalfadhigii ugu horreeyay ee uu yeesho Ururka Awdal Brothers Association tan iyo intii uu ururka dhidibada loo taagay muddo bil ah ayaa xalay ka dhacay xarunta uruka ee magaalada Sanca

kalfadhigan oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha cusub ee golaha fulinta ee ururka Dr Maxamed Aw Cali Cumar Dubbad oo uu hareer fadhiyay guddoomiye ku xigeenka guddiga fulinta Md Idiris Axmed Muusa ayaa waxa looga hadlayay qaabka uu u shaqayn doono ururku mustqablka iyo sida ugu wanaagsan ee wacyi galin loogu samayn karo dadwaynaha kasoo jeeda gobolka Awdal ee ku dhaqan dalka Yemen

hortaba waxa shirka furay guddoomiyaha guddiga fulinta Dr Maxamed Awcali Cumar oo wuxuuna aad ugu dheeraaday sida loogu baahan yahay in ururku uu la mid noqdo ururada kale ee aya leeyihiin dadka reer Awdal ee ku nool daafaha adduunka wuxuuna ka codsaday in wax kasta oo la qabanayo dar ilaahay loo qabto isagoo tilmaamay in wax kasta oo ilhaay darti loo qabto uu yahay mid dhaxal gal ah Dr Maxamed waxa uu sheegay in dadka u dhashay gobolka ay iska dhaadhiciyeen in aanay waxba qabsan karin wuxuuna aad ugu dheeraaday in cid kasta oo rabta inay wax dhisto si dar ilaahay ah in ay u hirgalayso waxa uu rabo intay doonto ha qaadatee wuxuuna ugu baaqay in la iska dhaafo waxyaabaha aan sal iyo raad toona lahayn ee la iska dhaadhiciyo waxyar kadibna waxa ka hadlay isaguna guddoomiye ku xigeenka guddiga fulinta Md Idiris oo isaguna aad uga warramay qaabkii uu oo maray ururku iyo sida la doonayo in loo shaqeeyo wuxuna Mr Idiris sheegay in dumarka qayb laga siiyo ururka si ay u fududaato wacyi galinta looga baahan yahay xagga haweenka khudbadahaas kadib ayaa waxa la galay sidii loo dhammaystiri lahaa jagooyinka ka bannaan ururka si loo buuxiyo sidaa darteed guddoomiye ayaa waxa loo magacaabay xogyaha guud ee ururka Dr.Cabdiraxmaan Muusa,jagada lacaghayana waxa loo magacaabay Qaalib Maxamed Cabdallah,xidhiidhiyaha guudna waxa loo magacaabay Dr Cabdiraxmaan Axmed Hoorri guddoomiye Dr Maxamed oo ayaa masuuliyiintaas cusub ka codsaday in ay la yimaadaan shaqo hufan iyo adeeg wanaagsan waxa isna hadalka qaatay xogayaha guud ee ururka ee cusub Dr Cabdiraxmaan Muusa oo ka warramay taariikhda soo jireenka ah ee ay leeyihiin dadka reer Awdal wuxuuna carrabka ku adkeeyay inaanay jirin dadkale oo ka dhaqan wanaagsan ka dhul wanaagsan oo degmo wanaagsani isagoo farta ku fiiqay sida aan uga hoorryan karno cid kastaba ya tahay in anu yeelano ururo isku keen xidha guud ahaan sida ayaan ku gaadhi karnaa ayuu yiri waxkastaba waxa iyaguna hadlay khasnajiga Mr Qaalib Maxamed iyo xidhiidhiyaha ururka Dr Hoorri ayaa iyaguna hadalo kasoo jeediyay ay kaga waramayaan sida loogu baahan yahay in ururku helo taageerIda dadka gobolka oo ay sheegeen in aad loogu baahanyahay


Weriye:-
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughaya News- Sanca

Tuesday, October 30, 2007

Tacsi: Marxuum Axmed Muxumed Nuur ( Axmed Gurey Nuur )



Dhamaan dadka halkan ku hoos qorani waxay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan alaha u naxariistee eleladii iyo qaraabadii uu ka tagay Marxuum Axmed Muxumed Nuur ( Axmed Gurey Nuur ) oo caawa cawayskii ku geeriyooday Isbitaalka Guud ee Magaalada Borama

C/rashiid Xirsi Suge
C/risaaq Xirsi Suge.
Xasan Xirsi Suge.
Aadan Xiris Suge.
Rooda Xirsi Suge iyo Caruurteeda.
Umalkhayr Xirsi Suge.
Ibraahim Cabdi Muruud
Nuur Cabdi Muruud.
Nimco Cabdi Muruud.
Hibo Cabdi Muruud.
Mataan Cabdi Muruud.
C/risaaq Maxamed Barkhad ( C/risaaq Xamaal ).
C/raxmaan Daahir Aw Jar.
Faadumo Isaaq Cumar iyo Saygeeda.
Maxamuud Cismaan Kaahin.
Wihiib Jaamac Rooble.
Saxane Cismaan Ibraahim.


dhamaan dadkani waxay marxuumka waxay ilaahay uga baryayaan inuu ilaahay janadii fardowsa ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo..

Aamin Aamiin


Wariye:-
Sakariye Carab Cadan (Suxufi)

Gudiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Galabta Soo Gaadhay Magaalada Borama.


Boorama-(Lug)-Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gudiga Diiwaangalinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur ayaa Maanta Galinkii dambe soo gaadhay magaalada Borama , waftigan ayaa waxa uu ka kooban yahay Xubno ka tirsan komishanka Qaranka, Saraakiil ka socota Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Xubno kale oo ka socda Sadexda Xisbi Qaran, waxaana Waftigan soo dhaweeyey Xoghaya Xisbiga Udub ee G/Awdal Axmed Muumin Seed iyo xubno ka tirsan Xisbiga Udub ee Heer Gobol.

Ujeedadoodu ayaa waxa ay tahay mid aad u balaadhan sida uu uga waramay Lughaya News Gudoomiyaha Gudiga Diiwaangalinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur ayaa waxa uu yidhi “ Ujeedada safarkayagani waa mid la xidhiidhi sidii aanu xog ururin guud bal ugu samayn lahayn sida ay suurto gal u tahay in diiwaan galin dadka lagu sameeyo gaar ahaana waxaan u soconaa bal inaanu ogaano xaalada goobihii laga codeeyey ee Gobolku sida ay u noqon karaan goob dadka laga diiwaan galiyo”.

Waxaa oo uu gudoomiyuhu ka waramay inaanay safarkoodan ka madhnayn inay dadka u waramaan waxuuna yidhi “ waxaa kale oo aan doonaynaa inaanu la kulano dad faro badan sabobtoo ah waxa aan rabnaa inaan kor u qaadno wacyiga aqooneed ee dadka ee dhinaca doorashooyinka iyo Diiwaan galinta guud labadaba”.

Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu carabka ku dhuftay in Dadka marka la diiwaan galiyo aanay heli doonin oo qudha kaadhka diiwaan galinta balse waxa la siinayaa ayuu yidhi kaadhka Dhalashada wadaninimo ee Jamhuuriyada Somaliland, kumana jiraan oo looma ogola inay qaataan kaadhadhkaas dadka aan daganayn dalka gudihiisa ee aan u dhalan Somaliland.

Waftigan waxaa uu gobolka ku sugnaan doonaa mudada 4 cisho ah ee fooda inagu soo haysa waxaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo , odayaasha iyo Qaybaha kale ee Bulshada, waxaana ay usii dhaafi doonaan Gobolka Saaxil oo ay howlo noocan oo kale ah ka soo fulin doonaan, horena waxa ay howshan oo kale uga soo fuliyeen Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimaada Hargeysa.


Hadaba Magacda xubnaha waftagaasi ka kooban yahay waxa ay kala yihiin:-
Maxamed Yuusuf Axmed ( Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ).
Ismaaciil Muuse Nuur ( Gudoomiyaha Gudiga Diiwaan galinta ).
Axmed X.C/laahi ( Xubin Komishanka Doorashooyinka Qaranka).
Jaamac Maxamuud Siciid ( Xubin Komishanka Doorashooyinka Qaranka).
Axmed Cali Cabdi ( Yaanbo ). ( Sarkaal Wasaarada Arimaha Gudaha ).
Maxamed Cabdi Malow ( Xubin Xisbiga Udub).
C/laahi Siciid (Xubin Xisbiga Ucid ).
Xuseen Axmed Caydiid ( Xubin Xisbiga Kulmiye ).

Inkastoo waftigan si wada jir ah uu u soo gaadhay magaalada Borama ayaa hadana Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku Maxamuud Yuusuf Axmed aanay Booqashadiisani la xidhiidhin howsha ay waftiga intiisa badani gobolka u yimiaadeen sidaasi waxaa Lughaya News u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gudiga Diiwaangalinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur



Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

Faallo:Qurba Jooga Reer Awdal Saamayn Intee Leeg Ayay Ku Leeyihiin Waxa Qabadka Gobalka…?


“Shaqsi Walba Ha Lugu Qiimeeyo Waxa Qabadkiisa"

Marka hore waxaa mahad balaadhan iska leh Ilaahay ina siiyaya nicmooyin faro badan oo ay ugu horayso in uu inaga dhigay bulsho muslin ah oo leh dhaqan iyo xadaarad soo jireen ah oo ay inooga tageen awawyaasheen umada walba marka ay samaynasyo horamar waxaa laga eegaa dhinca bulshadeeda taas ayaana ka soo dheegan karnaa horamarka mustaqbalkeeda sida uu ahaan doono ,

Bulshada reer Awdal oo ah umada ka dhisan dhicana waxbarshada. Kuna amaanan inay wax ka qabtaan baahiyaha ka jira gobalka haba yaradaan hadaba intaan u goda galin faalanada aan u ugu magac daray “Qurba Jooga Reer Awdal Saamayn Intee Leeg Ayay Ku Leeyihiin Waxqabka Gobalka” ayaan indhaha laga qarsan Karin ama qoraalkan laga reebi Karin wax qabka taariikh galka ah ee ay bulshada reer Awdal ku soo kordhiyeen nimanka ixtiraamka badan u hayo ee isku hawla inay la socodsiiyaan bulshada reer Awdal ee ku kula baahsan daafaha aduunyada in ay u soo gudbiyaan dhacdooyinka ku cusub gobalka iyo dalka waxa ku soo kardhay ragaas aan sheegayo waxaa weeyi nimanka tafaftirayaasha ka ah 6da wabsite ee kale ah Lughaya.Com Harowo.Com Boramanews.Com Awdalnews.Com Saylac.Com Iyo Sayliciperss. Akhisrte waxaad ogtahay ama aad la socotaa in ragaasi ay wax dhaqaale ku hayn warbaahintaas ee ay ka tahay hor ilaahay iyo iyagoo jecel in ay ka habaq tiraan wararka gobalka iyo ka dalka dadka ku nool qurbaha taasna waxaan ku leeyahay Alleh xasnaad iyo khayr ha idiinku badlo waxqabadkiina.akhriste aan daboolka ka qaado faalada.

Waxa jira in wixii ka dambeeyay burburkii ka dhacay dalka uu saamayn xoog ah ku yeeshay nolashii bulshada Soomaaliyeed kaaga dareenee waxaa kala haajiray hooyooyin iyo caruur ay dhaleen oo mudo aan is arag oo ku kale maqan qurbaha taasna waxaa u dheer in caruurta Soomaaliyeed qaar kood aanan arag dalkooda hooyo taasina waxay saamayn ku yeelatay dhiigooga .markay nolashii dadku adkaatay waxaa dhacday in bulshadu la timid fikir ah in ay wax ka badalaan habkii ay u mari la haayeeen inay helaan nolal dhaanta tan ay ku nool yihiin ayaa waxaa dhacday in bulsho badan oo reer Awdal ah ay u haajiraan qurbaha tagidaa ay tageen qurbaha waxay u sahashay in ay dadkii ay kaga tageen dalka ay ka kabaan dhinaca dhaqaalaha taasna waa caadadii iyo dhaqankii lugu yaqaanay bulshada reer Awdal in kastoo ay dumarku u badan yihiin dhican soo dirida biilasha taasna waxaad ku ogaan kartaa hadii aad tagto goobaha laga soo diro lacagta waxaad arkaysaa in 80% ay yihiin haweeen hase ahaatee way jiraan rag badna oo soo dir biilasha laakin dumarka ayaa kaga firficoon dhinaca soo dirida biilasha.marka la eego bulshada reer Awdal waxay gobalka soo galiyaan dhaqaale badan marka loo eego bishii inta ay soo diraan waxaa lugu qiyaasi karaa boqolaal kun oo doolar taasna waxan ku sameeyay dabagal .dhanka kale magaalada Boorama waxaa ku soo kordhay 10kii sano ee u dambeeyay dhismayaal qurxoon oo aad ka daalacan karto marka aad maraysid wadooyinka magaalada waxaana qurbo jooga reer Awdal hadii ay dhismayaasha isdan ku sii wadaan waxay magaaladu isku badali doontaa sida caasimadaha caalamka taasina waxaan sugaynaa xilgeeda. Hadaba marka laga tago biilasha ay soo diraan qurbo jooga reer Awdal iyo daaraha quruxda badan ee magaalada ku soo kordhay in aanu jawaab u helno su’aasha ah. Maxaa ka hortaagan qurba jooga reer Awdal in ay maalgashi ku sameeyaan gobalka oo ay keenaan warshado? Iyagoo wada socad ama shaqsi shaqsi ah waxaa jira oo aan.

Halka hoose ku sharxi doonaan dhawr muwaadin oo magaalada maalgashi ku samaytay hase ahaatee waxaan su’aasha kor kusoo sheegay u dhaafayaa dhaamaan bulshada reer Awdal ee ku nool qurbaha . Waan ogahay ama aan ka warqabnaa inay wadaan lacag qaadhaan ah oo ay ku samaynayaan qurba jooga reer Awdal garoonka Biroole ee inta badan dayaco ku muuqday taasna waxaan leeyahay hambalyo halkaasna ka sii wada dadaalkiina laakin qurbe jooge agsoonaw goobo badan oo ka mid ah gobalka oo ay ka muuqaat in wax laga qabto sida tigada Saylac , Madaarka Borama (Aadan isaaq) iyo meelo badan oo halkan ku soo koobi Karin.

Bilihii u dambeeyay waxaa jray in abaabul xoogan wadeen ganacsatada magaaladu oo ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa baahida ka jirta xaga laamayada sida ay ii sheegeen dad ku dhaw dhaw ganacsatada gobalka arinta laamayadu meel fiican ayay u maraysaa hase ahaatee waxay u baahan yihiin caawin weyn oo ah in wax lala qabto wali may dhinci in maalqabeenada reer Awdal qaar kooda arintaa laamayada ah wax kaga darsan waxaa la yidhi far kaliya fool ma dhaqdo waxaanse ugu bishaaraynayaa bulshada jecel horumarka gobalka in sanadkan soo socda ee 2008ku ugu bariya doono waa cusub oo u dhasha dadka reer Awdal waa hadii sidii loo ogaa wax u socdaan .Tusaale bal aan u soo qaato nin reer awdal ah oo tagay qurbaha sanadku markuu ahaa 1975kii ilaa iyo maanta oo Eebe cimrigiisa gaadhsiiyay inkastoo aan jeclayan inaan magacaabo waxa uu soo diraa maalintuu uu galay qurbaha ilaa iyo maanta bishii lacag dhan 400$ bal xisaabi inta ay noqonayso maanta waa malaayiin doolar . Miyaanay ka fiicnan inuu dalka uu keeno warshada yar oo dadkiisu iyo dadka kale ka helaan shaqo iyo faa’ido isna waxay u ahaan lahayd magac iyo ajar bal aan u soo daadago dadka magaalada maalgashi la taaban karo ku samaystay ee mutasaytay in lugu abaal mariyo bilad sharaf ama lugu daro buuga taariikhda inkastoo la yidhi taariikhdu iyadaa isqorta ee lama qoro.

1:Idiris Maxmuud Sacad(Idirsi Cunaaye) waa muwaadin reer Awdal ah oo ka damqaday baahida ay u qabto magaaladiisu in ay hesho hotel wayn oo casri ah oo la jaan qaadi kara dunida horumartay waa mulkiilaha iskag leh Hotel Rays waxa uu dagan yahay boqortooyada Sucuudi Carabiya waa muwaadinkii ugu horeeyay ee ka dhisa magaaladiisa hotel casriya oo bulsho badan oo aan arag markii ay arkeen ay la dheceen quruxiisa waa oo hotel ka kooban qaybo kale duwan ee laga heli karo adeeg hufan oo diyaar kugu yihiin dad u leh xirfad wax walba oo aad ugu baahato kuu keenaya. Waxaa lugu tirayaa inuu ka mid yahay 4 hoteel ee ugu waaweyn jamhuuriyada somalilanad laakinse waxa uu kaga duwan yahay hotel Rays kuma arkaysid wax dhaqan xuma ah oo u keeni karta magac xuma tusaale ahaan marka lugu tumayo aroosayda waxaa caado ah in arooskaas ay ku kulamaan bulsho badan oo ka kooban rag iyo haween oo is dhex boodaya laakinse hotel Rays taas uu ka madhan yahay marka ay jiraan aroosku waxaa loo og layahay in ay ka qayb qataan dhawr rag ah oo kale socda labada aroos taasan waxaa luugu ogal yahay in ay ka caawiyaan waxa ay u baahan yihiin aroosku . Akhriste maalqabeenka Idiris Maxmuud Sacad (Ina Cunaaye) wax uu is taa hilaa in la siiyo bilad sharaf sababtoo ah wax uu magaalada u soo kordhiyay magac iyo qurux hadab isagu faa’iido intee leega ayuu ku qabaa hotel Rays waxaan odhan karnaa inta uu ku qabo waxa ka badan inta ay ku qabaan bulshad reer Awdal ha noqto inta shaqaale ee ka hawlgala hotelka. Waxaa jirta in maanta Borama quruxdeeda ka turjumayo Hotel Rays oo marka aad magaalo ku tagta dalxiis waxaa lugu dagaa hoteelada ku yaale ama ka ugu qurux badan ee soo jiidanaya bilicad magaalada alayleh ninkaa nin dheh,



2:Yaasmiin Jaamac Saylaci waa gabadhii ugu horaysay ee maalgashi la taaban karo ku samaysa gobalkeeda waa gabadh dagan dalka jamhooriyada jabouti iyadu waxay aragtay in gobalkeedu u baahan yahay warshad sifaysa biyaha waa gabadha iska leh warshada biyaha sifaysa ee lugu magacaabo Shifo shirkadaas waan garan karnaa inta shaqaale ee ka hawl gala hadii la heli lahaa shirkado sidan oo kale ugu hawl gala gobalka waxaa soo bixi lahayd shaqooyin badan oo dadku ka helaan laakin waxaan ku boorinayaa in gabadhaa lagaga daydo wax qabadkeeda alayleh gabadhaa gabadh dheh,



3:Amoud foundation waa urur ay ku bahoobeen qaar ka mid ah qurbo jooga reer Awdal xaruntiisuna waxay tahay dalka Maraykanka la iskama qarin karo waxtarka oo u leeyahay bulshada reer Awdal gaar ahaan kuwa ku nool gobalka waxa uu hada wadaa dhakhtar weyn oo ku yaala bariga magaalada Borama waxaana lugu magacaabaa Cubitaal Al Xayaad waa dhakhtar dabooli kar baahida bulshada reer Awdal iyo kuwa ku dhaqan geeska Afrika waxa kale oo Amoud foundation caawimo u fidiyaan ururka lugu magacaabo Kaalmo waxa kale oo ay dhawaan taageero dhaqaale u fidiyeen dhakhtarka Borama oo ay ku deeqeen lacag aad u badan oo la odhan karo dhakhtarku baahi weyn ayuu u qabay, dhanka kale waxa uu dhakhtarka u soo iibiyaan waxyaabo badan oo uu u baahan yahay oo maanta dhex yaala dakhtarka lama soo koobi karo wax tarka uu ururkaasi ka filiyo gabalka awdal hadab qurba joogii reer awdal ma intaas ayaa ka dhex iftiimaysa mise warshado ayay soo wadaana alayleh ururkaa urur dheh,

Marka aan dhawrkan shaqsi ku daray qoraalkaygan waxaan ugu jeedaa in bulshada reer Awdal kaga daydaan waxa qabadkooda iyana waxay u taha dhiiro galin .

Guni iyo gabagabadii waxaan ku soo gunaanadayaa maansadan yar ee aan ugu talo galay nimanka tafaftirayashay ka haw warbaahinta Awdal



Warbaahintan Awdal
Waa mid aad u wanaagsawoo
Aduunkood oo dhan ku baahdayoo
Rag aqoon sare leh hoo
Tignoolajikaga yaqaanoo
Aaladaha wax diraa
Aduunkooga ku iibshoo
Intifaacan Awdal ku ceeshtoo
Ilaahi I abuurayaw
Udgoonaw nabiyaw(scw)
Nimankaa ishtihaaday
Ifka ay ku dhargaanaw
Markay aakhiraw gaadhaan
Udgoonaw janadii
Albaabka ku beeg
Ha ku waaran abidkeed
Warbaahinta awdal
Waa mid aad u wanaagsanaw
Nimankaa ishiti haaday
Aaladaha wax diraaya
Aduunkooda ku iibin
Way abaadi lahayd
Anfacay ku qabaan
Waa mid aad u yaraw
Ilaahi I abuurayaw
Udgoonaw nabiyaw(scw)
Nimankaa ishtihaaday
Ifka ay ku dhargaan
Markay aakhiro gaadhaan
Udgoonay janadii
Albaabka ku beeg.
Abidkood ha ku waaran



Wariye:-
Sakariye Carab Cadan (Suxufi)
Lughaya News-Borama
Sakariyesuxufi@Hotmail.Com

Monday, October 29, 2007

Xafiiska Ururka Wadaniga Ah Ee HAVOYOCO Ee Magaalada Borama Oo Olole Nadaafadeed Ka Bilaabay Borama.


Boorama-(Lug)-Olole balaadhan oo dhinaca nadaafada wax lagaga qabanayo magaalada Borama oo ay fulinayaan Xafiiska magaalada Borama ee HAVOYOCO ololahani oo qaadan doona mudo 3 bilood ah waxaa kala qayb qaadanaya dowlada Hoose iyo Ox Farm gb.

Hadaba si aanu arimaha nadaafada ee hayadaasi wado aan wax u ogaano ayaa waxaanu waraysi kala yeelanay madaxa Xafiiska HAVOYOCO ee G/Awdal C/raxmaan Axmed Jaamac oo ku sugnaa goobtii howshu ka socotay oo ahayd agagaarka garoonka Biroole oo uu hadheeyey qashin aad u tiro badan una baahan in laga nadiifiyo ayaa madaxa Xafiiskaasi waxa uu sheegay in Ololahani lagu nadiifinayo magaalada Borama uu ku saabsan yahay sidii loo yarayn lahaa shuban biyoodka sii badanaya kaasi oo uu keeno qashinku waxaana uu sheegay in ay gacan ka gaysanayaan dowlada hoose iyo Hayada Ox Farm gb oo wada shaqayn aan leenahay

Waxaana uu sheegay waxa u ka socdaa ololahani nadaafadeed 3 gobol oo ka mid gobolada dalka Somaliland waxaana uu socon doonaa mudo 3 bilood ah waxuuna intaasi raaciyay in mudada howshan Nadaafada ah lagu gudo jiro aan ka shaqayn doono 6 goobood oo ka mid Magaalada Borama kuwasoo uu ku tilmaamay kuwa ugu xooga badan leh ee qashinku tuulan yahay isla markaana ololahani noqon maayo mid aan halkaasi ku dayno balse waa la joogtayn doonaa ilaa inta magaalada laga nadiifin doono qashinka oo awooda HAVOYOCO ay suurto noqon inay wax ku qabato.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd Bulshadu gacan intee leeg ayay idinka siisaa howshan aad ku jirtaan waxaa uu jawaabay shalay uubaanu bilownay laakiinse waxaanu wadnaa wacyi galin ku jihaysan sidii bulshadu ay iskaga fogayn lahayd qashinka waxuuna sheegay in awoodan lagu nadiifinayo magaalada Borama ay tahay mid u baahan dhaqaale xoog ah laakiinse HAVAYOCO ahaan inuu dhaqaale ahaan ka balaadhan una laakiinse hadana dadaal waxba la hadhi mayno intii karaan kayaga ah bulshadana waxaanu leenahay si loo helo caafimaad sugan oo lagaga badbaado shuban biyoodka iyo xanuunada kale ee Gudoofada laga qaado waxaan leenahay kaalintiina ka gaysta.

Mar uu ka hadlayay Shuban biyoodka hadii uu dhamaado inay howshan ka hadhayaan iyo inkale waxaa uu sheegay howshan nadaafadu waa mid bulshada oo dhan u taala HAVAYOCO oo kaliyana uma xil saarna howshayaduna noqon mayso mid ku ekaata wakhtiga shuban biyoodku jiro , laakiinse shaqada waan sii wadaynaa bulshadana waxaan u soo jeedinayaa heegan ha noqoto inay qaybtooda ka qaadan .

Ololahan nadaafada waxaa u qorshaysan HAVOYOCO in ay meelaha ay dagaan dada dalka gudihisa ku baro kacay ay u sameeyaan Suuliyo nooca degdega ah isla markaana ay Chlorine ku daraan ceelasha biyaha ah ee afkoodu furan yihiin, ololahan oo socondoona mudo 3bilood ah wajigiisan koowaad waxa uu ku eg yahay maalinta bari ah , waxaana ay talaabooyinkani yihiin kuwo aad ugu muhiim ah la dagaalanka Shuban Biyoodka iyo helinda deegaan nadiif ah oo ay dadku ku noolaan karaan.



Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama