Showing posts with label News. Show all posts
Showing posts with label News. Show all posts

Saturday, January 5, 2008

Somali interim leader collapses

Somalia's interim President Abdullahi Yusuf has fallen ill and been flown to neighbouring Ethiopia for treatment.
A BBC correspondent says Mr Yusuf, 72, collapsed on Friday morning in the seat of government, Baidoa.
Prime Minister Nur Hussein Hassan said his condition was not serious, but close aides have suggested otherwise.
In his absence, the prime minister, who took office in November, has appointed 15 members of a cabinet to replace those he dismissed last month.
"I've appointed 15 ministers and the rest of the ministers will be appointed soon. The new ministers will be sworn in tomorrow," Reuters news agency quotes the prime minister as saying.
The president, who had a liver transplant 14 years ago, was last month admitted to a Kenyan hospital, suffering from bronchitis.

Ethiopia helped Somalia's transitional government end the Union of Islamic Courts' (UIC) six-month rule over large parts of southern Somalia a year ago.


Since then the government has been battling insurgents in the capital, Mogadishu.
The UN says 60% of the residents of the capital, Mogadishu, have fled their homes because of fighting in recent months.

Somalia has not had a functioning national government since 1991.

Hassan Barise of the BBC's Somali Service says it had been feared the president's collapse would delay the cabinet appointments.

He says despite the setback to his health no-one is expecting President Yusuf to step down.

Source: BBC

Two Libyan diplomats kidnapped in Somalia have been released, officials say

MOGADISHU, Somalia - Libya's Foreign Ministry says that two Libyan diplomats kidnapped by gunmen Saturday in Somalia's lawless capital have been released.

The official, who spoke on condition of anonymity, says no ransom money was paid and the two were released after efforts over the past few hours were exerted.

He would not elaborate on what efforts took place and who was involved in negotiating their release.

Gunmen had kidnapped the two - identified by the Foreign Ministry as Naji Gassouda and Fathi Boudiyah - earlier today in a busy market in Mogadishu.

Source: AFP

Friday, January 4, 2008

3rd LAAD tests battlefield skill in Djibouti

Submitted by:
MCB Camp Pendleton
Story by:
Computed Name: Sgt. Alec Kleinsmith
Story Identification #:
200814153743

DJIBOUTI, Africa(Jan. 4, 2008) -- The leathernecks of Battery A, 3rd Low Altitude Air Defense Battalion tested their mettle against the Djiboutian landscape during a fire and movement exercise Dec. 26.A classic staple in Marine Corps infantry training, fire and movement exercises encompass a variety of battlefield techniques, from proper rushing protocol to communication. "We wanted to refresh the Marines in their tactics and ensure they're proficient with all the weapons systems," said 2nd Lt. Sung C. Park, a platoon commander with Battery A, 3rd LAAD.

"Even though we're not an infantry unit, we want to stress that every Marine is a rifleman." In addition, the Marines familiarized themselves with insertion and extraction operations via air support, said Park, from Chantilly, Va. Riding in a CH-53 helicopter was a first for most of the Marines, many of whom joined the battalion as individual augments with varying occupational specialties."Overall we did well as a group, given the situation and the amount of time we had," said Cpl. David A. Claypool, a field radio operator with Battery A.

"Since a large number of the Marines are augments who don't do this kind of training often, I think we did a good job."Although impressed with the Marines' performance, Claypool knows that continuous practice will only strengthen their tactics and iron out minor kinks."We can improve more on our dispersion and communication," remarked Claypool, from New Plymouth, Idaho. "The enemy looks for big targets, so we don't want to give them one."

Source: Marine Crops News

Thursday, January 3, 2008

Yemenia signs agreement to re-build, restructure Djibouti Airlines

SANA'A, Jan. 02 (Saba)- Yemen Airways signed on Wednesday an agreement with the Djibouti Airlines to rebuild and restructure the Djibouti Airlines, the National Carrier of Djibouti.

The agreement was signed by Broad Chairman of Al-Yemenia Abdul-Khaliq al-Qadi and Board Chairman of the Djibouti Airlines Mosa Waberi. It stipulates that the Yemenia is responsible for renovating and developing the eight aeroplanes of the Djibouti Airlines to meet the required conditions as a national career and member in the International Air Transport Association (IATA).

In a statement to Saba, Broad Chairman of Yemen Airways clarified that this agreement is to raise and upgrade services of the Djibouti Airlines, specially in the technical and operational sides as the Yemenia has a long experience in this regard. He added that Yemen would send a team under the agreement to Djibouti to assess the needs of the Djibouti Airlines and prepare a program to develop Djibouti's airways operator to become a competitor in the region. During the meeting, Al-Qadi said this agreement comes after the Djibouti Airlines revealed that it has a number of foreign investors to raise its capital and also as a result of the fruitful cooperation between the two countries.

For his part, Djibouti Airlines Board Chairman pointed out that the signed agreement is to provide Djibouti with modern and new planes required to operate according to the IATA policy, affirming that the agreement states holding joint flights between the two sides to cover European, Asian or African flights schedules. He praised the latest developments and achievements of the Yemen Airways at the regional and international level. Waberi also pointed out that investors from Yemen, Emirates and Djibouti would provide $12 million, as a first stage, for the operational and structural works of the Djibouti Airlines.

Source: SA/AM Saba

Friday, December 28, 2007

Ururka Sohura Oo Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsan Hiv/Aids-Ka U Gabtay Gabdhaha Guryaha Ka Shaqeeya


Borama-(Lug)-Urur dhalin yaro oo lagu magacaabo SOHURA oo ka hawl gala magaalada Boorama ayaa waxa uu maalintii shalay iyo maanta ku kala qabtay xaafadaha Sh.cusmaan iyo Sh. Makaahiil e ka tirsan magaalada Boorama aqoon iswaydaarsi loogu talo galay in kor loogu qaado wacyi galinta ku saabsan cudurka halista ah ee HIV/AIDS oo loogu talo galay gabdhaha ka shaqeeya guryaha oo inta badan u badan dad aan aqoon lahayn halista cudurkaas, waxaana ka soo qayb galay sida ay no sheegeen hawl wadeena ururkaas gabdho tiradoodu gaadhayso 98 gabdhood.

Kulankaas waxaa ka hadlay Mukhtaar Cusmaan Cabdi oo ah agaasimaha ururka SOHURA oo ah kan fulinayey hawshan waxaanu ka warbixiyey ama ka hadlay sida ay wacyi galintani ugu baahan yihiin dadka da' yarta ah,sidii ay uga digtoonaan lahaayeen halista cudurkan waxaa kale oo uu ntaa kay daray in hawshan ay maalgalisay dalada ururda dhalinyarada Somaliland ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano SONYO, waxaa kale oo uu intaa ku daray in cudurka AIDS-ki yahay dhibaato bulsho oo uu ka durugsan yahay in oo noqdo cudur kaliya, waxaana loo baahan yahay ayuu yidhi in layska kaashado sidii looga hortagi lahaa.

Waxaa kale oo mukhtaar ka warbixiyey in ururkodu waa SOHURA e uu qabto hawlo kala gadisan oo ay ka mid tahay in ay waxbarshada dadban ka qayb qaataan oo ay hada waxa baraan 202 qof oo ay 120 ka mid ah yihiin gabdho inta kalena wiilal waxaana qaata badanaa waxbarashada noocan ah dadka aan fursad u helin in ay wax bartaan, waxa uu intaa ku daray in ay sidoo kale maxaabiista lagu xukumo sanad in ka badan ay iyagana jeelka wax ugu dhigaan, waxaa kale oo ururku u qaybiyey kuraasta curyaamiinta dad fara badan oo ku dhaqan magalada Boorama waqi hore oo sanadkan ah.

Waxaa kale oo halaasi ka hadlay C/qaadir Shaashka oo ka wakiil ah gudiga qaranka ee la dagaalanka HIV/AIDSka (SONAC) waxaanu ka warbixiyey heerakii kala duwanaa ee cudurkani soo maray iyo in ay waajib tahay qof walba sidii uu u heli lahaa aqoon ku filan oo ku saab san xanuunka waxaa kale oo uu sheegay waxyaabaha lagu kala qaado in waxa aan lagu kala qaadin.

Waxaa kale oo ka hadlay kulankaas Sh. Ibraahim Meecaad oo ka hadlay dhibaatan sida Islaamku u arko ama u daaweeyeyba waxaanu sheekhu yeegay in ay ka hor tagidu ka fiican tahay qoomamada danbe waxaa kale oo uu sheegay in Islaamku horayba inoogaga digay wax walba oo dhibaato dadka u keenaya .

Waxaa kale oo meesha ka hadlay Max'ed Axmed Maxuud(Barwaani) oo ah agaasimaha guud ee ururka SONYO waxaanu sheegay in cudurkan fiditaankiisa ay ka qayb taan Jahliga, meelah ay colaaduhu ka jiraan ee aan lahay daryeel hagaagsan, iyo dadka badanaa isaga talaabada xududa dalalka hadii ay dhawrsoonaan waayaan,waxaanu intaa ku daray in ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii dhibaatada cudurkaasi u yaraan lahayd.

Ugu danbayn waxaa halkaasi ka halday Dr.C/raxmaan Gurguurte oo ka hadlay dhibaatada cudur kani in ay markii hore ka timid raga raga u taga ama isticmaala waxa la yidhaado Liwaadka ayna mushkiladu markii danbe noqotay mid caalami ah oo u baahan in qaybaha dadka oo dhan iska kaashadaan si ay dhibaatadiisu u yaraato.



Wariye:-
HASSAN SHARIIF
Lughaya News- Borama

Wednesday, December 26, 2007

Waraysi Aannu La Yeelannay Muftiga Djibouti Ahna Horkacaha Joogtada ah Ee Xujayda Dalkaasi Sh.Jimcaale Ibraahim Xuseen .


Sh.Jimcaale: Djibouti Sannadkan 1260 Xaaji Baa Ka Yimid Dhammaantoodna Way Nabad Qabaan

Makka-(Lug)Duruuf agoonnimo iyo xaalad adag ayaa ku habsatay isaga oo labo jir ah, haseyeeshee kama uu niyad jabin geeddi socodka nolosha , balse waxa uu muujiyay dadaal iyo dhabar adayg, xalaqaatka masaajidda ayuu wax ka bartay kadib markii ay u suurto geli wayday inuu dugsi habaysan gelo duruufihii qadhaadhaa ee soo maray awgood, dabadeedna waxa uu lug ku tegay Muqdisho isaga oo ka anbabaxay Djibouti islamarkaana aan wadan sahay dhulkana aan aqoon u lahayn , si uu caddayn iyo shahaado ugu helo cilmigii uu ka helay masaajidda.dhinac kale, ilaahay ayaa ku mannaystay fasaaxad iyo cod aad u macaan, marka aad wacdigiisa dhagaysatid waxaad mooddaa wariye tababar oo aan marnaba ku hakanayn akhriska , waana qof tusaale ku ah dhaqan wanaaga sida ay dadbadani sheegaan , muddo 14 sannadood ahna waxa uu ka shaqaynayay hoggaaminta xujayda reer Djibouti, taariikhdiisa markaad dhuuxdid waxaad xusuusan kartaa saxaabadii iyo culimadii salafka maxaayeelay waxa ay xanbaarsantahay mucjisooyin badan, sannadkan badhtamihiisiina madaxwaynaha Djibouti Mud.Ismaaciil Cumar Geelle ayaa guddoonsiiyay billad – qarameedda dalkaasi u sarraysa … haddaba waa kuma ninkaasi?
waa muftiga Jamhuuriyadda Djibouti ahna horkacaha joogtada ah ee xujayda dalkaasi Sheekh Jimcaale Ibraahim Xuseen oo aannu waraysigan hoos ku qoran la yeelannay isaga oo ku sugan magaalada barakaysan ee Maka al-Mukarrama :
Lughaya: ugu horrayn sheekh Jimcaale wax ma nooga taaban kartaa taariikh nololeedkaaga gaarahan taariikhdaadii dhinaca waxbarashada ?
Duruuf adag iyo dadaal waxbarasho

Sh.Jimcaale: ugu horrayn aniga oo labo jir ah ayay hooyaday dhimatay aabahayna xaas kale ayuu yeeshay, waxaana wakhtigaasi igu habsatay xaalad agoonnimo ah iyo nolol raf ah, taasoo iga hor istaagtay inaan waxbarasho nidaami ah gelo, waxbarashada diiniga ahina wakhtigaasi Djibouti way ku yarayd amaba may jirin dugsiyo dhexe ama sare oo diinta iyo carabiga bixiya, markaa waxaan wax ka baran jiray xalaqaatka masaajidda oo culimada waawayn ee reer Somaliya, Djibouti iyo kuwa reer Ithiopia ayaan la kulmi jiray, cilmigana waan u wareegi jiray, ugu danbaytiina maadaama ay dunidu shahaadooyin iyo wathaa`iq (documents) ku kala socoto waxaan go`aansaday inaan helo shahaado caddaynaysa aqoontayda, waxayna igu kalliftay inaan lug kaga baxay Djibouti aniga oo u sii jeeda Muqdisho sannadkii 1987kii oo aan tegay dugsigii Sh.Cali Suufi ee Xamar waxaanan ka codsaday inay aqoontayda qiimeeyaan oo ay imtixaanka dugsiga sare iga qaadaan, haseyeeshee dugsigaasi waxa uu ii sheegay inuuna lahayn nidaamkaasi qiimaynta ah balse ardaynimo uun marka hore loo gelo, kadib dugsi la odhan jiray Sakhaa`u- Diin oo isla Muqdisho ku yaal baa ii ogolaaday inaan imtixaanka dugsiga sare ka qayb gelo sidiibaanan shahaadada dugisiga sare ee culuunta carabiga iyo diinta ku helay, iyada oo aan lug ku tegay Muqdisho kagana soo noqday aniga oo ah wiil da`yar oo dhul aanu geranayn marayay islamarkaana aan sahay hagaagsan wadan, walow ay jirtay in ciddii gawaadhi wadata ee ilaah iiga nixiyo ay mararka qaar I sii qaadaysay, dabadeedna waxaan wax ka bartay jaamacad ku taal magaalada Ticis ee dalka Yemen oo aan ka qaatay shahaado jaamacadeedda qaanuunka ( the B.A of Law) , muddo 10 sannadood ahna Qaadi baan ahay, dadaalkii iyo ka shaqayntii diintana waan wadaa oo warfaafinta Djibouti baan ka jeediyaa arrimaha diinta oo aan dadka kala hadlaa, sidoo kale muddo 14 sannadood ah baan ka shaqaynayay arrimahan xajka.
Lughaya: Sh.Jimcaalow waxaa la sheegaa inaad tahay sheekh ay dadwaynaha reer Djibouti gudo iyo dibadba aad u qadariyaan oo la jecelyahay.. arrintaas maxaad u aanayn kartaa?

NIYAD WANAAG

Sh.Jimcaale : inkasta oo ay wanaagsanayd su`aashan in dadwayanaha reer Djbouti la waydiiyo, haddana waxaan u aanayn karaa fadliga ilaahay (subxaanahuu wa tacaalaa), qofba qasadkiisa iyo niyaddiisa ayuu ilaahay ku arsaaqaa, markaa ikhlaas iyo dar-ilaahay in camal kasta loo qabto ayaa daruuri ah, akhlaaqiyaadka iyo anshaxa dacwadda qofku marka uu dhuuxo waxa uu garan karaa habka dadka loo kasbado oo ay anbiyada iyo sharciguba ammaaneen, markaa haddii ay arrintaasi jirto fadliga ilaahay iyo hababkii ay anbiyada iyo dadka wanaagsani diinta u baahin jireen oo aan ka faa`iidaystay ayaan u aanayn karaa.

Lughaya:. Aynu ka gudubnee, sannadkan imisa qof ayaa ka soo xajiyay Djibouti?
1260 xaaji

Sh.Jimcaale: waxa ka soo xajiyay 1260 ruux, dhammaantoodna si nabad gelyo ah bay ku dhamaysteen howlihii xajka, marka laga reebo saddex xaaji oo dhaawacyo soo gaadheen. Sida Darasa Axmad Muxamad oo shil baabuur ku dhaawacmay kana jabay labo feedhood oo bidixda ah ka hor intayna hawlaha xajku billabmin,annaguna waan dhexdhexaadinnay oo afgarashadii iyo isku soo dhawayntii isaga iyo dirawalkii jiidhay oo ahaa Syrian deggen dalkan Sucuudiga baannu ka shaqaynnay, waxayna kala qaateen 3000 Riyaal, waxa kale oo dhaawacmay xaaji kale oo la yidhaa Lailo oo isna gaadhi jiidhay kana jabay misigta iyo dhudhunka gacanta, deetana dhakhtarka boqor Cabdi Casiis baa jeexitaan ku sameeyay, markaa dacwaddiisu way socotaa xaaladdiisuna way wanaagsantahay waxaana jiidhay nin Sucuudi ah.
Guddiga qabanqaabada xajka Dj

Lughaya: dhinac kale, waxaad nooga warrantaa guddiga qabanqaabada xajka ee Djibouti(bicthat al Xaj). Maxay xujayda u qabtaan? Imasa qof ayay ka koobanyihiin? Side loo soo xulaa?
Sh.Jimcaale: waxaa soo xusha wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee Djibouti ee uu u xilsaaranyahay wasiir Mooge DiriR Samatar, halkanna waxaa uga wakiil ah Djibouti qunsalka u fadhiya Jidda Maxamad Aadam Wacays oo howsha kala wada, iyada oo ay jiraan kalkaaliyeyaal la shaqeeya, waxayna ka koobanyihiin wafdigaasi 25 ruux oo siyaabo badan ugu adeega xujayda, sida hoggaaminta iyo hagidda, ka jawaabidda wixii su`aalo diiniya ah, waxaana loo shardiyaa xubnaha guddigaasi inay aqoon diineed leeyihiin iyo khibarad ku aaddan Maka iyo Madina, iyo meelaha ay howlaha xajku ka dhacaan, iyo waliba howl karnimo, waxayna leeyihiin qaybo kala duwan, sida guddiga caafimaadka, fatwooyinka iyo hoggaaminta xujayda. Haddaba waxaan jeclaysan lahaa in ay culimo badan oo waawayni ka mid noqoto guddigan qabanqaabada xajka islamarkaana aan la badbaddelin ee intii hore ee hanatay khibradda loo daayo, wasaaradduna kollay arrintaasi way ku fikiraysaa .

DHALIIL

Lughaya: waxaa jirta inay dadbadani saluugaan adeegga guddiga qabanqaabada xajka ee Djibouti … arrintaasi maxaad kaga jawaabaysaa?
Sh.Jimcaale: horta ilaahay unbay arrintiisu dhamaystirantahay, markaa way jiri karaan dhaliilo iyo cabashooyin maadaama ay bicthadu ka koobantahay xubno bashar ah, 25 qof inay ka adkaadaan 1000 qof baan jeclahay, uu qof kasta oo guddigaasi ka mid ahiba howshii loo igmaday si ammaano iyo alla ka cabsi ku jiraan uga soo baxo, walaalahayga ila shaqaynaya ee bicthadana waxaan ka codsan lahaa inay mujtamacooda dar ilaahay ugu shaqeeyaan oo ay si dhamaystiran u qabtaan howlaha loo diray.
Lughaya: wax wada shaqayn ah oo idinka dhexeeya idinka iyo wafdiyada kale ee hoggaamiya xujayda Somaliyeed ma jiraan?
Sh.Jimcaale: runahaan ma jirto wada shaqayn rasmi ah oo isku dubbo ridan oo naga dhaxaysa annaga iyo wafdiyada hogaamiya xujayda Somaliyeed , balse ciddii Soomaali ah ee aan aragno iyada oo lunsan waannu geynnaa meelaha ay degganyihiin, haddii ay masalooyin diineed na waydiiyaan waannu uga jawaabnaa, markaa dhinacyo badan oo aannu iska caawinnaa way jiraan, laakiinse wada shaqayn rasmi ahi majirto oo labo wafdi oo labo dawladood ka kala socda dhex marta, aniguna xil wayn baan iska saaraa mujtamaca Soomaliyeed meeshuu doonaba ha ka yimaaddee.
Billad qarameedda Djibouti
Lughaya: sheekh Jimcaale Ibraahimoow, sida laga warqabo saddex sannadood ka hor hay`adda dawladaha carbeed u qaabilsan arrimaha xajka ayaa ku guddoonsiisay shahaado sharaf aad ku mutaysatay sida la sheegay nidaaminta xujayda iyo khibraddaada ballaadhan ee ku aaddan howlahaasi.. xukuumadda Djibouti iyadu wali wax abaal marin ah ma kugu siisay dadaalladaadaasi?
Sh.Jimcaale: alxamdulilaah, xukuumadda Djibouti hiille iyo hooba way nala gabar joogtaa oo lama soo koobi karo gargaarka ay u fidisay dacwadda, aniga gaarahaan 27kii bishii luulyo ee sannadkan hadda sii dhammaanaya waxaa uu madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle I Guddoonsiiyay billad-qarameedda u sarraysa dalka Djibouti oo la igu siiyay dadaalkayga dhinaca diinta ee gudaha dalka iyo dibaddiisaba, aad baanan ugu mahadcelinyaa madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle , shahaado sharafta dawladaha carabta ah aan ka helayna waa sidaad u sheegtay oo way jirtay, iyagana aad baan ugu mahadcelinayaa.
talo
Lughaya: ugu danbayn, fadiilata sheekh, maxaad wax talo ah u soo jeedin lahayd ummadda Soomaaliyeed gaarahaan akhristeyaasha lughaya news?
Sh.Jimcaale: waxaan u soo jeedin lahaa inay diintooda ku adkaadaan, oo ay camalkooda iyo noloshoodaba ku dabbaqaan, kadib waxaan ku dardaari lahaa inay xajkan aynu maanta ka hadlayno yimaaddaan, oo ay ku hammiyaan inay maalin uun yimaaddaan carrigan barakaysan oo ay halkan isaga maydhaan wixii danbi ah.



Waraysigan waxaa qaaday Zakariya Hussein oo ku sugan Makka-al-Mukarama
Email:
murtishiil@hotmail.com

Monday, December 24, 2007

Xujayda Oo Ku Howllan Dawaafkii Sagootiga Iyo Duullimaadyadii U Horreeyay Oo Barri Laabmaya .

Maka-(Lug)-kadib markii ay howlihii xajku dhamaadeen ayaa waxay xujaydu billaabeen inay sagootiyaan xaramka iyo mashaacirta sharafta leh, waxaana haatan isa soo dhimaysa saxmaddii iyo is cidhiidhigii ka jiray magaalada Maka al-Mukarrama iyo dulahaanba nawaaxigeeda, iyada oo aad looga dareemay arrintaasi kacbada barakaysan oo maanta si sahlan loogu dawaafayay, sidoo kale waxaa caadigiisii ku soo noqonaya sicirka maciishadda iyo gaadiidka MaKa.

Sh.Cabdillaahi Sh.Cali Jowhar Boqoorre oo sannakan la socday xujayda reer Djibouti ayaa lughaya news uga warramay aragtidiisa ku aaddan xajka sannadkan:( xajka sannadkan mid ka dhib badani ima soo marin, lumidduna caadi bay ahayd, oo dadku waa kala lumayeen, maxaayeelay deegaanka Mina waxaa muuqatay in aanay traafika badani ka howlgelayn).

Sh.Cabdillaahi waxa kale oo uu sheegay in sannadkan awoodda la saaray kaliya jamaraadka oo si aan caadi ahayn looga shaqeeyay, haseyeeshee aad looga gaabiyay sida uu tibaaxay qaybaha kale ee Mina, waxa kale oo ay mushkiladdu ka taagnayd buu yidhi dirawallada oo aan dadka toos u gaadhsiinayn xeryaha ay deggenyihiin balse meelo dhexe ku dejinayay amaba la lumayay (taasoo macnaheedu yahay waxaa daruuuri ah inay dirawalladu noqdaan kuwo u dhashay dalkan Sucuudiga gaarahaan Makka oo jidadka yaqaan amaba u tababaran hoggaaminta xujayda).

sheekhu ugu danbayn waxa uu u mahad celiyay boqortooyada Sucuudiga waxaanu aad u ammaanay dadaalka wayn ee ay ka geystaan adeegga labada xaram iyo dulahaanba dunida islaamka.

xujayda oo gabihaanba shalay soo cidleeyay Mina ayaa maalmahan ku howllan iibsiga hadiyadihii ay dadkoodii u geyn lahaayeen waxayna si wayn u dhex mushaaxayaan suuqyada magaalada Maka iyo Jidda, halka ay qaarbadan oo kalena samaynayaan dawaafka sagootiga (dawaaf al-widaac) ee lagu soo gabagabeeyo booqashada xaramka, duulimaadyadii ugu horreeyayna waxaa la filayaa inay habeen danbe u laabtaan dalalkoodi sida uu ii sheegay xaaji Jaamac Aadan Shirdoon oo ka soo xajiyay magaalada Borama oo lughaya u sheegay inuu 24ka bishan ee barrito laami doono.

sicirka maciishadda oo sida caadiga ah wakhtigan xajka cirka isku shareera ayaa soo caadi garoobaya haatan, waxaanad mooddaa in wax badan laga dhimay qiimaha lagu raaco gawaadhida ka dhex shaqaysa Maka iyo kuwa u kala goosha Maka iyo Jidda oo maalmahii inna dhaafay kor u kac badan sameeyay, dulahaanna xajka sannadkani waxa uu ku dhamaaday nabadgelyo lamana sheegin dhimasho iyo dhaawac toona muddadii ay howlaha xajku socdeen.


Zakaria Hussein
Lugahay news -Maka al-Mukarrama
murtishiil@hotmail.com

Sunday, December 23, 2007

Tabo Bar Looga Furay Magaalada Borama Gasaarlayaasha Hilibka Qala.


Boorama-(Lug)-Tabobar soconaya mudo hal maalin ah oo ay ka qayb qaadanayaan 50 xubnood oo ka kala socday Gasaarlayaasha, Hilibka kuwa ka ganacsada,kuwa kawaanada ka howl gala iyo shaqaalaha dowlada Hoose oo tabobar looga furay Xarunta Mana Guest House ee magaalada Borama Maanta.

Tabobarkan oo ujeedadiisu tahay sidii loo ilaaalin lahaa Nadaafada goobaha lagu iibiyo Hilibka (Sayladaha) meesha lagu qalo iyo kuwa soo qaada laftooda ayaa lagu baraarujinayaa inay ka qayb qaataan sidii loo heli lahaa hilib nadiif ah.

Waxaana furitaankii tabobarkaasi ka hadlay Maayarka Magaalada Borama C/raxmaan Shide Bile waxuuna sheegay in la doonayo si hilib nadiif ah loo dhoofiyo dadkana looga iibiyo,waxaana lagama maarmaan ah in si wada jir ah looga howl galo oo aan lagu halayn dowlada Hoose Biyihii iyo Shaqaalihiiba idiin diyaarisay Sidaa awgeed waxaa la idinka doonayaa inaad Kaalintiina ka qaadataan.

Maayarka mar uu ka hadlayay Tabobarada ay Hayaduhu bixiyaan waxaa uu sheegay inaanay wakhti haboon oo ku filan barashada waxaasi aanay dadka u qorshaynin waxuuna intaasi sii raaciyay inaanay hal maalin oo tabobar dad la siiyo aan waxba lagaga faa’iidayn laakiinse hayadaha looga baahan yahay inay dadka wakhti badan Tabobarada ugu talo galaan.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Khadar Maxamed Cabdi Gaafane oo ku hadlayay Magaca Iskaashatada Hilibka ee Nafaqo waxuuna ugu mahadceliyay hayadii Tabobarkan siisay siday iskaga xil saareen dadka ka shaqaysta hilibka iyo kuwa ka howl galoba laakiinse waxuu codsi ahaan u soo jeediyay in la kordhiyo tabobarada noocani oo kale ah fursado badan si ay ugu helaan dadku in nadaafada ka shaqayn teeda baraarujin ugu noqoto, inksata oo uu hadan soo jeediyay in laga caawiyo qalabka caafimaadka ee lagaga howl galo hilibka .

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay C/laahi Rabiile Good oo ku hadlayay Magaca Hayadana Tabobarkan bixisay oo la yidhaahdo FAO waxuuna sheegay in tabobarada noocan oo kale ah ay hore ugu soo qabteen degmooyinka Hargeysa,Berbera,Burco, Gabiley maanta Borama ay ka wadaan waana mid loo baahan yahay in Nadaafadiisa laga shaqeeyo hilibka dibada loo iibgeeyo ama loo dhoofiyo kan Sariimadaha Magaalooyinka dalkeena lagu iibiyo sidii loo daryeeli lahaa caafimaadkooda.

Waana tabobarkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ka furma G/Awdal .


Wariye:-
Abokor Hassan Affi
Lughaya News-Borama

80,000-Dollar $ Oo Lagu Xiray Sii Deynta Wariyaha Lagu Afduubtay P/Land


Wakaalada wararka ee (Reuters)ayaa soo bandhigtay sawirkii oogu horeeyay ee laga soo qaado weriyihii u dhashay dalka Faransiiska (Gwein Le Goul)oo macawis iyo kaba-dacas ah loo xiray,kuna sugan meel hoose oo loo maleynayo inay shabahaan buuraleyda Mareero oo 30-km u jirta Magaalada Boosaaso.

Burcadan oo gafuurka iyo afka soo duubatay qori shabaha muuqaalka AK-47 ku hubeysan ayaa ogolaaday in sawir qarsoodi ah laga soo qaado weriye Gwein.

Weriyahan ayaa markii uu ka soo degay Garoonka Bender-Qaasim ee magaalada Boosaaso ayaa nasiib-daro aaminay nimanka hada afduubtay oo watay gaari (Mark-Two-ah) isagana dhigay inay yihiin (Taxsiilayaal) kadibna isagoo aan u sheegin Waaxda socdaalka iyo ciidamada amniga ee garoonka ayuu raacay nimankan,waana mida keentay inuu u gacan-galo burcadan maafiyada ah.

Suxifigan ayaa qorsheynayey inuu wax ka qoro ama filin ka duubo xaaladaha tahriibayaasha doonaya inay si dhuumasho leh ooga baxaan xeebaha gobolada Puntland.

Dhinaca kale wafdi ka socda Dawlada Faransiinka ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso,waxayna kulamo qarsoodi ah la qaateen mas,uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland,lamana yaqaan ilaa iyo hada wax fah-faahin ah oo ku saabsan wixii ka soo baxay kulankoodii qarsoodiga ahaa.


Xigasho Calanka.com

Xaflad Lagu Xusayay Iidul Odxa Isla Markaana Shahaadooyinka Lagu Gudoonsiiyay Ardayda Ka Qalinjabisay Jaamacada Yemen Oo Lagu Qabtay Sanca.

Sanca-(Lug)-Xaflad wayn oo lagu maamuusayay ciid- al-adxa sidoo kale shahaadooyin lugu gudoonsiinayay ardaydii ka qalinjibisay Jaamcadaha Dalka Yaman ayaa lagu qabtay hoolka wayn ee shirarka ee ispitalka jaamcada Sayniska iyo Tiknolojiyada ee magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Xaflada oo ay soo qabanqaabiyeen midawga Guud ee Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Yemen, waxaa ka soo qayb gale masuuliyiin badan oo ka mid ahaayeen , Danjiraha Soomaaliyeed ee dalka Yemen Md C/Salaan Macalim Aadan iyo lataliyaha dhinaca dhaqanka safaarada Soomaaliyeed Md Ridwaan Maxamed Xirsi, wakiilka xawaalada qaran Md Maxmed Awcali Cumar, Eng. Mukhtaar Haaruun oo ka socday xaawalada Dahabshiil, Shaqaalaha Tv.Ga Universal, Wariyaha Lughaya News, iyo arday farabadan oo Soomaaliyeed oo gobolada iskaga kala yimiday, iyo dadkale oo ka mid ah jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo Djibouti ee dalka Yemen.

Xaflada oo uu daadihinayay Axmed Nuur iyo hortaba lagu bilaabay Aayaadaha qur'aanka kariim ah waxaana akhriyay Ismail C/Raxman Ismaciil , kadibna waxaa kalmad adaabta iyo fiqhiga ciida Al-Odxa ka hadlaysay soo jeediyay Sheekh Maxmed Aadam Ileeye , dabadeedna waxaa hadashay Bahja Mukhtaar Macalim Aadam oo ku hadlaysay magaca haweenka ayaa soo jeedisay kalmado iskugu jiray tahniyada ciida iyo duco ay ducaysay inuu ilaahay ka saaro dhibta wadanku ku jiro.

Waxaa kaloo lagu soo dhaweeyay makarafoonka Qaasim Xaaji Xuseen oo ku hadlayay magaca ardayda qalinjabisay oo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay guusha ay soo gaareen maanta kadib daal iyo rafaad dheer oo tacliinta ay kala soo kulmeen, isagoo carabaabay inuu farxad darteed la gariirayo sidoo kale waxan isna goobta ka hadlay Eng. Mukhtar Haruun oo ku hadlaya magaca xawaaladaha matalayayna xawaalada Dahabshiil tahniyada ciida kadibna uhambalyeeyay ardayda qalinjabisay sidoo kale uga mahadcilyay midawga arday Soomaaliyeed xaflada ay soo qabanqaabiyeen tilmaamayna inay hiil iyo hooba lagarabtaagan yihiin midawga arday Soomaaliyeed.

Waxa kaloo ka hadlay madasha xaflada Gudoomiyaha Midawga Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Yemen Md C/Raxmaan Axmed Nuux (Dr.Hoori) isagoo tahniyada ciida kadib uga mahad celiyay masuuliyin iyo marti sharafta kale ee ka soo qayb gashay, wuxuu timaamay muhiimada ay leedahay isku duubnidu iyo in camal kastoo quruxbadan uu ku yimiday isku duubni, waxa kaloo sheegay in tirada ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata jaamacada dalka Yemen guud ahaan ay gaaraan in ka badan 500 arday waxa kale oo uu kula dardaarmay arday inay xasuusnaada inay dawr ku yeelan karaan horumarinta umadooda ,waxa kaloo uga mahadceliyay dhamaan cidii gacan ka gaysatay xaflada maanta oo ka mid yihiin safarada Soomaalida , Xawaaladaha Qaran iyo Dahabshiil iyo dhamaan ardaydii ka qayb qaadatay ugu danbayna wuxuu utahniyadeeyay ardayday qalin jibisay guusha ay gaareen iyo tacliinta ay dhamaysteen wuxuuna kula dardaarmay inay wadanka kula noqdaan tacliintooda oo wax kaga qabtaan.

Ka dib riwaayad aad u qurux badan oo ardaydu soo diyaariyeen oo ka hadlaysay Maskax Dareerka ama waxa afka qalaad loo yaqaan "brain darainage" ama "hijratul cuquul" oo dhibta wadanka haysata ka mida ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay macrafoonka lataliyaha dhinaca dhaqanka safaarada Soomaalieed ee dalka Yemen Md Ridwaan Maxamed Xirsi oo kadib tahniyada ciida iyo mahadcelin dadka soo xaadiray xaflada si fiican u bayaamiyay waxa ay riwaayadu ka hadlaysay iyo hadafkeeda saxda ah.

Waxa kaloo lagu lagu soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliyeed ee dalka Yemen ufadhiya Md C/Salaam Macalim Aadan , safiirku waxa uu aad ugu fogaaday tahniyada ciida kadib dhaqanka umada Soomaaliyeed oo ka mid yihiin ciyaar dhaqameedyada oo kamid ahaye ciyaarta Zaylici oo ku jirtay xaflada maanta oo dadku si fiican ula dhaceen oo soo diyaariyay Awdal Zaylici Group, waxakale oo uu sheegay safiirku ciyaaro badan oo ka mid yihiin dhaantada, walisiqida, wilwilaha ... iyo qaar kaloo badan. waxa kaloo ardayda kula dardaarmay inay tacliinta ku adkaadaan waxaana xaflada lagu soo gabagabeeyaa gudoonsiinta shahaadooyka ardaydii qalinjabisay oo tiradoodu dhanayd 50 arday oo todoba jaaamcdood oo kala duwan ka kala socday.



Wariye:-Cilmi Yuusuf Cadaawe
Lughaya News-Sanca

Saturday, December 22, 2007

Saxafiyiintii Reer Muqdisho Oo U Hayaamay Dalka Jamhuuriyada Jabuuti

Hargeysa-(Lug)-Saxafiyiintii reer Muqdisho ee ay xukuumadda Somaliland hore ugu amartay inay ka baxaan wadanka, ayaa shalay u baqoolay magaalada Djibouti ee Jamhuuriyadda Djibouti.

Sidaas waxa xalay Geeska Afrika u xaqiijiyay guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mr. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine). 14 ka mid ahaa saxafiyiintaas reer Muqdisho ayaa shalay magaalada Hargeysa kaga baxay gaadiidka dhulka mara, iyagoo sheegay inay ogolaansho ka heleen dawladda Djibouti, “14 ka mid ah ayaanu shalay dirnay oo u baxay dalka Djibouti, waxaana weli jooga 7 saxafi.” Ayuu yidhi Mr. Shiine, waxaanu intaas ku daray “Sida laga warqabo waxaanu hore dawladda uga codsanay inay wakhti dheeraad ah ugu darto wakhtigii ay u qabatay saxafiyiintaas, waanay naga aqbashay.

Sidaas daraadeed waxaanu anaguna dedejinay inay weriyayaashaasi dalka ka baxaan, waxaanay u baxeen dalka Djibouti oo ay noo sheegeen inay ogolaansho ka heleen. Inta hadhay waa dad jilicsan iyagana waxaanu ku jirnaa hawshoodii.”

Saxafiyiintaas tiradoodu ahayd 14-ka xubnood, waxa la sheegay inay muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanaayeen xidhiidh ay la samaynayeen dawladda Djibouti oo ay kaga doonayeen inay siiso ogolaansho ay dalkooda ku joogaan.

Saxafiyiintaas oo shalay barqanimadii intii aanay ka bixin Hargeysa lagu waraystay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, waxa ay sheegeen inay ogolaansho ka heleen Wasiirka Arrimaha gudaha Djibouti oo ay ku tilmaameen in isaga iyo dawladiisuba u muujiyeen Somalinimo.

Afartii bishan December ayay xukuumadda Somaliland saxafiyiintas ku wargelisay inay 24 saac kaga baxaan dalka Somaliland, iyadoo markii dambena loogu daray muddo maalmo ah. Go’aankaas xukuumadda Somaliland ka gaadhay saxafiyiintaas reer Muqdisho oo ka soo qaxay dagaalada Muqdisho, waxa cambaaraysay hay’adda Amnesty international oo xukuumadda Somaliland ka codsatay inay ka noqoto go’aankaas ay ku masaafurinayso saxafiyiintaas.

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika

Wednesday, October 31, 2007

Waftigii Komishanka Iyo Xubnaha Sadexda Xisbi Qaran Ayaa Maanta Kulan La Yeeshay Hogaamiye Dhaqameedka Iyo Waxgaradka G/Awdal.

Boorama-(Lug)-Kulan balaadhan oo maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee G/Awdal ayaa waxaa gudoominayay Gudigii Komishanka Qaranka iyo Xubnihii Sadexda Xisbi qaran shirkan oo ay ka qayb galeen hogaamiye dhaqameedyada iyo waxgaradka G/Awdal waxay ujeedadiisu ahayd sidii la iskula meel dhigi lahaa bal qaabka ugu haboon ee Daraasad ku wajahan diiwaangalin ka dhacda G/Awdal loo samayn lahaa.

Waxaana shirkaasi hadalo warbixin iyo Soo dhawayn ah ka soo jeediyay Gudoomiyaha G/Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige waxuuna ugu baaqay ka qayb galayaasha inay si fiican oo waxtar leh ay uga qayb qaataan suuro galinta diiwaan galinta la doonayo inay ka dhacdao G/Awdal,waxuuna intaasi raaciyay in la idiinka baahan yahay inaad waxii talo ama rayi ah ee aad doonaysaan inaad waydiisaan komishanka ama Xubnaha Sadexda xisbi qaran talo ahaana aad soo jeedin kartaan si wax la isla ogyahay oo meel mar ah oo qorshahan ku darsano howshana lagu fuliyo iyadoon dhibaato dhicin in la iska kaashado ayaa maanta loo fadhiyaa.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Diiwaan galinta Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur waxuuna faahfaahin ka bixiyay qaabka la doonayo in diiwaangalintaasi ay u socon doonto sida loo samaynayo wakhtiga ay socon doonto isagoo arimahaasi ka hadlayana waxuu yidhi “waxa la doonayaa in si hubaal ah loo maro dhamaan degmooyinka G/Awdal ka kooban yahay iyadoo goobihii hore ee loogu talo galay in goobihii ee sanaaduuqda ay doorashooyinku ka dhaceen laga sameeyo meelo Diiwaan galintu ka dhacdo , waxaanay diiwaangalintu socon doontaa mudo Bil ah “, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aan wax lagu qaban karain balse ay kaliftay duruufaha dhaqaale ee dalka haysta una baahan awood xoog leh oo u baahan in howshaasi lagu fuliyo laakiinse waxaan ku dadaalaynaa sidii aan u samayn lahayn wacyi galin intaasi ka badan .

Mar uu ka hadlayay dadka la doonayo inay diiwangalinta loo ogol yahay waxuu xusay inay isku lifaaqan tahay dhalashada, Deganaanshaha iyo Diiwaangalinta taasi oo uu ku micneeyey in qofkasta oo isdiiwan galinaya loo samaynayo Kaar aqoonsi oo dhalashada Somaliland ah ,laakiinse aan la ogolayn dad aan dalka gudihiisa ku sugnayn ama deganayn.

Axmed X.Daahir oo ka mid ah Xubnaha Komishanka ayaa isna xusay in qofka la diiwaan galinayo faraha laga dhigayo sawirna laga qaadayo waxaanay gudiga doorashooyinku ay ku shaqayn doonaan Computer Network oo isku xidhan si aanu qofna xad gudub ugu samaynin

Jaamac Maxamuud oo isna ka mid ah Komishanka ayaa sheeegay in sabobta loo samaynayo Diiwaan galintan ay tahay si looga gudbo khaladaadkii hore ee laga dhaxlay doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Sarkaal ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha Axmed Cali Cabdi (Yaanbo) waxuuna sheegay in arimahaasi oo dhan ay hirgalinayso Dowladu aniga oo ku hadlaya Magicii dowladnimo ee Wasaaarada Arimaha Gudaha, Dowlada la sheegayaana waa idinka ayuu yidhi waxaana lagu tamarin karaa oo wax lagu qaban karaa waa nabadgalyada sidaa awgeed waxaa la inooga baahan yahay inaynu iska wada xilsaarno sidii diiwangailntaasi ay ugu dhacdo si nabad ah.

Maxamuud Cabdi Malow oo ku hadlayay Magaca Xisbiga Udub ayaa sheegay inay saxayaan khaladaadkii la soo galay wakhtiyadii Doorashooyinka ee ku xadgudubka shuruucdii u taalay nidaamkii doorashooyinka ee xisbiyada iyo dadkuba ay samaynayeen iyaga oo isku raacsan taasi oo ka baxsanayd Xeerkii loo dajiyay waana ta keentay in la sameeyo diiwangalinta.

Axmed C/laahi Siciid oo ku hadlayay magaca Xisbiga Ucid ayaa xusay in maanta ay ka midaysan yihiin Sadexda Xisbi , Komishanka Qaranka iyo Xukuumaduba sidii loo sixi lahaa khaladaadkii doorashooyinkii hore ka soo dhacay oo lagu tilmaamo kuwo aan xalaad u dhicin .

Xuseen Axmed Caydiid oo isna Magaca Kulmiye ku hadlayay ayaa halkaasi ka hadlay waxuuna tilmaamay in maanta aragti laga wada yahay in si midaysan oo cadaalad ah inay doorashadu u dhacdo lagama hortago qofkii 10jeer ku noqonayay diiwaangalintuna waa mid la doonayo in muwaadin kastaa inuu xaq u yeesho inuu Is diiwaan galiyo codkiisana aanu lumin sidii horeba u dhacday oo dadka qaarkood aanay goobaha codbixinta tagain iyagoo wax shaqo ah haynin taasina waa ta keentay in wadaniyadaadii aad meel kaga dhacdo iyo xaqii aad lahayd waana arin maanta in nidaam lagu filyo diiwangalineed la iska meel dhigay .

Axmed Muumin Seed iyo Cabdi Suldaad Kadiye oo ka mid Xubnaha Xisbiga Udub ee G/Awdal ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan wada shaqaynta 3da xisbi qaran iyo Komishanka Qaranka diyaarna ay yihin inay kaalintooda ka qaadanayaan.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Ibraahin Dacar, Suldaan Saleebaan Cali , Suldaan Ibrahim Jaamac Samatar , Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal waxay sheegeen in 135 goobood ee doorashooyinka Sanaaduuqdooda loogu talo galay G/Awdal aanay ahayn mid ku filan Gobolka balse loo baahan yahay in la gaadhsiiyo ilaa 300 halka diiwan galintana ay ku tilmaameen inaanay hal bil waxba lagu fulin Karin inkasta oo loo baahan yahay in ilaa 6 bilood ay socoto si dadka oo dhan ay u wada qayb qaataan waxaanay intaasi sii raaciyeen inaanay reer Awdal oo kaliya uun ku shubanaynin laakiinse sidaad ugu shubanayseen uun halkana lagu shubanayay laakiinse maanta arintan cusubi waa Mid Cadaalada u horseedaysa Bulshada kuwa howsha fuliya ee xilku saarmaana waa hogaamiye dhaqameedyada sidaa awgeed waxaanu idiinka baahan nahay inaan la degdegin oo la turxaan bixiyo si aanay dhibaato uga dhicin diiwangalinta nidaamkana waa nidaam cusub oo aad ku tilmaanteed inuu yahay mid Dimuqraadiyada Meel marinaya sidaa awgeed tamar la’aanta aad sheegaysaan al idinka siisan maayee waxaa loo baahan yahay dulqaad iyo awood xoogan oo dhinaca dhaqaalaha iyo tirade dadka goobaha diiwangalintu ka dhacayso oo laga howl galiyo..

Waa markii ugu horeysa ee Xubno ka tirsan Komishanka Qaranka iyo Sadexda Xisbi Qaran ay kulan balaadhan la yeeshaan Cuqaasha, Salaadiinta iyo Waxgaradka G/Awdal waana markii ugu horeysay ee booqasho ku yimaadaan Gobolkai ntii la magacaabay Komishanka.


Wariye:-
Abukar Hassan Afi
Lughaya News-Borama

Kalfadhigii Ugu Horeeyay Ee Ururka (Awdal Brothers Association)Iyadoo La Magacaabay Masuuliyiin kale.

Sanca-(Lug)_kalfadhigii ugu horreeyay ee uu yeesho Ururka Awdal Brothers Association tan iyo intii uu ururka dhidibada loo taagay muddo bil ah ayaa xalay ka dhacay xarunta uruka ee magaalada Sanca

kalfadhigan oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha cusub ee golaha fulinta ee ururka Dr Maxamed Aw Cali Cumar Dubbad oo uu hareer fadhiyay guddoomiye ku xigeenka guddiga fulinta Md Idiris Axmed Muusa ayaa waxa looga hadlayay qaabka uu u shaqayn doono ururku mustqablka iyo sida ugu wanaagsan ee wacyi galin loogu samayn karo dadwaynaha kasoo jeeda gobolka Awdal ee ku dhaqan dalka Yemen

hortaba waxa shirka furay guddoomiyaha guddiga fulinta Dr Maxamed Awcali Cumar oo wuxuuna aad ugu dheeraaday sida loogu baahan yahay in ururku uu la mid noqdo ururada kale ee aya leeyihiin dadka reer Awdal ee ku nool daafaha adduunka wuxuuna ka codsaday in wax kasta oo la qabanayo dar ilaahay loo qabto isagoo tilmaamay in wax kasta oo ilhaay darti loo qabto uu yahay mid dhaxal gal ah Dr Maxamed waxa uu sheegay in dadka u dhashay gobolka ay iska dhaadhiciyeen in aanay waxba qabsan karin wuxuuna aad ugu dheeraaday in cid kasta oo rabta inay wax dhisto si dar ilaahay ah in ay u hirgalayso waxa uu rabo intay doonto ha qaadatee wuxuuna ugu baaqay in la iska dhaafo waxyaabaha aan sal iyo raad toona lahayn ee la iska dhaadhiciyo waxyar kadibna waxa ka hadlay isaguna guddoomiye ku xigeenka guddiga fulinta Md Idiris oo isaguna aad uga warramay qaabkii uu oo maray ururku iyo sida la doonayo in loo shaqeeyo wuxuna Mr Idiris sheegay in dumarka qayb laga siiyo ururka si ay u fududaato wacyi galinta looga baahan yahay xagga haweenka khudbadahaas kadib ayaa waxa la galay sidii loo dhammaystiri lahaa jagooyinka ka bannaan ururka si loo buuxiyo sidaa darteed guddoomiye ayaa waxa loo magacaabay xogyaha guud ee ururka Dr.Cabdiraxmaan Muusa,jagada lacaghayana waxa loo magacaabay Qaalib Maxamed Cabdallah,xidhiidhiyaha guudna waxa loo magacaabay Dr Cabdiraxmaan Axmed Hoorri guddoomiye Dr Maxamed oo ayaa masuuliyiintaas cusub ka codsaday in ay la yimaadaan shaqo hufan iyo adeeg wanaagsan waxa isna hadalka qaatay xogayaha guud ee ururka ee cusub Dr Cabdiraxmaan Muusa oo ka warramay taariikhda soo jireenka ah ee ay leeyihiin dadka reer Awdal wuxuuna carrabka ku adkeeyay inaanay jirin dadkale oo ka dhaqan wanaagsan ka dhul wanaagsan oo degmo wanaagsani isagoo farta ku fiiqay sida aan uga hoorryan karno cid kastaba ya tahay in anu yeelano ururo isku keen xidha guud ahaan sida ayaan ku gaadhi karnaa ayuu yiri waxkastaba waxa iyaguna hadlay khasnajiga Mr Qaalib Maxamed iyo xidhiidhiyaha ururka Dr Hoorri ayaa iyaguna hadalo kasoo jeediyay ay kaga waramayaan sida loogu baahan yahay in ururku helo taageerIda dadka gobolka oo ay sheegeen in aad loogu baahanyahay


Weriye:-
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughaya News- Sanca

Tuesday, October 30, 2007

Gudiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Galabta Soo Gaadhay Magaalada Borama.


Boorama-(Lug)-Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gudiga Diiwaangalinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur ayaa Maanta Galinkii dambe soo gaadhay magaalada Borama , waftigan ayaa waxa uu ka kooban yahay Xubno ka tirsan komishanka Qaranka, Saraakiil ka socota Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Xubno kale oo ka socda Sadexda Xisbi Qaran, waxaana Waftigan soo dhaweeyey Xoghaya Xisbiga Udub ee G/Awdal Axmed Muumin Seed iyo xubno ka tirsan Xisbiga Udub ee Heer Gobol.

Ujeedadoodu ayaa waxa ay tahay mid aad u balaadhan sida uu uga waramay Lughaya News Gudoomiyaha Gudiga Diiwaangalinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur ayaa waxa uu yidhi “ Ujeedada safarkayagani waa mid la xidhiidhi sidii aanu xog ururin guud bal ugu samayn lahayn sida ay suurto gal u tahay in diiwaan galin dadka lagu sameeyo gaar ahaana waxaan u soconaa bal inaanu ogaano xaalada goobihii laga codeeyey ee Gobolku sida ay u noqon karaan goob dadka laga diiwaan galiyo”.

Waxaa oo uu gudoomiyuhu ka waramay inaanay safarkoodan ka madhnayn inay dadka u waramaan waxuuna yidhi “ waxaa kale oo aan doonaynaa inaanu la kulano dad faro badan sabobtoo ah waxa aan rabnaa inaan kor u qaadno wacyiga aqooneed ee dadka ee dhinaca doorashooyinka iyo Diiwaan galinta guud labadaba”.

Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu carabka ku dhuftay in Dadka marka la diiwaan galiyo aanay heli doonin oo qudha kaadhka diiwaan galinta balse waxa la siinayaa ayuu yidhi kaadhka Dhalashada wadaninimo ee Jamhuuriyada Somaliland, kumana jiraan oo looma ogola inay qaataan kaadhadhkaas dadka aan daganayn dalka gudihiisa ee aan u dhalan Somaliland.

Waftigan waxaa uu gobolka ku sugnaan doonaa mudada 4 cisho ah ee fooda inagu soo haysa waxaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo , odayaasha iyo Qaybaha kale ee Bulshada, waxaana ay usii dhaafi doonaan Gobolka Saaxil oo ay howlo noocan oo kale ah ka soo fulin doonaan, horena waxa ay howshan oo kale uga soo fuliyeen Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimaada Hargeysa.


Hadaba Magacda xubnaha waftagaasi ka kooban yahay waxa ay kala yihiin:-
Maxamed Yuusuf Axmed ( Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ).
Ismaaciil Muuse Nuur ( Gudoomiyaha Gudiga Diiwaan galinta ).
Axmed X.C/laahi ( Xubin Komishanka Doorashooyinka Qaranka).
Jaamac Maxamuud Siciid ( Xubin Komishanka Doorashooyinka Qaranka).
Axmed Cali Cabdi ( Yaanbo ). ( Sarkaal Wasaarada Arimaha Gudaha ).
Maxamed Cabdi Malow ( Xubin Xisbiga Udub).
C/laahi Siciid (Xubin Xisbiga Ucid ).
Xuseen Axmed Caydiid ( Xubin Xisbiga Kulmiye ).

Inkastoo waftigan si wada jir ah uu u soo gaadhay magaalada Borama ayaa hadana Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku Maxamuud Yuusuf Axmed aanay Booqashadiisani la xidhiidhin howsha ay waftiga intiisa badani gobolka u yimiaadeen sidaasi waxaa Lughaya News u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gudiga Diiwaangalinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur



Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

Monday, October 29, 2007

Xafiiska Ururka Wadaniga Ah Ee HAVOYOCO Ee Magaalada Borama Oo Olole Nadaafadeed Ka Bilaabay Borama.


Boorama-(Lug)-Olole balaadhan oo dhinaca nadaafada wax lagaga qabanayo magaalada Borama oo ay fulinayaan Xafiiska magaalada Borama ee HAVOYOCO ololahani oo qaadan doona mudo 3 bilood ah waxaa kala qayb qaadanaya dowlada Hoose iyo Ox Farm gb.

Hadaba si aanu arimaha nadaafada ee hayadaasi wado aan wax u ogaano ayaa waxaanu waraysi kala yeelanay madaxa Xafiiska HAVOYOCO ee G/Awdal C/raxmaan Axmed Jaamac oo ku sugnaa goobtii howshu ka socotay oo ahayd agagaarka garoonka Biroole oo uu hadheeyey qashin aad u tiro badan una baahan in laga nadiifiyo ayaa madaxa Xafiiskaasi waxa uu sheegay in Ololahani lagu nadiifinayo magaalada Borama uu ku saabsan yahay sidii loo yarayn lahaa shuban biyoodka sii badanaya kaasi oo uu keeno qashinku waxaana uu sheegay in ay gacan ka gaysanayaan dowlada hoose iyo Hayada Ox Farm gb oo wada shaqayn aan leenahay

Waxaana uu sheegay waxa u ka socdaa ololahani nadaafadeed 3 gobol oo ka mid gobolada dalka Somaliland waxaana uu socon doonaa mudo 3 bilood ah waxuuna intaasi raaciyay in mudada howshan Nadaafada ah lagu gudo jiro aan ka shaqayn doono 6 goobood oo ka mid Magaalada Borama kuwasoo uu ku tilmaamay kuwa ugu xooga badan leh ee qashinku tuulan yahay isla markaana ololahani noqon maayo mid aan halkaasi ku dayno balse waa la joogtayn doonaa ilaa inta magaalada laga nadiifin doono qashinka oo awooda HAVOYOCO ay suurto noqon inay wax ku qabato.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd Bulshadu gacan intee leeg ayay idinka siisaa howshan aad ku jirtaan waxaa uu jawaabay shalay uubaanu bilownay laakiinse waxaanu wadnaa wacyi galin ku jihaysan sidii bulshadu ay iskaga fogayn lahayd qashinka waxuuna sheegay in awoodan lagu nadiifinayo magaalada Borama ay tahay mid u baahan dhaqaale xoog ah laakiinse HAVAYOCO ahaan inuu dhaqaale ahaan ka balaadhan una laakiinse hadana dadaal waxba la hadhi mayno intii karaan kayaga ah bulshadana waxaanu leenahay si loo helo caafimaad sugan oo lagaga badbaado shuban biyoodka iyo xanuunada kale ee Gudoofada laga qaado waxaan leenahay kaalintiina ka gaysta.

Mar uu ka hadlayay Shuban biyoodka hadii uu dhamaado inay howshan ka hadhayaan iyo inkale waxaa uu sheegay howshan nadaafadu waa mid bulshada oo dhan u taala HAVAYOCO oo kaliyana uma xil saarna howshayaduna noqon mayso mid ku ekaata wakhtiga shuban biyoodku jiro , laakiinse shaqada waan sii wadaynaa bulshadana waxaan u soo jeedinayaa heegan ha noqoto inay qaybtooda ka qaadan .

Ololahan nadaafada waxaa u qorshaysan HAVOYOCO in ay meelaha ay dagaan dada dalka gudihisa ku baro kacay ay u sameeyaan Suuliyo nooca degdega ah isla markaana ay Chlorine ku daraan ceelasha biyaha ah ee afkoodu furan yihiin, ololahan oo socondoona mudo 3bilood ah wajigiisan koowaad waxa uu ku eg yahay maalinta bari ah , waxaana ay talaabooyinkani yihiin kuwo aad ugu muhiim ah la dagaalanka Shuban Biyoodka iyo helinda deegaan nadiif ah oo ay dadku ku noolaan karaan.



Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

Ra'iisul Wasaare Geeddi Oo Is Casilay


Baydhabo-(Lug)-Ra’iisul wasaarihii dawlada KMG ah Cali Maxamed Geeddi ayaa is casilay.Geeddi ayaa lagu waramay in magaalada Baydhaba uu kula kulmay madaxweynaha dawladda KMG ah Cabdullaahi Yuusuf iyo gudoomiyaha baarlamaanka Sh Aadan Madoobe oo uu u gudbiyay go’aanka is casilaadiisa.

Goor dhaw ayaa la filayaa in Cali Maxamed Geeddi uu la kulmo golaha baarlamaanka Somalia oo uu kaga hor dhawaaqi doono is casilaadiisa.

Geeddi ayaa maalmahan danbe waxa saarnaa cadaadis kaga imanayay madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka qaarkood oo ay ku doonayeen inuu xilka isaga dago.




Source of bbcsomali

Sunday, October 28, 2007

Buug Cusub Oo Loogu Magac Daray Tahriib Oo Habeenimadii Xalay Lagu Soo Bandhigay Magaalada Borama.




Waxii La Qoraa Quruuno Hadhee Maxuu Hadal Qaayo Leeyahay…….Cabdi Sinimoo.

Boorama-(Lug)-Gudoomiyaha Waxbarashada ee G/Awdal Prof Dahir Maxamuud Xadi iyo Maamulayaasha Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Telcom,Telesom iyo Masuuliyiin kale oo ka socotay Jaamacada Camuud iyo dadwayne aad u faro badan ayaa habeenimadii xalay ka qayb galay bandhig loo sameeyey Buug cusub oo loogu magac daray Tahriib ( People on the move).

Buugan oo uu qoray Qoraa dhalinyar oo reer Awdal oo magaciisa la idhaahdo Dayib C/raxmaan Askar waxa uu xambaarsan yahay qiso dhinacyo faro badan taabanaysa oo ka hadlaysa Dhibaatooyinka Tahriibta Munaasibadii xalay ayaa qoraagu waxa uu ku faahfaahiyay ujeedooyinkii uu buugan u qoray waxaana uu yidhi waxaa igu dhalisay markii aan dhagaystay sheekooyin faro badan oo ay iiga warameen dad dhalinyaro ah oo tahriibay badankooduna ay dhibaato ka soo gaadhay mudadii ay safarkaasi ku gudo jireen waxaa kale oo uu qoraagu sheegay inuu habeenkan caawa ah diyaar u yahay inuu maqlo wax walba oo dhaliilo ah oo uu buugu leeyahay taasi oo uu ka filayo in la soo ban dhigo .Qoraagan ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay ahmiyada ay leedahay in dhalinta looga digo dhibaatooyinka Tahriibta ay leedahay buugana uu ugu talo galay inuu bal dhalinta u iftiimiyo qaybo kooban oo ka mid ah Hagardaamooyinka ay tahriibtu leedahay.

Gudoomiyaha Waxbarashada ee G/Awdal Prof Daahir Maxamuud Xadi oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay in qoraa dhalinyaro ahi uu soo bandhigo nuqulkan waxaa uuna ku tilmaamay qoraaga halyay mudan in lagu daydo.


Isla Munaasibadaasi ayaa gudoomiyaha Shirkada Telcom G/Awdal ayaa waxaa uu balan qaaday in shirkada Telcom ay iibsanayso 30 nuqul oo buuga labaad ah ( Writing Effectively) kaasi oo shirkadu ugu deeqayso dugsida Dhagoolayaasha ee Magaalada Borama,Bandhigaas gudihiisa ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha Dhaliilaha ah ee uu buugaasi ka waramayay ee dhinacyada Luuqada , Dhaqanka , iyo Cinwaanka qoraagan ayaa waxaa uu qoray buug kale oo loogu daray Writing Effectively waana wiil dhalinyaro ah oo qoraalku uu u yahay Mihnad.

Hadaba buugan (Tahriib) ayaa waxaa uu ka kooban yahay 94 page iyo 8 qaybood (Contents) waxaana uu xambaarsan qiso iskugu jirta Jacayl , Tahriib, iyo Quudhsi waxaana uu waxbadan soo xiganayaa mushkiladaha yaala jidka aan dhamaadka lahayn ee iskaga goosha Somaliland, Ethiopia , Sudan ,Chad, Libiya, iyo Bada Mediterranean-ka.
Waxaana nuqulkan la daabacay sanadii 2007.



Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

Maamulka Shirkada Telcom Borama Oo Gudoonsiiyay Buugii Labaad Ee Writing Effectively Nuqulo Ka Mid Ah Iskuulka Dhagoolayaasha.


Boorama-(Lug)-Gudoomiyaha Shirkada Telcom ee G/Awdal Xasan Yuusuf Riiraash ayaa maanta Maamulka Iskuulka Dhagoolayaasha Gudoonsiiyay 30 nuqul oo ka mid ah Buugii labaad ee uu qoray Dayib C/raxmaan Askar oo magaciisa la idhaahdo Writing Effectively.

Munaasibadaasi maamulka Dhagoolayaasha lagu gudoonsiinayay Nuquladaasi ayaa waxaa hadalo isku dhaafsaday Shirkada Telcom ee G/Awdal iyo Maamulaha Iskuulka Dhagoolayaasha waxaana halkaasi ugu horeyntii ka hadlay Gudoomiyaha Shirkada Telcom Xasan Yuusuf Riiraash waxuuna ka waramay in shirkadani ay ka qayb qaadato waxkasta oo lagu horumarinayo Bulshada isla markaana waxay dhiiri galinaysaa dadka ka qayb qaata qoraalka kala duwan ee bulshada loo soo bandhigayo waxuuna intaasi raaciyay in shirkada Telcom ee G/Awdal ay qayb wayn ka soo qaadatay meel marinta buuga ka hadlaya Tahriibta iyo Dhibaatooyinka ay ku leedahay dadka Dhoofayaasha ah waxuuna sheegay in ay maalgalin galiyeen buugaasi sidii uu u suurtoobi lahaa qoraagaaasi.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maamulaha Iskuulka Dhagoolayaasha Faarax Axmed Cigaal.waxuuna uga mahadceliyay Shirkada Telcom 30 nuqul ee ay ku soo deeqeen Ardayda dhigata Iskuulkaasi si ay uga faa’iidaystaa isla markaana uga helaan waayo aragnimo dhinaca qoraalka ah isla markaana ku dhiiri galilnaya ardaydaasi inay isku dayaan inay wax qori karaan maahina markii ugu horeysay ee Shirkada Telcom ay ku wax ku darsato ka qayb qaadashada dhinaca horumarka waxbarashada ee Dugsiga dhagoolayaasha.

Waana markii ugu horeysay ee buugaag lagu qoro dalka Somaliland oo uu qoro nin dhalinyaro oo reer Awdal la gudoonsiiyo Iskuulka Dhagoolayaasha nuqulo ka mid ah.



Wariye:-
Abokor Hassan Afi
Lughaya News-Borama.

Masuuliinta Jaamicadda Eelo American Unveristy Oo Jawaab Ka Bixiyey Warar Sheegaya Dib U Dhac Ku Yimid Furitaanka Jaamicadda.


Boorama-(Lug)-Masuuliinta qabanqaabada mashruuca jaamacadda cusub ee Eelo American University ee dhawaan magaalada Boorama lagaga dhawaaay, ayaa sheegay in aanay jirin in cid furitaanka jaamacadasi carqalad ku haysa, isla markaana loo diyaar garoobayo furitaanka Jaamacadda.

Masuuliintan ayaa ku tilmaamay inay furitaanka jaamicaddu ku beegantahay dhamaadka sannadkan ilaa bilowga sannadka cusub ee soo socda, waxayna intaa ku dareen in aanay jirin wax maanta ka dhiman oo hakin kara socodkeeda.

Prof Axmed Xaashi Abiib, kana mid ah hawlwadeenada sarsare ee Jaamacadda oo ka hadlay warbixin dhawaanta ku soo baxday Shabakada wararka ee Harowo.com iyo wargeysada dalka qaarkood oo waraysi siiyey Shabakada Harowo.com, ayaa waxa kale oo uu ka warramay heerka diyaargarowga, agabka waxbarashada, nidaanmka iyo waxyaabaha jaamacaddani kaga duwantahay jaamacadaha kale ee ka furan Soomaaliland ama Soomaaliyaba.

Prof Axmed Xaashi oo ka hadlay waxa ka jira warbixintan lagu sheegay dibudhaca ku yimid furitaanka Jaamacadda ayaa yidhi:

"Waxa marka hore wanaagsan in institution kasta oo la doonayo in warbixin laga diyaariyo lagala tashado hawlwadenada xogogaalka u ah, runtiina waan la yaaby warbixinta dhawaan kusoo baxaday shabakadaha iyo wargeysyada qaarkood ee lagu sheegeyo inay jirto carqalad dhinaca dawladda ka timi iyo duruufo kale oo hakiyey furitaanka jaamacadan wakhtigii loogu talogalay, waxa inta la socota hawsha Jaamacadda iyo inta dani kaga xidhantahayba la socdsiinayaa in aanay jirin cid dhibaato nagu haysa ama duruufo kale oo dibu u dhigi kara furitaanka jaamacadda."

Prof Axmed wuxuu intaa ku daray "Dawladdu way na siisay rukhsaddii, wakhtigii furitaanku noo qorshaysnaana wali lama gaadhin, qalab iyo agabki waxbarashada aan ugu talogalayna badi wuu noo yaallaa, diiwaangelintii way socotaa ilaa 30ka bishan Noofambar, macallimiintii iyo masuuliyiintii kale oo isugu jira ajnebi iyo soomaaliba waa u diyaar, welina waxan dhismaha cusub ee jaamacadda ka nadiifinaynaa wixii ka hadhay dhismahaasi."

Sidoo kale, Prof Axmed Xaashi Abiib oo ka warramay waxayaalaha jaamacaddani Eelo American University kaga duwantahay jaamacadaha kale ee ka jira Soomaaliland ama Soomaaliya, ayaa sheegay "inay jiraan waxbarasho cusub oo aan hore dalka uga jirin marka loo eego qalabka loo adeegsanayo, nidaamka maamul, macalimiinta iyo awoodda qalab ee wax lagu bari karo bulshada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee ay la leedahay dunida inmteeda kale."

Prof Axmed Xaashi oo faahfaahin ka bixinaya qorshaha Jaamicadda, ayaa soo qaatay qodobadan soo socda:

1. Jaamacaddu waxay xidhiidh la leedahay ama ku xidhantahay jaamacadda weyn ee loo yaqaan Washigton Sate University ee dalka maraykanka.

2. Waxay jaamacaddu u furantahay arday kasta oo waxbarasho doonaya oo ku nool geeska Afrika.

3. Qaabka waxbarashada EELO-AMEERICAN UNIVERSITY waa maqal iyo muuqaal loo adeegsanayo, taasoo ka amid ah wayaabaha cusub ee ay jaamicaddani kaga gedisantahay Jaamicadaha kale.

4. Macallimiinta jaamacaddu waa ajnebi iyo Soomaaliba.

5. Maamulka Jaamacaddu wuxu gacanta ugu jirayaa guddi (board) ama selection Committee.

6. Cidda soo geleysa waxa lagu soo xulayaa nidaam waxbarasho oo dugsi sare ah, iyadoo la baadhayo dugsiga sare ee ardaygu kasoo baxay si loo caddeeyo inuu kasoo baxay dugsigaasi u sheegeyo iyo inaanu kasoo bixin.

7. Jaamacadda waxa diiwaan gelinteeda gacanta ku haya profeesarro ajnebi ah oo aan qarabo iyo qabiil ku lahayn Soomaaliya ama soomaaliland.

8. Jaamacadda waxay leedahay website u gaar ah ooah EU-AU.ORG.

9. Jaamacaddu waxay xidhiidh la samaysaa jaamacadaha ka jira dalalka caalmka qaarkood iyo ururada caalamiga ahba, sida Ururka Jaamacadaha jaamacadda Carabta, kuwa muslinka, dalalka saaxiibka ee Afrika iwm, iyadoo ardayda ugu sarreysa waxbarashada abaalmarin loo siin doono aqoon korodhsiyo debedda ah.

10. Laybreeriga weyn ee Jaamacaddu, waxuu u furraan doonaa dadweynaha waxbarashada jecel iyo ardayda, iyadoo lagu dhiqi doono sharciyo kala duwan.

11. Ardayda kusoo baxda aqoonta sare, waxay jaamacaddu ku xidhaa shirkadaha ama wershedeha ka jira dalal badan oo dunida ah iyo dalka Somalilandba si loo shaqo geliyo.

12. Arday kasta oo ka diiwaangashan jaamacaddu wuxu yeelan doonaa Email u gaar ah oo jaamacaddu leedahay si loola socodsiiyo wax kasta oo ka jira jaamacadda.

13. Ugu dambayntii jaamacadda EELO-AMERICAN UNIVERSITY, waxay arday kasta culuunta u baranayo u siinaysaa kombiyuuter u gaar ah.


Source of Harowo.com

Saturday, October 27, 2007

Shirkada Dahabshiil Ee G/Awdal Oo Deeq Lacag Ah Gudoonsiisay Dhismaha Dayrka Dugsiga Sare Ee Sheekh Ali Jawhar.


Boorama-(Lug)-Gudoomiyaha Shirkada Dahabshiil ee G/Awdal Ismaaciil Cabdi Riiraash ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Maamulaha Dugsiga Sare ee Sheekh Ali Jawhar Xaamud Ibraahim Barkhadle.

Ujeedada Kulankan ayaa waxay ahayd sidii ay shirkada Dahabshiil u muujin lahayd taageeraha ay u hayso dhismaha Dayrka dugsiga sare ee Sheekh Ali Jawhar Gudoomiyaha Shirkada Dahabsiil Riiraash ayaa waxa uu sheegay inay shirkadiisu aanay ahayn uun mid bulshada ka faa’iida oo qudha balse ay xaqiiq tahay inay shirkadu wax badan bulshada dib ugu celiso waxa uuna yidhi “ waa marag ma doon inay shirkada Dahabshiil tahay mid u heelan ka qayb qaadashada horumarka bulshada ee dhinacyada Caafimaadka Waxbarashada , Jidadka , Dhalinyarada , iyo Arimaha bulshada Guud ahaanba”.

Mar uu ka hadlayay howlaha shirkada ee ku aadan Dugsiga Sare Ee Sheekh Ali Jawhar waxaa uu yidhi “diyaar baan u nahay wax wax walba oo shirkada Qayb ahaan kaga soo hagaaga Horumar ayaanan u aragnaa dhismaha dayrkan”. .

Maamulaha Dugsiga Sare ee Sheekh Ali Jawhar Xaamud Ibraahim Barkhadle oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “ waan ka gudoonay deeqdan Dahabshiil waana mid aan shirkada iyo shaqsiyaadka kale ee horumarka jecel aan ka filaynay waxaana ay ilaahay agtiisa ka heli doonaan abaal wayn ifkana waxa ay ku mutaysteen mahadnaq iyo tusaale ku haboon in lagu daydo waxa uuna intaa sii daba dhigay waxaan shariikadaha kale ee hadhayna ka filaynaa inay qaybtooda ku darsadaan deeqda loo uruurinayo dhismaha dayrka Dugsiga Sare Ee Sheekh Ali Jawhar .

Waxaa uuna goobtaas maamulaha Dahabshiil ku gudoonsiiyay Maamulaha Dugsiga Sheekh Ali Jawhar deeq lacag ah oo ay ugu talo galeen inay qayb ka noqoto Bilowga dhismaha Dayrkaas oo la filayo inay maalinta bari ah howshiisa bilaabanto.





Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama.