Friday, October 26, 2007

Kiiskii Borrel .. baroortu orgiga ka wayn ! Qalinkii: Zakaria Hussein

Riyaad (lug)gabadh adhi jirto ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah dacawo ka cuntay orgi ka tirsanaa xayn adhi ah oo ay daajinaysay, gabadhii dhacdadaasi waxay u aragtay mid dabiici ah wax dareen ah oo murug ka turjumi karana kamay muujin, laakiinse markii ay fiidkii xoolaha soo hoysay ee ay doleedka soo gaadhay ayay ogaatay arooska wiil dhallinyar ah oo ay isku degaan ahaayeen oo ay iyadu isku wadday oo mid kale aroostay, gabadhii iyada oo dareenkeeda qarinaysa ayay oohin bilowday markii sobobta la waydiiyayna waxa ay sheegtay inay u ooyayso oo ay ka sabri kari laadahay orgigii maanta dacawadu cuntay, haseyeeshee aabeheed oo gartay dulucda oohinta ayaa ugu jawaabay (baroortu orgiga ka wayn).


an ka gudbee, waxaa maalmahan dalka Djibouti ka socday bannaanbaxyo si wayn looga qayb gelay oo lagaga soo horjeeday eedeeynta labo iyo toban jirsatay ee ay xukuumadda Faransiisku u maleegtay madaxwaynaha Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ee ku aaddan kiiskii garsoore Bernard Borrelkii ku bakhtiyay Djibouti 19 oct. sannadkii 1995, islamarkaana uu taliska faransiisku Madaxwayne Geelle oo xilligaasi ahaa madaxa nabad- sugidda qaranka ku eedeeyay ka danbaynta dilka ninkaasi, bannaanbaxyadan cadhaysan ee ay dad waynaha reer Djibouti soo abaabuleenna waxay ahaayeen kuwo ay ku garab istaagayeen madaxwaynahooga Mr.Geelle.

Bernard Borrel oo ahaa garsoore u dhashay dalka Faransiiska oo dawladda Djibouti gacan ka siin jiray dhinacyada habaynta amuuraha caddaaladda islamarkaana ka mid ahaa la taliyeyaasha wasiirkii caddaaladda ee xilligaasi Mumin Bahdoon Faarax ayaa maydkiisa laga helay meel u jirta 80 km caasimadda Djibouti, xaqiiq radin iyo baadhitaanno loo dhammaa oo wakhtigaasi la sameeyayna waxaa ka soo baxay inuu garsooruhu arrimo shakhsi ahaaneed isku dilay, arrintaasina waxay keentay in kiiskaasi xidhmo.

haseyeeshee muwaadin reer Djibouti ah oo magangelyo ka rebay Faransiiska oo la yidhaa Saalix Al- Xamiiqaani ayaa sannadkii 2000 arrintan soo nooleeyay oo waxyaabo uu ku tilmaamay caddaymo sugaya in madaxwayne Geelle garsoorahaasi khaarijiyay u gudbiyay faransiiska, dhacdadaasina waxay keentay in uu faransiisku huriyo kiiskaasi markale.
xidhiidhka Faransiiska iyo MR.Geelle ka hor intaanu hanan madaxnimada Djibuti ayaa la sheegaa inuu ahaan jiray mid aan fiicnayn, iyada oo ay jirtay marar uu Faransiisku shirqoollo dhicisoobay u maleegay madaxwayne Geelle sida bashqad ay ku jirtay cajalad Video ah oo lagu soo lifaaqay waxyaabaha qarxa oo Mr Ismaaciil looga soo diray magaalada Marseill 13 kii December ee 1994, cadaawaddan Faransiisku Mr.Geelle u hayana waxa loo aaneeyaa madaxwaynaha oo ah siyaasi ruug caddaa ah oo aan marnaba lagu dabo rogi Karayn shuruucda siyaasadda iyo iskaashiga labo geesoodka ah ee ka dhaxayn kara labo dal oo uu midkood ka kale gumaystay.

Dhinac kale, arrintan la baxday (l`affair du Borrel) markii si hufan loo diraaseeyay waxaa caddaatay sida ay ilo xog- ogaalihi sheegeen inuu garsooruhu gacantiisa isku dilay, maxaayeelay waxaa la xaqiijiyay caddaymo ay ka midyihiin in Borrel maalmihii u danbeeyay noloshiisa uu walbahaar iyo fakir badani ku furnaa, kaasoo sida la sheegay ka dhashay muran qoyseed u dhaxeeyay isaga iyo xaaskiisa Elisabeth Borrel oo baryahan danbe xoojisay dadaalka ay ugu jirto dhalleecaynta madaxwayne Geelle.

Sidoo kale waxaa la sheegay markii ay tiisu gashay ee uu gurigiisa ka baxayay inuu quraarad gaas ah qaatay dabadeedna raqdiisa oo dhinac ka gubatay laga helay deegaanka Qubbat –Al Kharab, waxa kale oo ka markhaati kacaya arrintaasi sida la sheegay dardaaran uu garsooruhu xaaskiisa uu qoray oo ku wajahnaa habka loo maarayn doono hantidiisa geeridiisa ka dib.

Isku soo wada xoori oo arrintan 12 jirsatay ee haweenaydii ka hadhay garsoore Borrel jiifka u diidday ayaa u muuqata marmarsiinyo siyaasadeed oo meel hoose laga dhiraan-dhirrinayo, ujeedada laga leeyahayna ay tahay in lagaga aargoosto madaxwayne Geelle oo tallaabada lagu qoonsaday tahay hanashada madaxnimada dalkiisa iyo codka shacabkiisa isaga oo aan haysan raali ahaanshaha Faransiiska, kiiskanna waxa uu noqday mid looga ololeeyo warbaahinta dalkaasi, markasta oo uu Faransiisku jalleeco geeddi socodka siyaasadda iyo horumarka Djibouti oo ah goob juqraafiyeed muhiim ah oo dowladaha waawayn ee caalamku usoo kala badiyaan sidii ay xidhiidh iyo iskaashi ula yeelan lahaayeen.



Si kastaba ha ahaatee sida ay dad badan oo siyaasadda ku xeel dheeri qabaan Mr.Geelle ayaa ah siyaasi magac wayn ku leh qaaradda Africa, waxana la sheegaa inuu ka khibrad badan yahay nolosha siyaasadeedna ka yaqaan madaxwayne Nicolas Sarkosyga Faransiiska oo si dardar leh uga shaqaynaya arrintan taageero buuxdana la dabo taagan Elesabeth Borrel, waxaasa xaqiiq ah sida ay dad badani qabaan inaanu kiiskani saamayn xun ku yeelan doonin masiirka Djibouti iyo Mr. Geelle toona maadaama ayna qadiyaddaasi cuskanayn sida la sheegay caddaymo sugan oo ay tahay been abuur aan geed loogu gabban iyo tallaabo khilaafsan qawaaniinta caalamiga ah.
Ugu danbayn ma mooddaa in Mr. Sarkosy damac kaga jiro haweenayda ka hahday Borrel maadaama ay maalmo ka hor kala tageen xaaskiisii hore ee Cecilia Sarkosy, oo uu baryahanba doob ahaa? Dhacdadaasi ma hubo tafaasiilna kama hayo wuuse dumaali kara Sarkozy duqda Elisabeth haddii ay ilaa haatan madax bannaan tahay oo uu isleeyahay xaas ahaan tii hore way kuu dhaaami doontaa iyada oo aan dacwado kale oo been abuur ah lagu wareegaysan.

Zakaria Hussein
Riyaad
murtishiil@hotmail.com

Hambalyo Aroos Mudane: Axmed Cismaan Aare iyo Marwo: Ayaan Cabdillaahi Cismaan

Dhammaan madaxda ururka(Awdal Borothers Association) ee dalka Yemen iyo guud ahaanba ururada ay leeyihiin ardayda Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabbuuti ee ee waxku barta dalkan yemen iyo guud ahaanba Bahda Lughaya News waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Arooska Iyo Aroosada:

Mudane: Axmed Cismaan Aare iyo Marwo: Ayaan Cabdillaahi Cismaan

oo arooskoodu ka dhacay magaalada Sanca ee dalka Yemen waxayna leeyihiin noqda kuwii isku waara ee kala hela ubad khayr qaba ,waxana kamid aha dadka hambalyada diraya:
1) Muusa Daahir Tukaale
2)Maxamed Aadan Ileeye
3)Idiris Axmed Muusa Iyo Xaaaskiisa Nawaal Cali Daad
4) Cabdisalaam Axmed Cusmaan
5)Maxamed Aadan Maxamuud
6)Maxamed Cawaale
7)Sh.Aadan Cabdillahi Cali(Shaadibi)
8)Maxamed Aadan Xabiib (Gadhka)
9)Axmed Cali Maxamuud
10)Amiin Cabadllah Cabdoo
11)Sh.Cali Xuseen(Hargaysaawi)
12)Cabdishukuur Cabdulqaadir Caddow
11) Cilmi Yuusuf Caddaawe iyo Dhamaan Bahda Lughaya News



Wariye:-
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughaya News-Sanca

Thursday, October 25, 2007

Urur Cusub Oo Loo Sameeyey Dhisida Wadooyinka G/Awdal Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Borama.

Boorama-(Lug)-Waxaa maanta magaalada Borama lagaga dhawaaqay Urur loogu magac daray Awdal Road Network Association (ARNA) munaasibadii Axsixinta Xubnaha ururkaasi u wadi doona howsha ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha G/Awdal ,Salaadiin, Culumaa’udiin,Ganacsato iyo Engineers loogu talo galay inay kaalintooda ka qaataan dhisida wadadaasi.







Waxaana kulankasi lagu ansixiyay Xubnihii Ganacsatada ee loo xilsaaray Hirgalinta iyo Meelmarinta fikirkaasi wadada isku xidhaya Dilla iyo Borama oo uu fikirkiisa lahaa ahaydna Riyadayda ila Rumeeya Maamulaha Shirkada Telesom ee G/Awdal C/qaadir Adan Nuur oo ay ku tilmaameen ganacsatadu inuu ahaa hormuudkii iyo ku baraarujihii bulshada sidii wadadaasi 28km ah ee dhibka badan loo dhamaystiri lahaa isla markaasina wadooyinka kalena loo amba qaadi lahaa iyada oo si iskaashi leh looga wada howl galayo.


Waxaana ugu horeyntii halkaasi hadalo uu ku faahfaahinayay howshu siday ku soo bilaabantay halka ay marayso iyo waxii lasoo qabtay si dadku isku soo gaadhaan oo warbixin midaysan ay u wada helaan halkaasi ka soo jeediyay Abokor Xuseen Miicaad (Shiine Dheere) waxuuna ugu horeyntii u mahadceliyay dhamaan dadkii ay martiqaadka u fidiyeen oo balantii fuliyay kana soo qayb galay kulankaasi waxuuna cadeeyey in adduunka marka wax la bilaabayo isagaaba Riyo ah Riyaduna dad way ka dhabeeyaan qaarna meeshaba kama soo qaadaan oo halkaasi ayay ku ilaawaan hadaba waxaa la isla gartay in G/Awdal uu waxyaabo gaar ah dabeecad ahaan u leeyahay isagoo arimahaasi tilmaamayana waxa uu yidhi “Iskaa wax u qabsada oo laga bilaabay G/Awdal magaalada Boon ka dibna Dowladii kacaankii barakaysnayd ee dhacday ay halkaasi ka sii amba qaaday iskaa wax u qabsadii , dad ahaana aan caan iyo magacba ku yeelanay Kalmadaasi waxuuna intaasi sii raaciyay in Sanadkii 1972 markii iskaa wax u qabsada lagu dhisayay dugsiga Sare ee Sheekh Ali Jawhar ay Aabayaasheen, Awowyaasheen , Edooyinkeen , Habaryaraheen ay dhagaxa ka soo gurayeen buuro ka fog magaalada Borama iskaashigaasina waxa uu keenay in lagu dhiso dugsigaasi sare ee Sheekh Ali Jawhar ee Qiimaha badan inoogu fadhiya”.



Shiine Dheere oo ku hadlayay magaca Ganacsatada waxuu xusay in markii dalku burburay ee cidwalba calan gaar ah qaadatay in reer Awdal ay yidhaahdeen was aan dhisaynaa Jaamacad wakhtigaasi oo dadkii jaarka ahayn iyo adduunkiiba ay ku dhawaaqeen Jaamacad ma idinkaa dhisi kara dowlad uunbaa samayn karee taasina ah noqotay mid aan ku hirgalino Jaamacadii waana waxyaabaha mucjisada ay ku yihiin Reer Awdal oo cidkasta oo Somali ah ay nagula yaabto sidaan wax u qabsano balse maanta waxaan doonaynaa inaan la rumayno Fikirkii C/qaadir Adan Nuur oo lahaa fikirka Ila Rumeeya Riyadaydii taasina ay maanta tahay taan doonayna inaan meel marino oo aan kaga dhabayno riyada wadooyinka kale ee Gobolkana sidii Iskuulkaa sheikh Ali Jawhar iyo Sidii Jaamacada Camuud aan uga jibo keeno oo aan ku hirgalino.
Waxaa isaguna halkaaasi ka hadlay Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar waxuuna sheikh C/laahi sheegay in waxkasta loo baahan yahay marka lagu dhaqaaqo inaan halkii lagaga hadhin ee la dhamaystiro waxuuna talo ahaan u soo jeediyay ganacsatada Maamul Gobol iyo Degmaba iyo dadwaynahaba inaan qoondaysano maalin reer Borama ay ku dhaqaqaan yar iyo wayn inay wadada dhisaan taasi oo hormood u noqon karta in iskaashi wax lagaga qabto Dhisida wadadaasi waxuuna kula dardaarmay dhamaan Bulshada Reer Awdal Inay Shaqadoodu Noqoto Hadal Yar Iyo Howl Badan.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar waxuuna cadeeyey in reer Awdal ay caan ku yihiin iskaashi iyo Wax wada qabsi horena ay u soo sameeyeen mashaariic badan oo lagu fuliyay Gacmo Wadajir Bay Wax Ku Gooyaan waxuuna carabka ku dhuftay in Salaadiin,Culuma’udiinka ay iyagu xilgaar ah iska saarayaan sidii bulshada loogu wacyi galin lahaa bulshada inay kaalintooda ka qayb qaataan hirgalinta wadooyinka Gobolka Awdal balse waxuu soo jeediyay in Sadex oday oo ka shaqeeya Wadada isku xidha Dilla iyo Borama inaanay Baabuuradu waxba u tuurin inkasta oo si fiican oo habaysan oo daacadnimo ku jirto ay uga shaqeeyaan waxuuna kula dardaarmay Baabuurlayda in dadka wadooyinka ka shaqaynaya ee hagaajinaya in wax loo tuuro si ay dhiiri galin ugu noqoto.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maxamed Cawaale Hadi waxuuna xusay inuu sameeyey sanduuq loogu talo galay inuu qof waliba wax ku rido waxuuna wakhtiyada qaarkood ku riyooday inuu lacag badan uruuriyay oo uu wadadii dhamaystiray isagoo waliba cadeeyey in Laba Jimce salaadahood ay fikirka wadadu Sahwi ku riday oo ay dhaafisay qudbadii jimcaha taasina uu doonayay inuu kala tashado Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar taasina ay wali u suuro galin.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay C/raxmaan Maxamuud Muuse oo isagu loo doortay Gudoomiyaha Golaha sare ee Ururkan waxaa uuna ka waramay qaybaha ururku uu ka kooban yahay iyo howlaha horyaala waxaa uuna yidhi wax yar maaha howsha inoo taala ee aan doonayno inaaan qabano sideedana Jidad dowlado ayaa dhisa maantase waxaan doonaynaa inay dadka reer Awdal taariikh u noqdaan inay jidadku dadku dhisi karaan waxaa kale oo Gudoomiyuhu xaqiijiyay inta ay leegtahay hamiga Gudidu waxuuna yidhi Waxa aan doonaynaa in aan markale hirgalino waxii ay dadka shiinuhu 5000 oo sano ka hor hirgaliyeen waxa aanan raacaynaa qaababkii ay ugu suurto gashay inay dhisaan Gidaarka Adduunka ugu wayn .
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Cumar Ibraahim ( Cumar Dubai ) oo ka mid ah ganacsatada reer Awdal ee Dubai waxuuna sheegay in dadka dibada ganacsato iyo shiciba cid walba inay idinkala qaybqaadan doonto howshaaasi balse balse waxaa idiinka baahan yahay in aan halkaa lagu joojin ee la sii wado.

Waxaa kale oo shirkaasi soo gabagabeeyey Badhasaabka Gobolka Awdal si kastaba ha ahaatee howlaha ururkan horyaala ayaa aad u badan waxaana uu ururku kooban yahay Gudi Hoosaadyo qaabilsan howlaha Dhaqaale ururinta wacyigalinta , Maamulka iyo Gidada Farsamada waxaana maanta ay xubnihii ka soo qayb galay kulankaasi cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen inay xubnaha gudida golaha sare ee Ururku howlahooda u wadan karaan si madaxbanaan.

Waxaana gudiga fulinta ee howshaasi loo xil saaray ay kala yihiin:-

C/Raxmaan Maxamuud Muuse.
C/Qaadir Aadan Nuur.
Maxamed Cali Caynaan.
Abokor Xuseen Miicaan (Shiine Dheere)
Qalin Seed Oo Iyadu Ah Haweenaydii Kalideed Dhistay Wadada Isku Xidha Boon Iyo Fardo Lagu Xidh.
Muuse Camir Kaahin.
Maxamed Nuur Faahiye.
Xasan Geedi Bare.
C/Laahi X.Ciise Maxamuud.
Aamina Boobe.
Saynab X.Axmed Miisaan.
Ismaaciil Cabdi Riiraash.
C/Laahi Jaamac Cumar.
Haaruun Dheere.


Wariye:-
Abokor Hassan Afi
Lughaya News-Borama

Saraakiil Caafimaad oo ka socoto Kings College Hospital London iyo Hayada THET Oo maanta booqday Daraymacaane.

Boorama-(Lug)-Waxaa magaalada Borama soo gaadhay maalintii shalay Dr.Andy Leather iyo Dr.Gillmill oo ka kala socda Kings College Hospital London iyo Hayada THET waxaana ay ujeedada safarkoodu ay tahay sidii loo dardar galin lahaa howlaha kuliyada Caafimaadka ee dhinacyada waxbarashada iyo Mashruuca ku aadan tuulada Daraymacaane.

Saraakiishan ayaa saaaka waxa xarunta Kuliyada kaga dhagaysteen warbixino kala duduwan Ardayda iyo Maamulka Kuliyada taasi oo ay kaga warbixinayeen howlihii u dambeeyey ee ka qabsoomay Daraymacaane iyo xaalada Kuliyada ee Maanta .

Saraakiishan ayaa galinkii dambe ee maanta waxaa ay booqdeen Tuulada Daraymacaane oo ay u kuurgalayeen Sida ay xaqiiq u tahay warbixinadii ay ardaydu siiyeen booqashadoodan maanta ayaa waxaa ku weheliyay Hormuudka Kuliyada Dr.Siciid Axmed Walhad oo Lughaya News u xaqiijiyay inay booqashadoodii maantu guul ku soo dhamaatay waxaana uu yidhi “ waxay indhaha soo saareen Xaqiiqda howlaha ay kuliyadu ka wado Daraymacaane waxaana ay qiimayn kula noqon doonaan Hayadihii ay ka yimaadeen waxaa waxaana aan isla gorfaynay sidii mashruucan looga hirgalin lahaa Goob kale, mar hadii guul laga soo hooyay kii hore.

Dhakhaatiirtan ayaa waxaa ku sugnaan doonaan magaalada Borama ilaa maalinta Axada ah waxaana ay casharo ka bixin doonaan Kulliyada sidoo kale waxaa ay booqashada waftigani astaan u tahay xidhidhka sii xoogaysanaya ee ka dhaxeeya Kulliyada iyo College Hospital London iyo Hayada THET


Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

Wednesday, October 24, 2007

Moobilada Xorta Ah Ee Telcom Oo Dhalinyaro Badan U Sababay In Ay Is Calfadaan

Boorama-(Lug)-Tan iyo intii ay shirka TELCOM ee gobolka Awdal bilowday in ay bixiso mobile-o xadidan oo six xor ah aad ugu sticmaali karto dalka gudihiisa ayaa waxa sii kordhaya isticmaalka dhalinyarta dhexdeeda ah ee ku aadan mobiladaas oo loogu magac daray mobilada fee-ga ah. Waxa ay dhalintu u badan yihiin kuwo haasaawaha intiisa badan ku qaata mobiladaas iyaga oo ay qaarkood gaadhsiisay heer mustaqbal, waxa kale oo aan meesha ka maqnayn in uu dad faro badan u fududeeyay gudashada hawlahooda shaqo.

Maamulka shirkada ee gobolka ayaa waxa sideedaba soo gaadhaya codsiyo faro badan oo ka imanaya dadwaynaha kuwaas oo ku wajahan sidii uu qof walba u heli lahaa mobile noocan oo kale ah. Arintan ayaa waxa u suurto gashay in ay lughayanews ka waraysato maamulaha shirkada TELCOM ee gobolka Awdal Xasan Yuusuf Riiraash waxana uu maamuluhu ka waramay ugu horayn ujeedadii loo hirgaliyay isticmaalka mobile noocan ah waxana uu yidhi “ waxa ay ahayd ujeedada mobiladan in aan hirgalino suuq balaadhan oo ay shirkadu yeelato isla matrkaana bulshadu ku kala xidhiidho, waxana aan qof walba oo aan siino u eegaynay inta qof ee kale ee ku xidhan ee uu shirkada ku soo xidhi karo si ay u suurto gasho in ay shirkadu hesho suuq balaadhan oo dhinaca mobile-ka ah”. Waxa kale oo uu maamuluhu ka waramay inta ay leegtahay guulaha ay dhalinyaro badan oo u bislaaday in ay mustaqbal hantaan ka sheeganayaan mobile-kan waxana uu yidhi “ waxa aan hambalyaynayaa lamaaneyaal badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin oo iyagu ii sheegay in uu unkida mustaqbalkoodan ka qayb qaatay mobile-kan”. Waxa isaga oo mamuluhu sii wata hadalkiisa uu yidhi waxa aan si gaar ah u hambalyaynayaa Mudane: Cabdi Fataax Xuseen Daahir iyo Marwadiisa Faadumo Maxamed Xasan oo iyagu tusaale inagaga filan dhalinta uu mustaqbalkooda ka qayb qaatay Mobile-kani.

Waxa kale oo aan meesha ka maqnayn in la ogaado inta ay leegtahay dareenka dhalinta isticmaasha mobile-ka waxana ay Lughayanews la kulantahy Mustafe Cabdi Ibraahim oo ka mid ah dhalinta isticmaasha Mobilkan waxana isaga oo shucuurtiisa cabiraya uu yidhi “ waxa aan soo wadaa guul way oo dhinaca mustaqbalka ah waanan mahadinayaa TELCOM iyo cidii keentay fikirkanba, waana xaqiiq a in uu mobilkani dhalinbadan caawiyay sidayda oo kale.

Shirkada ayaa todobaadkii ina dhaafay waxa u marti ahaa injineegr China-iis ah kaasi oo uu maamuluhu xusay hawlihii uu u yimid Boorama “ waxa uu injineerkani waday hawlo ku aadan balaadhinta khadka mobile-ka ah ee shirkada, waxana ay talaabadani tahay mid aan ugu talo galnay in aan ku muujino adeegyo aanan la soo koobi Karin oo aan rabno in aan bulshada u soo ban dhigno.

Si kastaba ha ahaatee mobiladan free-ga ah ee ay shirkadu bixisay ayaa dhan in ka badan 200 oo xabo waxana oo qofka haysaayi bishii bixiyaa 10 Doolar oo qudha, waxana ay yihiin kuwo ku kala filiqsan qaybaha kala duwan ee bulshada, mobiladan oo ay dadku u isticmaalaan si xor ah ayaa waxa ay fuliyaan adeegyo kala duwan oo laf-dhabar u noqon kara hormarka dhinaca Mobilka ah ee xawliga ku socda ee ay shirkada TELCOM ee gobolka Awdal wado.

Cabdale Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

Shirkada Daallo Airlines Oo Documents Xajka Lagu Tagayay Diyaarisay.


Boorama-(Lug)-Maamulaha Shirkada Diyaaradaha ee Daallo Airlines ee G/Awdal Mr.Ibraahim Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyay Waxyaabaha looga baahan yahay cidii doonaysa inay soo gudato waajibaadka Xajka ee Sanadka 2007 waxuuna sheegay in Docomentigaasi diyaarin tiisii iyo waxyaabihii xajka lagu tagayay ay shirkadu bilowday 18kii Bishan October.

Maareeyahay Shirkada Daallo Airlines ee G/Awdal waxaa uu sheegay in shuruudaha looga baahan yahay qofka soo gudanaya waajibaadka Xajka ay tahay .
  • Inuu Passport Somali ah Haysto dhicidiisu ka hadhay Mudo 6 bilood ah Passportkuna uu yahay mid aan tirtirnayn.

  • Afar Sawir oo aan midab lahayn.

  • Buuga Caafimaadka.

  • Haweenkana looga baahan yahay Warqada Muxramka ee Haweenku ay ku soo gudan karaan Xajka.

Waxuu tilmaamay Maareeye Ibraahim inuu qofkasta oo danaynaya Inuu soo xajiyo in uu Documents sida ugu dhaqsaha badan ula yimaado xafiiska Daallo Airlines ee Magaalada Borama waxuuna intaasi sii raaciyay in Shirkadu ay kuu fududaynayo waxkasta oo aad ku soo gudan kartid Xajka , Vise ha noqoto iyo Diyaaradba laakiinse qofka waxaa laga doonayaa in qodobada aan soo sheegnay ay tixgalin siiyaan, waxuuna farta ku fiiqay in Shirkada Daallo Airlines ay guushaasi soo gudashada Waajibaadka Xajka, Imkaaniyaadkii lagu tagayayna ay ka helaysid adiga oo jooga gurigaaga oo Borama waxwalba aad ka helayso oo aanad meel kale u tagayn sidaa awgeed waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo soo gudanaysa Waajibaadka Xajka in si wakhti loogu helo ay degdeg u keensadaan .

Wariye: Abokor Hasan Afi

Lughaya News-Borama

Suldaan Ka Mid Beelaha Gobolka Awdal Oo Taageero U Muujiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Boorama-(Lug)-Baryahanba waxaa jamhuuriyada Jibouti ka socday Banaanbaxyo lagaga soo horjeedo Been abuurka lagu daandaan sanayo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Jibouti laguna eedaynayo fal aanu gaysan oo aanay waxba ka jirin isla markaasina lagu cambaaraynayo. Waxa beryahnba xukuumadda Djibouti loo dirayay dhanbaallo lagu taageersan yahay Madaxwaynaha Djibouti oo lagaga soo horjeedo Falalka Argagixisada ee Dowlada Faransisku ay wado waxaana dadka taageeraya Madaxwaynaha ay arimahaasi ku tilmaameen Dhaleecayn aanay waxba ka jirin.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ku hadlaya Magaca Jiif Caaqilada ,Cuqaasha, iyo Waxgaradka Beelaha Maxamed Case Waxuu taageero ugu gudbinayaa Shacbiga iyo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Djibouti taasi oo ka turjumaysa Mowqifka ay arrintan ka ay ka taagan yihiin Beelaha Maxamed Case Gardarada iyo Been Abuurka uu gumaysiga Faransiisku ku hayo Madaxwaynaha Djibout. Waxaanan leenahay arimahaasi waxay astaan u yihiin talaabooyinka Gumaysigu marka laga xoroobo uu ku daadaansado Wadan Calan iyo Dowlad leh, waxaanay dareenka Beelaha Maxamed Case ay muujinayaan in Hiil iyo Hooba ay la garab joogaan dadka reer Djibouti ee wararka aan waxba ka jirin lagu fadeexadaynayo .

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo arintaasi ka hadlayana waxuu yidhi “Dowlada Faransiisku waxay ka xun tahay Horumarka iyo Waxqabadka balaadhan ee uu dadkiisa u sameeyey Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle waxaanan leenahay Xukuumada Faransiiska waar Djibouti way hanaqaadaye ee xadgudubka iyo gardarada halaga daayo. Shacbiga reer Soomaaliland Dhamaantood waxay maanta isgarabtaagayaan oo ay garab joogaan Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle waxaanay ku taageersan yihiin dareenka umada Reer Djibouti ee Falkaa xun ee lagu samaynayo ka dhiidhiday kana samayeeyay banaanbaxyo, mowqifkoodana ku cadeeyay inaan madaxwaynahoodu dambigaasi galin Balse dowlada Faransiiska looga baahan yahay inay dib u baadhaan oo cidii gaysatay falkaasi ku saabsan ninkii isdilay inay iyagu is waydiiyaan way ogyihiin wayna garanayaan ee yaanay ku warwareegin meel aanay waxba u oolin”.

Shacabke reer Somalilandna ma illoobi karaan waxtarka shacabka ku dhaqan Jamhuuriyadda Djibouti ee aan walaalaha iyo isku dhiigga nahay ay mar walba la garab taaganyihiin walaalohooda reer Somaliland. Gaar ahaan xilliyadii dagaallada sokeeye aafeeyeen, oo qaxooti fara badan oo reer Somaliland ah si walaalnimo ah loogu soo dhaweeyay waddankooda labaad ee Djibouti.

Wariye:Abokor Hasan Afi
Lughaya News-Borama