Monday, October 29, 2007

Xafiiska Ururka Wadaniga Ah Ee HAVOYOCO Ee Magaalada Borama Oo Olole Nadaafadeed Ka Bilaabay Borama.


Boorama-(Lug)-Olole balaadhan oo dhinaca nadaafada wax lagaga qabanayo magaalada Borama oo ay fulinayaan Xafiiska magaalada Borama ee HAVOYOCO ololahani oo qaadan doona mudo 3 bilood ah waxaa kala qayb qaadanaya dowlada Hoose iyo Ox Farm gb.

Hadaba si aanu arimaha nadaafada ee hayadaasi wado aan wax u ogaano ayaa waxaanu waraysi kala yeelanay madaxa Xafiiska HAVOYOCO ee G/Awdal C/raxmaan Axmed Jaamac oo ku sugnaa goobtii howshu ka socotay oo ahayd agagaarka garoonka Biroole oo uu hadheeyey qashin aad u tiro badan una baahan in laga nadiifiyo ayaa madaxa Xafiiskaasi waxa uu sheegay in Ololahani lagu nadiifinayo magaalada Borama uu ku saabsan yahay sidii loo yarayn lahaa shuban biyoodka sii badanaya kaasi oo uu keeno qashinku waxaana uu sheegay in ay gacan ka gaysanayaan dowlada hoose iyo Hayada Ox Farm gb oo wada shaqayn aan leenahay

Waxaana uu sheegay waxa u ka socdaa ololahani nadaafadeed 3 gobol oo ka mid gobolada dalka Somaliland waxaana uu socon doonaa mudo 3 bilood ah waxuuna intaasi raaciyay in mudada howshan Nadaafada ah lagu gudo jiro aan ka shaqayn doono 6 goobood oo ka mid Magaalada Borama kuwasoo uu ku tilmaamay kuwa ugu xooga badan leh ee qashinku tuulan yahay isla markaana ololahani noqon maayo mid aan halkaasi ku dayno balse waa la joogtayn doonaa ilaa inta magaalada laga nadiifin doono qashinka oo awooda HAVOYOCO ay suurto noqon inay wax ku qabato.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd Bulshadu gacan intee leeg ayay idinka siisaa howshan aad ku jirtaan waxaa uu jawaabay shalay uubaanu bilownay laakiinse waxaanu wadnaa wacyi galin ku jihaysan sidii bulshadu ay iskaga fogayn lahayd qashinka waxuuna sheegay in awoodan lagu nadiifinayo magaalada Borama ay tahay mid u baahan dhaqaale xoog ah laakiinse HAVAYOCO ahaan inuu dhaqaale ahaan ka balaadhan una laakiinse hadana dadaal waxba la hadhi mayno intii karaan kayaga ah bulshadana waxaanu leenahay si loo helo caafimaad sugan oo lagaga badbaado shuban biyoodka iyo xanuunada kale ee Gudoofada laga qaado waxaan leenahay kaalintiina ka gaysta.

Mar uu ka hadlayay Shuban biyoodka hadii uu dhamaado inay howshan ka hadhayaan iyo inkale waxaa uu sheegay howshan nadaafadu waa mid bulshada oo dhan u taala HAVAYOCO oo kaliyana uma xil saarna howshayaduna noqon mayso mid ku ekaata wakhtiga shuban biyoodku jiro , laakiinse shaqada waan sii wadaynaa bulshadana waxaan u soo jeedinayaa heegan ha noqoto inay qaybtooda ka qaadan .

Ololahan nadaafada waxaa u qorshaysan HAVOYOCO in ay meelaha ay dagaan dada dalka gudihisa ku baro kacay ay u sameeyaan Suuliyo nooca degdega ah isla markaana ay Chlorine ku daraan ceelasha biyaha ah ee afkoodu furan yihiin, ololahan oo socondoona mudo 3bilood ah wajigiisan koowaad waxa uu ku eg yahay maalinta bari ah , waxaana ay talaabooyinkani yihiin kuwo aad ugu muhiim ah la dagaalanka Shuban Biyoodka iyo helinda deegaan nadiif ah oo ay dadku ku noolaan karaan.



Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

Ra'iisul Wasaare Geeddi Oo Is Casilay


Baydhabo-(Lug)-Ra’iisul wasaarihii dawlada KMG ah Cali Maxamed Geeddi ayaa is casilay.Geeddi ayaa lagu waramay in magaalada Baydhaba uu kula kulmay madaxweynaha dawladda KMG ah Cabdullaahi Yuusuf iyo gudoomiyaha baarlamaanka Sh Aadan Madoobe oo uu u gudbiyay go’aanka is casilaadiisa.

Goor dhaw ayaa la filayaa in Cali Maxamed Geeddi uu la kulmo golaha baarlamaanka Somalia oo uu kaga hor dhawaaqi doono is casilaadiisa.

Geeddi ayaa maalmahan danbe waxa saarnaa cadaadis kaga imanayay madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka qaarkood oo ay ku doonayeen inuu xilka isaga dago.




Source of bbcsomali

Sunday, October 28, 2007

Buug Cusub Oo Loogu Magac Daray Tahriib Oo Habeenimadii Xalay Lagu Soo Bandhigay Magaalada Borama.




Waxii La Qoraa Quruuno Hadhee Maxuu Hadal Qaayo Leeyahay…….Cabdi Sinimoo.

Boorama-(Lug)-Gudoomiyaha Waxbarashada ee G/Awdal Prof Dahir Maxamuud Xadi iyo Maamulayaasha Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Telcom,Telesom iyo Masuuliyiin kale oo ka socotay Jaamacada Camuud iyo dadwayne aad u faro badan ayaa habeenimadii xalay ka qayb galay bandhig loo sameeyey Buug cusub oo loogu magac daray Tahriib ( People on the move).

Buugan oo uu qoray Qoraa dhalinyar oo reer Awdal oo magaciisa la idhaahdo Dayib C/raxmaan Askar waxa uu xambaarsan yahay qiso dhinacyo faro badan taabanaysa oo ka hadlaysa Dhibaatooyinka Tahriibta Munaasibadii xalay ayaa qoraagu waxa uu ku faahfaahiyay ujeedooyinkii uu buugan u qoray waxaana uu yidhi waxaa igu dhalisay markii aan dhagaystay sheekooyin faro badan oo ay iiga warameen dad dhalinyaro ah oo tahriibay badankooduna ay dhibaato ka soo gaadhay mudadii ay safarkaasi ku gudo jireen waxaa kale oo uu qoraagu sheegay inuu habeenkan caawa ah diyaar u yahay inuu maqlo wax walba oo dhaliilo ah oo uu buugu leeyahay taasi oo uu ka filayo in la soo ban dhigo .Qoraagan ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay ahmiyada ay leedahay in dhalinta looga digo dhibaatooyinka Tahriibta ay leedahay buugana uu ugu talo galay inuu bal dhalinta u iftiimiyo qaybo kooban oo ka mid ah Hagardaamooyinka ay tahriibtu leedahay.

Gudoomiyaha Waxbarashada ee G/Awdal Prof Daahir Maxamuud Xadi oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay in qoraa dhalinyaro ahi uu soo bandhigo nuqulkan waxaa uuna ku tilmaamay qoraaga halyay mudan in lagu daydo.


Isla Munaasibadaasi ayaa gudoomiyaha Shirkada Telcom G/Awdal ayaa waxaa uu balan qaaday in shirkada Telcom ay iibsanayso 30 nuqul oo buuga labaad ah ( Writing Effectively) kaasi oo shirkadu ugu deeqayso dugsida Dhagoolayaasha ee Magaalada Borama,Bandhigaas gudihiisa ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha Dhaliilaha ah ee uu buugaasi ka waramayay ee dhinacyada Luuqada , Dhaqanka , iyo Cinwaanka qoraagan ayaa waxaa uu qoray buug kale oo loogu daray Writing Effectively waana wiil dhalinyaro ah oo qoraalku uu u yahay Mihnad.

Hadaba buugan (Tahriib) ayaa waxaa uu ka kooban yahay 94 page iyo 8 qaybood (Contents) waxaana uu xambaarsan qiso iskugu jirta Jacayl , Tahriib, iyo Quudhsi waxaana uu waxbadan soo xiganayaa mushkiladaha yaala jidka aan dhamaadka lahayn ee iskaga goosha Somaliland, Ethiopia , Sudan ,Chad, Libiya, iyo Bada Mediterranean-ka.
Waxaana nuqulkan la daabacay sanadii 2007.



Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

Maamulka Shirkada Telcom Borama Oo Gudoonsiiyay Buugii Labaad Ee Writing Effectively Nuqulo Ka Mid Ah Iskuulka Dhagoolayaasha.


Boorama-(Lug)-Gudoomiyaha Shirkada Telcom ee G/Awdal Xasan Yuusuf Riiraash ayaa maanta Maamulka Iskuulka Dhagoolayaasha Gudoonsiiyay 30 nuqul oo ka mid ah Buugii labaad ee uu qoray Dayib C/raxmaan Askar oo magaciisa la idhaahdo Writing Effectively.

Munaasibadaasi maamulka Dhagoolayaasha lagu gudoonsiinayay Nuquladaasi ayaa waxaa hadalo isku dhaafsaday Shirkada Telcom ee G/Awdal iyo Maamulaha Iskuulka Dhagoolayaasha waxaana halkaasi ugu horeyntii ka hadlay Gudoomiyaha Shirkada Telcom Xasan Yuusuf Riiraash waxuuna ka waramay in shirkadani ay ka qayb qaadato waxkasta oo lagu horumarinayo Bulshada isla markaana waxay dhiiri galinaysaa dadka ka qayb qaata qoraalka kala duwan ee bulshada loo soo bandhigayo waxuuna intaasi raaciyay in shirkada Telcom ee G/Awdal ay qayb wayn ka soo qaadatay meel marinta buuga ka hadlaya Tahriibta iyo Dhibaatooyinka ay ku leedahay dadka Dhoofayaasha ah waxuuna sheegay in ay maalgalin galiyeen buugaasi sidii uu u suurtoobi lahaa qoraagaaasi.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maamulaha Iskuulka Dhagoolayaasha Faarax Axmed Cigaal.waxuuna uga mahadceliyay Shirkada Telcom 30 nuqul ee ay ku soo deeqeen Ardayda dhigata Iskuulkaasi si ay uga faa’iidaystaa isla markaana uga helaan waayo aragnimo dhinaca qoraalka ah isla markaana ku dhiiri galilnaya ardaydaasi inay isku dayaan inay wax qori karaan maahina markii ugu horeysay ee Shirkada Telcom ay ku wax ku darsato ka qayb qaadashada dhinaca horumarka waxbarashada ee Dugsiga dhagoolayaasha.

Waana markii ugu horeysay ee buugaag lagu qoro dalka Somaliland oo uu qoro nin dhalinyaro oo reer Awdal la gudoonsiiyo Iskuulka Dhagoolayaasha nuqulo ka mid ah.



Wariye:-
Abokor Hassan Afi
Lughaya News-Borama.

Masuuliinta Jaamicadda Eelo American Unveristy Oo Jawaab Ka Bixiyey Warar Sheegaya Dib U Dhac Ku Yimid Furitaanka Jaamicadda.


Boorama-(Lug)-Masuuliinta qabanqaabada mashruuca jaamacadda cusub ee Eelo American University ee dhawaan magaalada Boorama lagaga dhawaaay, ayaa sheegay in aanay jirin in cid furitaanka jaamacadasi carqalad ku haysa, isla markaana loo diyaar garoobayo furitaanka Jaamacadda.

Masuuliintan ayaa ku tilmaamay inay furitaanka jaamicaddu ku beegantahay dhamaadka sannadkan ilaa bilowga sannadka cusub ee soo socda, waxayna intaa ku dareen in aanay jirin wax maanta ka dhiman oo hakin kara socodkeeda.

Prof Axmed Xaashi Abiib, kana mid ah hawlwadeenada sarsare ee Jaamacadda oo ka hadlay warbixin dhawaanta ku soo baxday Shabakada wararka ee Harowo.com iyo wargeysada dalka qaarkood oo waraysi siiyey Shabakada Harowo.com, ayaa waxa kale oo uu ka warramay heerka diyaargarowga, agabka waxbarashada, nidaanmka iyo waxyaabaha jaamacaddani kaga duwantahay jaamacadaha kale ee ka furan Soomaaliland ama Soomaaliyaba.

Prof Axmed Xaashi oo ka hadlay waxa ka jira warbixintan lagu sheegay dibudhaca ku yimid furitaanka Jaamacadda ayaa yidhi:

"Waxa marka hore wanaagsan in institution kasta oo la doonayo in warbixin laga diyaariyo lagala tashado hawlwadenada xogogaalka u ah, runtiina waan la yaaby warbixinta dhawaan kusoo baxaday shabakadaha iyo wargeysyada qaarkood ee lagu sheegeyo inay jirto carqalad dhinaca dawladda ka timi iyo duruufo kale oo hakiyey furitaanka jaamacadan wakhtigii loogu talogalay, waxa inta la socota hawsha Jaamacadda iyo inta dani kaga xidhantahayba la socdsiinayaa in aanay jirin cid dhibaato nagu haysa ama duruufo kale oo dibu u dhigi kara furitaanka jaamacadda."

Prof Axmed wuxuu intaa ku daray "Dawladdu way na siisay rukhsaddii, wakhtigii furitaanku noo qorshaysnaana wali lama gaadhin, qalab iyo agabki waxbarashada aan ugu talogalayna badi wuu noo yaallaa, diiwaangelintii way socotaa ilaa 30ka bishan Noofambar, macallimiintii iyo masuuliyiintii kale oo isugu jira ajnebi iyo soomaaliba waa u diyaar, welina waxan dhismaha cusub ee jaamacadda ka nadiifinaynaa wixii ka hadhay dhismahaasi."

Sidoo kale, Prof Axmed Xaashi Abiib oo ka warramay waxayaalaha jaamacaddani Eelo American University kaga duwantahay jaamacadaha kale ee ka jira Soomaaliland ama Soomaaliya, ayaa sheegay "inay jiraan waxbarasho cusub oo aan hore dalka uga jirin marka loo eego qalabka loo adeegsanayo, nidaamka maamul, macalimiinta iyo awoodda qalab ee wax lagu bari karo bulshada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee ay la leedahay dunida inmteeda kale."

Prof Axmed Xaashi oo faahfaahin ka bixinaya qorshaha Jaamicadda, ayaa soo qaatay qodobadan soo socda:

1. Jaamacaddu waxay xidhiidh la leedahay ama ku xidhantahay jaamacadda weyn ee loo yaqaan Washigton Sate University ee dalka maraykanka.

2. Waxay jaamacaddu u furantahay arday kasta oo waxbarasho doonaya oo ku nool geeska Afrika.

3. Qaabka waxbarashada EELO-AMEERICAN UNIVERSITY waa maqal iyo muuqaal loo adeegsanayo, taasoo ka amid ah wayaabaha cusub ee ay jaamicaddani kaga gedisantahay Jaamicadaha kale.

4. Macallimiinta jaamacaddu waa ajnebi iyo Soomaaliba.

5. Maamulka Jaamacaddu wuxu gacanta ugu jirayaa guddi (board) ama selection Committee.

6. Cidda soo geleysa waxa lagu soo xulayaa nidaam waxbarasho oo dugsi sare ah, iyadoo la baadhayo dugsiga sare ee ardaygu kasoo baxay si loo caddeeyo inuu kasoo baxay dugsigaasi u sheegeyo iyo inaanu kasoo bixin.

7. Jaamacadda waxa diiwaan gelinteeda gacanta ku haya profeesarro ajnebi ah oo aan qarabo iyo qabiil ku lahayn Soomaaliya ama soomaaliland.

8. Jaamacadda waxay leedahay website u gaar ah ooah EU-AU.ORG.

9. Jaamacaddu waxay xidhiidh la samaysaa jaamacadaha ka jira dalalka caalmka qaarkood iyo ururada caalamiga ahba, sida Ururka Jaamacadaha jaamacadda Carabta, kuwa muslinka, dalalka saaxiibka ee Afrika iwm, iyadoo ardayda ugu sarreysa waxbarashada abaalmarin loo siin doono aqoon korodhsiyo debedda ah.

10. Laybreeriga weyn ee Jaamacaddu, waxuu u furraan doonaa dadweynaha waxbarashada jecel iyo ardayda, iyadoo lagu dhiqi doono sharciyo kala duwan.

11. Ardayda kusoo baxda aqoonta sare, waxay jaamacaddu ku xidhaa shirkadaha ama wershedeha ka jira dalal badan oo dunida ah iyo dalka Somalilandba si loo shaqo geliyo.

12. Arday kasta oo ka diiwaangashan jaamacaddu wuxu yeelan doonaa Email u gaar ah oo jaamacaddu leedahay si loola socodsiiyo wax kasta oo ka jira jaamacadda.

13. Ugu dambayntii jaamacadda EELO-AMERICAN UNIVERSITY, waxay arday kasta culuunta u baranayo u siinaysaa kombiyuuter u gaar ah.


Source of Harowo.com

Saturday, October 27, 2007

Shirkada Dahabshiil Ee G/Awdal Oo Deeq Lacag Ah Gudoonsiisay Dhismaha Dayrka Dugsiga Sare Ee Sheekh Ali Jawhar.


Boorama-(Lug)-Gudoomiyaha Shirkada Dahabshiil ee G/Awdal Ismaaciil Cabdi Riiraash ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Maamulaha Dugsiga Sare ee Sheekh Ali Jawhar Xaamud Ibraahim Barkhadle.

Ujeedada Kulankan ayaa waxay ahayd sidii ay shirkada Dahabshiil u muujin lahayd taageeraha ay u hayso dhismaha Dayrka dugsiga sare ee Sheekh Ali Jawhar Gudoomiyaha Shirkada Dahabsiil Riiraash ayaa waxa uu sheegay inay shirkadiisu aanay ahayn uun mid bulshada ka faa’iida oo qudha balse ay xaqiiq tahay inay shirkadu wax badan bulshada dib ugu celiso waxa uuna yidhi “ waa marag ma doon inay shirkada Dahabshiil tahay mid u heelan ka qayb qaadashada horumarka bulshada ee dhinacyada Caafimaadka Waxbarashada , Jidadka , Dhalinyarada , iyo Arimaha bulshada Guud ahaanba”.

Mar uu ka hadlayay howlaha shirkada ee ku aadan Dugsiga Sare Ee Sheekh Ali Jawhar waxaa uu yidhi “diyaar baan u nahay wax wax walba oo shirkada Qayb ahaan kaga soo hagaaga Horumar ayaanan u aragnaa dhismaha dayrkan”. .

Maamulaha Dugsiga Sare ee Sheekh Ali Jawhar Xaamud Ibraahim Barkhadle oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “ waan ka gudoonay deeqdan Dahabshiil waana mid aan shirkada iyo shaqsiyaadka kale ee horumarka jecel aan ka filaynay waxaana ay ilaahay agtiisa ka heli doonaan abaal wayn ifkana waxa ay ku mutaysteen mahadnaq iyo tusaale ku haboon in lagu daydo waxa uuna intaa sii daba dhigay waxaan shariikadaha kale ee hadhayna ka filaynaa inay qaybtooda ku darsadaan deeqda loo uruurinayo dhismaha dayrka Dugsiga Sare Ee Sheekh Ali Jawhar .

Waxaa uuna goobtaas maamulaha Dahabshiil ku gudoonsiiyay Maamulaha Dugsiga Sheekh Ali Jawhar deeq lacag ah oo ay ugu talo galeen inay qayb ka noqoto Bilowga dhismaha Dayrkaas oo la filayo inay maalinta bari ah howshiisa bilaabanto.





Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama.

Tacsi:Marxuum Maxamed Saleebaan.


Annaga oo kala ah:

1)Sakariye Xuseen
2)Saleebaan Muusa Cilmi
3)Xoosh Cumar Abtidoon
4)Rooble Aadan Warsame
5)Ubax Aadan Warsame
6)Ubax Axmed Suldaan
7)Cilmi Yuusuf Caddaawe iyo Dhamaanba Madaxda,Tafatiryaasha iyo Weriyayaasha bogga Lughaya News waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeryooday allaha u naxariistee


Marxuum Maxamed Saleebaan oo maalinti shalay ku geeryooday tuulada garbodadar waxana ilaahay uag baryaynaa inuu jannadii farduusa kawaraabiyo eheladiii iyo qaraabadii ukatagyna samir iyo iimaan kasiiyo aammiin.



Weriye :-Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lugahaya News- Sanca