Friday, December 28, 2007

Ururka Sohura Oo Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsan Hiv/Aids-Ka U Gabtay Gabdhaha Guryaha Ka Shaqeeya


Borama-(Lug)-Urur dhalin yaro oo lagu magacaabo SOHURA oo ka hawl gala magaalada Boorama ayaa waxa uu maalintii shalay iyo maanta ku kala qabtay xaafadaha Sh.cusmaan iyo Sh. Makaahiil e ka tirsan magaalada Boorama aqoon iswaydaarsi loogu talo galay in kor loogu qaado wacyi galinta ku saabsan cudurka halista ah ee HIV/AIDS oo loogu talo galay gabdhaha ka shaqeeya guryaha oo inta badan u badan dad aan aqoon lahayn halista cudurkaas, waxaana ka soo qayb galay sida ay no sheegeen hawl wadeena ururkaas gabdho tiradoodu gaadhayso 98 gabdhood.

Kulankaas waxaa ka hadlay Mukhtaar Cusmaan Cabdi oo ah agaasimaha ururka SOHURA oo ah kan fulinayey hawshan waxaanu ka warbixiyey ama ka hadlay sida ay wacyi galintani ugu baahan yihiin dadka da' yarta ah,sidii ay uga digtoonaan lahaayeen halista cudurkan waxaa kale oo uu ntaa kay daray in hawshan ay maalgalisay dalada ururda dhalinyarada Somaliland ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano SONYO, waxaa kale oo uu intaa ku daray in cudurka AIDS-ki yahay dhibaato bulsho oo uu ka durugsan yahay in oo noqdo cudur kaliya, waxaana loo baahan yahay ayuu yidhi in layska kaashado sidii looga hortagi lahaa.

Waxaa kale oo mukhtaar ka warbixiyey in ururkodu waa SOHURA e uu qabto hawlo kala gadisan oo ay ka mid tahay in ay waxbarshada dadban ka qayb qaataan oo ay hada waxa baraan 202 qof oo ay 120 ka mid ah yihiin gabdho inta kalena wiilal waxaana qaata badanaa waxbarashada noocan ah dadka aan fursad u helin in ay wax bartaan, waxa uu intaa ku daray in ay sidoo kale maxaabiista lagu xukumo sanad in ka badan ay iyagana jeelka wax ugu dhigaan, waxaa kale oo ururku u qaybiyey kuraasta curyaamiinta dad fara badan oo ku dhaqan magalada Boorama waqi hore oo sanadkan ah.

Waxaa kale oo halaasi ka hadlay C/qaadir Shaashka oo ka wakiil ah gudiga qaranka ee la dagaalanka HIV/AIDSka (SONAC) waxaanu ka warbixiyey heerakii kala duwanaa ee cudurkani soo maray iyo in ay waajib tahay qof walba sidii uu u heli lahaa aqoon ku filan oo ku saab san xanuunka waxaa kale oo uu sheegay waxyaabaha lagu kala qaado in waxa aan lagu kala qaadin.

Waxaa kale oo ka hadlay kulankaas Sh. Ibraahim Meecaad oo ka hadlay dhibaatan sida Islaamku u arko ama u daaweeyeyba waxaanu sheekhu yeegay in ay ka hor tagidu ka fiican tahay qoomamada danbe waxaa kale oo uu sheegay in Islaamku horayba inoogaga digay wax walba oo dhibaato dadka u keenaya .

Waxaa kale oo meesha ka hadlay Max'ed Axmed Maxuud(Barwaani) oo ah agaasimaha guud ee ururka SONYO waxaanu sheegay in cudurkan fiditaankiisa ay ka qayb taan Jahliga, meelah ay colaaduhu ka jiraan ee aan lahay daryeel hagaagsan, iyo dadka badanaa isaga talaabada xududa dalalka hadii ay dhawrsoonaan waayaan,waxaanu intaa ku daray in ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii dhibaatada cudurkaasi u yaraan lahayd.

Ugu danbayn waxaa halkaasi ka halday Dr.C/raxmaan Gurguurte oo ka hadlay dhibaatada cudur kani in ay markii hore ka timid raga raga u taga ama isticmaala waxa la yidhaado Liwaadka ayna mushkiladu markii danbe noqotay mid caalami ah oo u baahan in qaybaha dadka oo dhan iska kaashadaan si ay dhibaatadiisu u yaraato.



Wariye:-
HASSAN SHARIIF
Lughaya News- Borama

Thursday, December 27, 2007

Benazir Bhutto Ayaa La Dilay


Benazir Bhutto waxa ay hadal ka jeedineysay isu soo bax weyn Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto, ayaa la dilay iyadoo qudbad markaa u jeedisay tageeray-asheeda, waxaa kaloo qarax weyn oo halkaasi ka dhacay ku dhintay ugu yaraan 15 qof oo kale.

Benazir Bhutto ayaa waxa dilay qof isa soo miidaamiyay, sida uu telefishinka dalkaasi ka sheegay afhayeen militeriga u hadlay. Waxaa sidoo kale geerida Benazir Bhutto xaqiijiy-ay xisbigeeda (PPP).

Booliiska ayaa sheegay in Benazir Bhutto laga toogtay qoorta iyo xabadka ka hor inta uusan is qarxin ninkaasi dableyda ahaa.Madaxweyne Pervez Musharraf iyo dowladdiisa ayaa shacabka ugu baaqay inay degannaan muujiyaan, lagana guuleeysan karo kooxaha argagaxisada ah.

Ms Bhutto waxa ay horey u soo noqotay ra'iisul wasaare laba jeer, waxaana hadda ay u ololeyneysay inay mar kale jagada qabato Nawaz Sharif, oo isna ahaa ra'iisul wasaare hore, isla markaana ay siyaasadda isaga soo horjeedeen ayaa BBC u sheegay in geerida Bhutto ay tahay masiibo qaran.

Bamkan ayaa ahaa kii labaad ee lala beegsado Benazir Bhutto tan iyo markii ay dib uga soo laabatay masaafuris ay dibeda uga maqnayd wadanka.

Geerida Bhutto ayaa waxa ay abuurtay jahawareer iyo su'aalo ku saabsan in door-ashooyinka lagu ballansan yahay ee bisha Janaayo ay dhici doonaan iyo in kale.
Waxaa markii hore soo baxay warar sheegaya in Bhutto ay dhaawacantay oo isbitaal loola cararay.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ay dibed bax ka dhigayeen taageerayaasha xisbiga Benazir Bhutto ee (PPP).

Benazir Bhutto ayaa wax yar ka hor inta aanu qaraxaasi dhicin waxay khudbad ka jeedisay banaanbaxaasi ay isugu yimaadeen taageerayaasheeda magaalada Rawalpindi.

Benazir Bhutto waxay waday olole ay ugu jirtay madaxtinimada dalkaasi Pakistan, ka hor doorashooyinka bisha Janaayo.

Wednesday, December 26, 2007

Shir-Weynaha Nagaad Ee Haweenka Somaliland Oo Maanta Ka Furmay Hotelka Ambassador


Hargeysa-(Lug)-"dadaalkii badnaa ee aanu usoo galnay siyaasada ilaa iyo hada waxaanu ku guulaysanay in aanu Golaha Wakiilada ku yeelano 2Haweena"Sucaad Ibraahim Cabdi+"Haweenku waa lafdhabarta Bulshada"Wasiirka Beeraha Aadan Cilmi dhoolayare Hargeysa [Baadiye]Dallada Gaboodka Ururka Nagaad ee ay ku bahoobeen in k abadan 32 urur eeHaweenka Somaliland ayuu maanta shirweyne socon doona muddo 3maalmood ahi uga furmay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeyusa.waxaana shirkaasi ka soo qaybgalay in ka badan 100 dumara oo isaga kala yidmid dhamaanba Gobalada dalka oo dhan.shriaa waxaa ugu horeyn ka hadashay Gudoomiyaha Dallada isutaga Haweenka ee Nagaad.Marwo Sucaad Ibraahim.

Cabdi waxaanay Marwo Sucaad ugu horeyn halkaa uga mahad naqday dadkii ka soo qaybgalay shirkaasi ee meelaha fog- fog isagakala yimid waxaa kale oo ay si gaara ugu amaantay Wasiirka Beeraha Aadan Axmed Cilmi dhoolayare. waxaanay faah-faahin k abixisay ujeedada shirkani in looga danleeyahay inay dumarku ku falanqeeyaan amuuraha u gaark aah iyo sidii ay isugu raaci lahaayeen hadafkooda ka xaawaleey ahaan mark alag ahadlayo dhinacyada siyaasada,hormarka xaga qoonta ah iyo caafimaadka ee dumar weynaha reer Somaliland.waxaanay ku hadalkeeda ku bilowday Gudoomiyaha Dallada Nagaad Marwo Sucaad Ibraahim Cabdi.

“waxaan ugu horeyn halkan mahad uga soo jeedinayaa dhamaan dadkii ka klaa yimid Gobalada dalka ee durugsan iyo kuwa dhowba” Marwo Sucaad waxaa kale oo ay intaa sii raacisay “Wasiirku waxa uu k asoo dhexbaxay Wasiirkadii kale oo dhan waanu ku mahadsanyahay inuu noo furo shirkan nasiibkiisa ayaanu ku helay in uu saaka dhexda u fadhiisto intan oo dumar ah”waxaanau ka warantay arimiha ay Dallada Gabood Nagaad waxaanay sheegtay inay waayadan danbe ku howlanaayeen sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen k aqaybgalka siyaasada dalka.taasina ay tahay tan ay ku heleen labada xubnood ee uga soo baxay 82 mudane ee Golaha Wakiilada ee dhawaan la soo doortay taasina ay kad adnbaysay dadaalkii dheeraa ee ay u soo galeen inay talada dalka wax ku lahaadaan.iyada oo arinta ka hadlaysana waxay tidhi .

“dadaalkeenii aanu ugu jiray in aanu ka qaybqaadano talada dalka waxaana noog asoo baxay ilaa iyo hadda 2dumara Golaha Wakiilada” Gudoomiyaha Gaboodka Dallada Nagaad Marwo Sucaad waxay sheegtay tan iyo intii ay ku hpowlanaayeen siyaasada dalka sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen halganka dheer ee ay ugu jiraan hanashada qaybtii ay ku lahaayeen talada dalka inay ka muuqdaan. in ay caqabdao farabadan kala kulmeen.balse waxay sheegtay inay u dhaban adaygi doonaan ila aiyo inta ay ka xaqiijinayaan.himilada danaha Haween weynaha reer Somalialnd.iyda oo arintaa k awaramaysana waxay tidhi “caqabadihii nasoo maray way badnaayeen laakiin waxaan aaminsanahay inaanu ka guulaysan doono wakhtiyada soo socda”

shirkan waxaa saaka si rasimya u furay Wasiirka Wasaarada Beeraha Aadan Axmed Cilmi [dhoolayare]waxaanu furitaankii shirkaa khudbadaiisii kagawaramay qiimaha ay dumarku u leeyihiin bulshada aduunka waxaanu farta ku fiiqay in aanay Bulshadu hormarteen hadii aanay Haweenku jiri lahayn. bulshada caalamku maanay jirteen waxaanu sheegay inay haweenku yihiin lafdhabartii ay bulsho waliba ku hormartay marka ta la eego heerka uu caalamku marayo. waxaa kale oo uu sheegay inay yihiin dumarku kuwa u dhexeeya bulshada caadana ay Somalidu u layaaheen inay dumarka ku qiimeeyaan dhaqan ahaan inay dhex u yihiin bulshada waxaanay u arki jireen Somalidii hore inay duamarku ka dhigan yihiin sidii Sariiro oo kale isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi.

“Somalidu waxay odhanjireen dumarku waa safiiro u dhexeeya Bulshada”Wasiir dhoolayare waxa uu sheegay in ay bulshada caalamku soo martay wakhti aanay dadka aan magaca lahayni soo mareen in aanay ka qayb qaadan Karin codbixinta doorashooyinka. waxaanu tusaale u soo qatay inay Dowladaha dalalka reer Yurub inay diidi jireen inay dumarku awood ku yeeshaaan talada dalalkooda. waxaa kale oo uu sheegay inay Gabadhii ugu horeysay ee caalamka ka noqota Ra’iisal Wasaare ay ka dhalatay dalka Siiralaanka.waxaanu sheegay inay sideedaba dalalka eeshiyaanka ahi dumarkood aad uga cadcad yihiin ragooda mark ala eego xaga siyaasada Dowladahaasi.waxaanu intaa ku daray inay syaasada Somaliland damarku meel fiican kaga jiraan hadana ay muuqato inay guulo farabdan oo kale ka soo hooyin doonaan doorashooyinka Dowladaha Hoose ee dhawaan la filayo inay dalka ka dhicidoonaa. Wasiir dhoolayare waxa kale oo uu sheegay inay dimo qoraadiyadii soo gaadhay wadamada Carabta iyada oo ay xiligan dumarka u dhashay dalalkaasi qarkood jagooyin sare k ahayaan talada dalalkooda sida dalka Kuwit oo ahaa dalkii ugu horeeyey ee ay Gabadhi xubin ka noqoto Golaha Baarla maanka dalkaasi.

waxaa uu markale dib u jaleecay Wasiirku qiimah ay Dumarku leeyihiin waxaanu sheegay inay raga kiisa fiican iyo kiisa xumuba iyaga uun ka soo farcamaan oo nin aanay hooyo dhalini aanu Madaxweyne iyo Wasiir toona noqonkarin.balse waxa uu sheegay in kasta oo ay wakhtiyadan danbe yidhaadaan waxaa nalaga duudsiyeye xuquudayadii dumarnimo inay hadana iyagu dhexdooda ka dumar ahaan cadaadsi weyn isku hayaan waxaanu tusaale u soo qaatay inay cadaalad darada dumarku markan horaba ka bilaabato markay Hooyadu caruurteeda intay kala saarto wiilashana wax barashada u dirto Gbadhahan tidhaado jooga guriga oo weelasha iyo Gauriga ka shaqeya. Wasiirku waxa uu duamrka Dallada Nagaad u rajeeyey inay wax wanaagsan ku gaadhaan shirweynahoodan.uga soconaya Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.waxaanu hadalkiisa kaga baxay hadal kaftan ah.waxaanu yidhi .

“Hooyadu waatan uu wiilkeedu hadii uu doqonyahay iyo hadii uu fariid yahayba marwalba iyada la fiican yahay”waxaan idiin rajaynaayaa inaa guul ku gaadhaan shirkiinan ayuu kaga baxay.waxaa intaa ka dib isna halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Anwar Maxamed Cige waxanu sheegay inay Hooyadu tahay lafdhabarta ay ka dhaqaaqdo nolosha iyo hormark aBulshadu.waxaanu sheegay inay ka wasarad ahaan sifiican ula shaqayn doonaan Dallada ay ku bahoobeen ururada Haweenka dalka Somaliland ee Nagaad iyo guud aanba dumarka oo dhan waxaanu sheegay inay ka wasaarad ahaan dumarku shaqada door weyn ku luleeyihiin.iyaga oo ay shaqada ka socota xafiisyada Wasaaradaasi y inteeda badan qabtaan dumarku maadaama ay qaybta ugu firin fircoon shaqaalaha wasaaradaasi iyaga yihiin. Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka iyo shaqadu Anwar Maxamed Cige waxaa kale oo uu sheegay hadna sidaa ay tahay inay hadana dumarku ku dulmanyihiin shaqada dalka waxaanu tusaale u soo qaatay mar ay dhwaan shir isugui yimaadeen qaar ka mida Agaasima waaxedyada Wasaaradaha dalku inay meeshaa ka soo baxday inay dhowr iyo sideedanka Agaasime waaxeed ee dalka oo dhan dumarku ku leeyihiin 3kaliya.balse dhanka akle waxa uu tarta ku fiiqay ina hadana dumarku yihiin kuwa ugu shaqada badan ee ay mar kastaba furan yihiin xafiisyada ay joogaani halk ay ragga xafiisyadoodu xidhan yihiin mark alagaadho 11 subaxnimo.isaga oo arintaa ka waramayana waxa uu yidhi.

“xafiisyada ay dumarkuka shaqeeyaani way furan yihiin maalinta oo dhan inta shaqada lagu jira waanad ka helaysaa qofka dumara shaqadeeda laakiin xafiisyada ay ragu joogaani way xidhan yihiin hadii lagaadhaba 11subaxnimo ee galinka hore waayo way ka masuulsan yihiin ragga” waxaanu Agaasimuhu ku dhiiri galiyey dumarka shirweynaha Dallada Haweenaka Somaliland inay aad uga baaraan dagaan arimahooda maadaama ay maanta shirkan fursan isugu heleen inay ku kulmaan waxaanu yidhi “waxaan filayaa inay ujeedadiidnu tahay inaad kala faa iidaysataan maalaha soo socda madaama aad jaanis idiin yahay shirkani inaad arimihiin aad u falan qaysaan inta aad shirkan fadhidaan”Agaasimuhu waxaa kale oo uu dumarka shirweynaha Somaliland ku booriyey inay wax lagu diirsan karo ka soo saaraan gaba gabada shirkooda kaas oo ay ku cadeeyaan xidhtaanka shirkaasi Baaq ay u dhanyihiin. intaa ka dib waxay dumar weynihii shirkaasi gudo galeen inay ka doodaan waxyaabaha ay k arajaynayaan shirka inay ka soo baxaan iyo aaraadooda kala duwan.waxaanay qaarbadan oo dumarkii ka qaybgalay shirkaasi halkaa ka dhiibteen fikradahooda ku wajahan shirkaa iyo waxay ka filayaan inay kaga doodaan.waxaan aaaraadii ay halkaa ka dhiibteen dumarkii ka qaybgalayshir-weynaha Dumarka Somalilan ka mid ahaa erayadan.

“anigu shirkan waxaan ka rajaynayaa inay waxfiicani ka soo baxaan waxaanan soo jeedinlahaa inaynaan inagu dumar ahaan dhexdeena is xaqirin”+waxaan ashirkan ka rajaynayaa inay dumarku mowqif adag iska taagaan arimahooda”hadaba mid ka mida fikradihii ay saak ahalkaa ka dhiibanayeen Gabdhihii ka soo qaygalay shir-weynaha dumarka Somaliland waxaa ka mid ahaa earayadan oo ay soo jeedisay Haweenay islaan wayn ahayd ayna k amuuqatay inay ka mid ahayd duamrk aadka u aragtidadheer waxaanay soo jeedisay iany hada ka dib ka dumar ahana taageeraan hadii ay yihiin Bahda dumarka Gabdhaha u sharaxan inay ka qayb galaan Kuraasta musharixiinta Dowladaha Hoose iyo kuwa Baarlamaankaba.marka la gaadho xiligeeda. waxaanay Haweenaydaasi arintaa si gaara ugu soo jeedisay inay k aqaybqaataan Haweenka Ganacsatada ah ee lacagaha haysta.waxaanay tidhi.

“anigu waxaan soo jeedin lahaa inaan taageero siino hablaha u sharaxan inay ka qaybgalaan doorashooyinka Dowladaha Hoose iyo kuwa Baarlamaanka ee soo socda gaar ahaan Gabdhaha Ganacatada ahi waa inay lacagtooda ku bixiyaan isdii ay u soo bixilahaayeen Haweenka u sharaxan kuaraasta siyaasadda”waxaanay markaliya sacabka garaaceen markii ay haweenaydaasi hadalkaa ku dhawaqday.basle lama hubo inay taasi ka suuro galayso bahda dumarka oo aan loog abarayn inay is caawiyaan marka ay xaaladu soo gaadho saaxadda tartanka Golaha Sioyaasadda. waxanay can ku yihiin Bahda Xaawaleeda Haweenku marka laga tago hadaladooda ku salaysan qiirada aan meel dheer sii gaadhsiisnayn iyo erayada lab lakaca ah ee ay caanka ku yihin ee ay caalamka maqashiinayaan in aanay waxba isu odolayn iyagu dhexdooda ka dumar ahaan.waxaana Tusaale fiican oo arintaa ka makhraati kacaya loo soo qaadan karaa in aanay Dumarka Reer Somaliland kaga dhabayn baaqyadoodii ahaa in ay sanadihii tagay soo saaraan qar badan oo ka mida Gabdhihii ay u soo sharaxeen inay u matalaan Bahda Xaawaleeda ka qayb galka kuraasta Golihii la soo doortay ee Baar-lamaanka Somaliland.

waxaanay horaantii qaban qaabada doorashooyinkii Wakiillada isugu habar wacanjireen inay meel ay joogaanba inay dhexda u xidhaan sidii ay banaanka ku soo dhigi lahaayeen 7xubnood ee ay saamih aaanta uga heel qaybtoodii Golihii Wakiilada kaga soo hagaatay.waxaanay arimuhu markii la soo gaadhay guntii iyo gabagabadii isugu biyo shubatay sidii Dumarka horay looga bartay oo ahayd inay gabadho gar iyo gardaraba codkeeda ku badhitaarto Saygeeda iyo qaraabadiisa ama reerka ay ka soo jeedo marba kii ka sharaxan.waana taa ainta dhabta ah ee dhaxalsiisay inay Gabadh waliba codkeeda ku biirisay Ninkeeda+walaalkee+Sodogeed iyo Dumaashigeed marba kan sharaxan sidi aan xag ahoraba ku soo sheegnay.sidaana ay meel cidlo ah ugu dhacaan Hablihii kale ee markii hore u tafa xaytay inay wax ku helidoonaan magaca Bahweynta dumarka Somaliland iyaga oo isku haleynayey inay garab iyo gaashaanba ka helidoonaa bahda dumarka ee ay magacooda isku soo sharaxeen.

taasina waxay sii dhiiri galisay kii ragga ahaa ee awalba odhanjiray duamrku waxba isuma ogola ee maxaa laga taageerayaa.bal hadana si kastaba ha ahaatee waxaan dhowri doonaa waxa ka soo bixidoona si abaabulkan xoogan ee ay amrkale ku talaabsadeen dumarku inay ku helaan kuraas dheeraada doorashooyinka Soosocda ee Dowladaha Hoose iyo tan Baarlamaanka.waxaanay dad badan oo indha indheeya siyaasada duma aamin sanyihiin inay qaybta ay xaqa u leeyihiin oo ay ku guulaystaaniu inay ku xidhantahay hadba siday iyagu u baraarugaan iyo siday isutaageeraan dhexdooda.waxaanan u soo soo jeedin lahaa inay ka faa-idaystaan waayo aragnimadii ay ka soo dhaxleen doorashooyinkii hore ee la soo dhaafay kuna kuntadaan inay agr iyo gardaraba soo saaraan qaybta kaga soo hagaagta kuraasta mudanaytaasha Dowladaha Hoose ee soo socota ka dumar ahan



Xigasho:Baadiye

Waraysi Aannu La Yeelannay Muftiga Djibouti Ahna Horkacaha Joogtada ah Ee Xujayda Dalkaasi Sh.Jimcaale Ibraahim Xuseen .


Sh.Jimcaale: Djibouti Sannadkan 1260 Xaaji Baa Ka Yimid Dhammaantoodna Way Nabad Qabaan

Makka-(Lug)Duruuf agoonnimo iyo xaalad adag ayaa ku habsatay isaga oo labo jir ah, haseyeeshee kama uu niyad jabin geeddi socodka nolosha , balse waxa uu muujiyay dadaal iyo dhabar adayg, xalaqaatka masaajidda ayuu wax ka bartay kadib markii ay u suurto geli wayday inuu dugsi habaysan gelo duruufihii qadhaadhaa ee soo maray awgood, dabadeedna waxa uu lug ku tegay Muqdisho isaga oo ka anbabaxay Djibouti islamarkaana aan wadan sahay dhulkana aan aqoon u lahayn , si uu caddayn iyo shahaado ugu helo cilmigii uu ka helay masaajidda.dhinac kale, ilaahay ayaa ku mannaystay fasaaxad iyo cod aad u macaan, marka aad wacdigiisa dhagaysatid waxaad mooddaa wariye tababar oo aan marnaba ku hakanayn akhriska , waana qof tusaale ku ah dhaqan wanaaga sida ay dadbadani sheegaan , muddo 14 sannadood ahna waxa uu ka shaqaynayay hoggaaminta xujayda reer Djibouti, taariikhdiisa markaad dhuuxdid waxaad xusuusan kartaa saxaabadii iyo culimadii salafka maxaayeelay waxa ay xanbaarsantahay mucjisooyin badan, sannadkan badhtamihiisiina madaxwaynaha Djibouti Mud.Ismaaciil Cumar Geelle ayaa guddoonsiiyay billad – qarameedda dalkaasi u sarraysa … haddaba waa kuma ninkaasi?
waa muftiga Jamhuuriyadda Djibouti ahna horkacaha joogtada ah ee xujayda dalkaasi Sheekh Jimcaale Ibraahim Xuseen oo aannu waraysigan hoos ku qoran la yeelannay isaga oo ku sugan magaalada barakaysan ee Maka al-Mukarrama :
Lughaya: ugu horrayn sheekh Jimcaale wax ma nooga taaban kartaa taariikh nololeedkaaga gaarahan taariikhdaadii dhinaca waxbarashada ?
Duruuf adag iyo dadaal waxbarasho

Sh.Jimcaale: ugu horrayn aniga oo labo jir ah ayay hooyaday dhimatay aabahayna xaas kale ayuu yeeshay, waxaana wakhtigaasi igu habsatay xaalad agoonnimo ah iyo nolol raf ah, taasoo iga hor istaagtay inaan waxbarasho nidaami ah gelo, waxbarashada diiniga ahina wakhtigaasi Djibouti way ku yarayd amaba may jirin dugsiyo dhexe ama sare oo diinta iyo carabiga bixiya, markaa waxaan wax ka baran jiray xalaqaatka masaajidda oo culimada waawayn ee reer Somaliya, Djibouti iyo kuwa reer Ithiopia ayaan la kulmi jiray, cilmigana waan u wareegi jiray, ugu danbaytiina maadaama ay dunidu shahaadooyin iyo wathaa`iq (documents) ku kala socoto waxaan go`aansaday inaan helo shahaado caddaynaysa aqoontayda, waxayna igu kalliftay inaan lug kaga baxay Djibouti aniga oo u sii jeeda Muqdisho sannadkii 1987kii oo aan tegay dugsigii Sh.Cali Suufi ee Xamar waxaanan ka codsaday inay aqoontayda qiimeeyaan oo ay imtixaanka dugsiga sare iga qaadaan, haseyeeshee dugsigaasi waxa uu ii sheegay inuuna lahayn nidaamkaasi qiimaynta ah balse ardaynimo uun marka hore loo gelo, kadib dugsi la odhan jiray Sakhaa`u- Diin oo isla Muqdisho ku yaal baa ii ogolaaday inaan imtixaanka dugsiga sare ka qayb gelo sidiibaanan shahaadada dugisiga sare ee culuunta carabiga iyo diinta ku helay, iyada oo aan lug ku tegay Muqdisho kagana soo noqday aniga oo ah wiil da`yar oo dhul aanu geranayn marayay islamarkaana aan sahay hagaagsan wadan, walow ay jirtay in ciddii gawaadhi wadata ee ilaah iiga nixiyo ay mararka qaar I sii qaadaysay, dabadeedna waxaan wax ka bartay jaamacad ku taal magaalada Ticis ee dalka Yemen oo aan ka qaatay shahaado jaamacadeedda qaanuunka ( the B.A of Law) , muddo 10 sannadood ahna Qaadi baan ahay, dadaalkii iyo ka shaqayntii diintana waan wadaa oo warfaafinta Djibouti baan ka jeediyaa arrimaha diinta oo aan dadka kala hadlaa, sidoo kale muddo 14 sannadood ah baan ka shaqaynayay arrimahan xajka.
Lughaya: Sh.Jimcaalow waxaa la sheegaa inaad tahay sheekh ay dadwaynaha reer Djibouti gudo iyo dibadba aad u qadariyaan oo la jecelyahay.. arrintaas maxaad u aanayn kartaa?

NIYAD WANAAG

Sh.Jimcaale : inkasta oo ay wanaagsanayd su`aashan in dadwayanaha reer Djbouti la waydiiyo, haddana waxaan u aanayn karaa fadliga ilaahay (subxaanahuu wa tacaalaa), qofba qasadkiisa iyo niyaddiisa ayuu ilaahay ku arsaaqaa, markaa ikhlaas iyo dar-ilaahay in camal kasta loo qabto ayaa daruuri ah, akhlaaqiyaadka iyo anshaxa dacwadda qofku marka uu dhuuxo waxa uu garan karaa habka dadka loo kasbado oo ay anbiyada iyo sharciguba ammaaneen, markaa haddii ay arrintaasi jirto fadliga ilaahay iyo hababkii ay anbiyada iyo dadka wanaagsani diinta u baahin jireen oo aan ka faa`iidaystay ayaan u aanayn karaa.

Lughaya:. Aynu ka gudubnee, sannadkan imisa qof ayaa ka soo xajiyay Djibouti?
1260 xaaji

Sh.Jimcaale: waxa ka soo xajiyay 1260 ruux, dhammaantoodna si nabad gelyo ah bay ku dhamaysteen howlihii xajka, marka laga reebo saddex xaaji oo dhaawacyo soo gaadheen. Sida Darasa Axmad Muxamad oo shil baabuur ku dhaawacmay kana jabay labo feedhood oo bidixda ah ka hor intayna hawlaha xajku billabmin,annaguna waan dhexdhexaadinnay oo afgarashadii iyo isku soo dhawayntii isaga iyo dirawalkii jiidhay oo ahaa Syrian deggen dalkan Sucuudiga baannu ka shaqaynnay, waxayna kala qaateen 3000 Riyaal, waxa kale oo dhaawacmay xaaji kale oo la yidhaa Lailo oo isna gaadhi jiidhay kana jabay misigta iyo dhudhunka gacanta, deetana dhakhtarka boqor Cabdi Casiis baa jeexitaan ku sameeyay, markaa dacwaddiisu way socotaa xaaladdiisuna way wanaagsantahay waxaana jiidhay nin Sucuudi ah.
Guddiga qabanqaabada xajka Dj

Lughaya: dhinac kale, waxaad nooga warrantaa guddiga qabanqaabada xajka ee Djibouti(bicthat al Xaj). Maxay xujayda u qabtaan? Imasa qof ayay ka koobanyihiin? Side loo soo xulaa?
Sh.Jimcaale: waxaa soo xusha wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee Djibouti ee uu u xilsaaranyahay wasiir Mooge DiriR Samatar, halkanna waxaa uga wakiil ah Djibouti qunsalka u fadhiya Jidda Maxamad Aadam Wacays oo howsha kala wada, iyada oo ay jiraan kalkaaliyeyaal la shaqeeya, waxayna ka koobanyihiin wafdigaasi 25 ruux oo siyaabo badan ugu adeega xujayda, sida hoggaaminta iyo hagidda, ka jawaabidda wixii su`aalo diiniya ah, waxaana loo shardiyaa xubnaha guddigaasi inay aqoon diineed leeyihiin iyo khibarad ku aaddan Maka iyo Madina, iyo meelaha ay howlaha xajku ka dhacaan, iyo waliba howl karnimo, waxayna leeyihiin qaybo kala duwan, sida guddiga caafimaadka, fatwooyinka iyo hoggaaminta xujayda. Haddaba waxaan jeclaysan lahaa in ay culimo badan oo waawayni ka mid noqoto guddigan qabanqaabada xajka islamarkaana aan la badbaddelin ee intii hore ee hanatay khibradda loo daayo, wasaaradduna kollay arrintaasi way ku fikiraysaa .

DHALIIL

Lughaya: waxaa jirta inay dadbadani saluugaan adeegga guddiga qabanqaabada xajka ee Djibouti … arrintaasi maxaad kaga jawaabaysaa?
Sh.Jimcaale: horta ilaahay unbay arrintiisu dhamaystirantahay, markaa way jiri karaan dhaliilo iyo cabashooyin maadaama ay bicthadu ka koobantahay xubno bashar ah, 25 qof inay ka adkaadaan 1000 qof baan jeclahay, uu qof kasta oo guddigaasi ka mid ahiba howshii loo igmaday si ammaano iyo alla ka cabsi ku jiraan uga soo baxo, walaalahayga ila shaqaynaya ee bicthadana waxaan ka codsan lahaa inay mujtamacooda dar ilaahay ugu shaqeeyaan oo ay si dhamaystiran u qabtaan howlaha loo diray.
Lughaya: wax wada shaqayn ah oo idinka dhexeeya idinka iyo wafdiyada kale ee hoggaamiya xujayda Somaliyeed ma jiraan?
Sh.Jimcaale: runahaan ma jirto wada shaqayn rasmi ah oo isku dubbo ridan oo naga dhaxaysa annaga iyo wafdiyada hogaamiya xujayda Somaliyeed , balse ciddii Soomaali ah ee aan aragno iyada oo lunsan waannu geynnaa meelaha ay degganyihiin, haddii ay masalooyin diineed na waydiiyaan waannu uga jawaabnaa, markaa dhinacyo badan oo aannu iska caawinnaa way jiraan, laakiinse wada shaqayn rasmi ahi majirto oo labo wafdi oo labo dawladood ka kala socda dhex marta, aniguna xil wayn baan iska saaraa mujtamaca Soomaliyeed meeshuu doonaba ha ka yimaaddee.
Billad qarameedda Djibouti
Lughaya: sheekh Jimcaale Ibraahimoow, sida laga warqabo saddex sannadood ka hor hay`adda dawladaha carbeed u qaabilsan arrimaha xajka ayaa ku guddoonsiisay shahaado sharaf aad ku mutaysatay sida la sheegay nidaaminta xujayda iyo khibraddaada ballaadhan ee ku aaddan howlahaasi.. xukuumadda Djibouti iyadu wali wax abaal marin ah ma kugu siisay dadaalladaadaasi?
Sh.Jimcaale: alxamdulilaah, xukuumadda Djibouti hiille iyo hooba way nala gabar joogtaa oo lama soo koobi karo gargaarka ay u fidisay dacwadda, aniga gaarahaan 27kii bishii luulyo ee sannadkan hadda sii dhammaanaya waxaa uu madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle I Guddoonsiiyay billad-qarameedda u sarraysa dalka Djibouti oo la igu siiyay dadaalkayga dhinaca diinta ee gudaha dalka iyo dibaddiisaba, aad baanan ugu mahadcelinyaa madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle , shahaado sharafta dawladaha carabta ah aan ka helayna waa sidaad u sheegtay oo way jirtay, iyagana aad baan ugu mahadcelinayaa.
talo
Lughaya: ugu danbayn, fadiilata sheekh, maxaad wax talo ah u soo jeedin lahayd ummadda Soomaaliyeed gaarahaan akhristeyaasha lughaya news?
Sh.Jimcaale: waxaan u soo jeedin lahaa inay diintooda ku adkaadaan, oo ay camalkooda iyo noloshoodaba ku dabbaqaan, kadib waxaan ku dardaari lahaa inay xajkan aynu maanta ka hadlayno yimaaddaan, oo ay ku hammiyaan inay maalin uun yimaaddaan carrigan barakaysan oo ay halkan isaga maydhaan wixii danbi ah.



Waraysigan waxaa qaaday Zakariya Hussein oo ku sugan Makka-al-Mukarama
Email:
murtishiil@hotmail.com

Monday, December 24, 2007

Xujayda Oo Ku Howllan Dawaafkii Sagootiga Iyo Duullimaadyadii U Horreeyay Oo Barri Laabmaya .

Maka-(Lug)-kadib markii ay howlihii xajku dhamaadeen ayaa waxay xujaydu billaabeen inay sagootiyaan xaramka iyo mashaacirta sharafta leh, waxaana haatan isa soo dhimaysa saxmaddii iyo is cidhiidhigii ka jiray magaalada Maka al-Mukarrama iyo dulahaanba nawaaxigeeda, iyada oo aad looga dareemay arrintaasi kacbada barakaysan oo maanta si sahlan loogu dawaafayay, sidoo kale waxaa caadigiisii ku soo noqonaya sicirka maciishadda iyo gaadiidka MaKa.

Sh.Cabdillaahi Sh.Cali Jowhar Boqoorre oo sannakan la socday xujayda reer Djibouti ayaa lughaya news uga warramay aragtidiisa ku aaddan xajka sannadkan:( xajka sannadkan mid ka dhib badani ima soo marin, lumidduna caadi bay ahayd, oo dadku waa kala lumayeen, maxaayeelay deegaanka Mina waxaa muuqatay in aanay traafika badani ka howlgelayn).

Sh.Cabdillaahi waxa kale oo uu sheegay in sannadkan awoodda la saaray kaliya jamaraadka oo si aan caadi ahayn looga shaqeeyay, haseyeeshee aad looga gaabiyay sida uu tibaaxay qaybaha kale ee Mina, waxa kale oo ay mushkiladdu ka taagnayd buu yidhi dirawallada oo aan dadka toos u gaadhsiinayn xeryaha ay deggenyihiin balse meelo dhexe ku dejinayay amaba la lumayay (taasoo macnaheedu yahay waxaa daruuuri ah inay dirawalladu noqdaan kuwo u dhashay dalkan Sucuudiga gaarahaan Makka oo jidadka yaqaan amaba u tababaran hoggaaminta xujayda).

sheekhu ugu danbayn waxa uu u mahad celiyay boqortooyada Sucuudiga waxaanu aad u ammaanay dadaalka wayn ee ay ka geystaan adeegga labada xaram iyo dulahaanba dunida islaamka.

xujayda oo gabihaanba shalay soo cidleeyay Mina ayaa maalmahan ku howllan iibsiga hadiyadihii ay dadkoodii u geyn lahaayeen waxayna si wayn u dhex mushaaxayaan suuqyada magaalada Maka iyo Jidda, halka ay qaarbadan oo kalena samaynayaan dawaafka sagootiga (dawaaf al-widaac) ee lagu soo gabagabeeyo booqashada xaramka, duulimaadyadii ugu horreeyayna waxaa la filayaa inay habeen danbe u laabtaan dalalkoodi sida uu ii sheegay xaaji Jaamac Aadan Shirdoon oo ka soo xajiyay magaalada Borama oo lughaya u sheegay inuu 24ka bishan ee barrito laami doono.

sicirka maciishadda oo sida caadiga ah wakhtigan xajka cirka isku shareera ayaa soo caadi garoobaya haatan, waxaanad mooddaa in wax badan laga dhimay qiimaha lagu raaco gawaadhida ka dhex shaqaysa Maka iyo kuwa u kala goosha Maka iyo Jidda oo maalmahii inna dhaafay kor u kac badan sameeyay, dulahaanna xajka sannadkani waxa uu ku dhamaaday nabadgelyo lamana sheegin dhimasho iyo dhaawac toona muddadii ay howlaha xajku socdeen.


Zakaria Hussein
Lugahay news -Maka al-Mukarrama
murtishiil@hotmail.com

Sunday, December 23, 2007

Tabo Bar Looga Furay Magaalada Borama Gasaarlayaasha Hilibka Qala.


Boorama-(Lug)-Tabobar soconaya mudo hal maalin ah oo ay ka qayb qaadanayaan 50 xubnood oo ka kala socday Gasaarlayaasha, Hilibka kuwa ka ganacsada,kuwa kawaanada ka howl gala iyo shaqaalaha dowlada Hoose oo tabobar looga furay Xarunta Mana Guest House ee magaalada Borama Maanta.

Tabobarkan oo ujeedadiisu tahay sidii loo ilaaalin lahaa Nadaafada goobaha lagu iibiyo Hilibka (Sayladaha) meesha lagu qalo iyo kuwa soo qaada laftooda ayaa lagu baraarujinayaa inay ka qayb qaataan sidii loo heli lahaa hilib nadiif ah.

Waxaana furitaankii tabobarkaasi ka hadlay Maayarka Magaalada Borama C/raxmaan Shide Bile waxuuna sheegay in la doonayo si hilib nadiif ah loo dhoofiyo dadkana looga iibiyo,waxaana lagama maarmaan ah in si wada jir ah looga howl galo oo aan lagu halayn dowlada Hoose Biyihii iyo Shaqaalihiiba idiin diyaarisay Sidaa awgeed waxaa la idinka doonayaa inaad Kaalintiina ka qaadataan.

Maayarka mar uu ka hadlayay Tabobarada ay Hayaduhu bixiyaan waxaa uu sheegay inaanay wakhti haboon oo ku filan barashada waxaasi aanay dadka u qorshaynin waxuuna intaasi sii raaciyay inaanay hal maalin oo tabobar dad la siiyo aan waxba lagaga faa’iidayn laakiinse hayadaha looga baahan yahay inay dadka wakhti badan Tabobarada ugu talo galaan.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Khadar Maxamed Cabdi Gaafane oo ku hadlayay Magaca Iskaashatada Hilibka ee Nafaqo waxuuna ugu mahadceliyay hayadii Tabobarkan siisay siday iskaga xil saareen dadka ka shaqaysta hilibka iyo kuwa ka howl galoba laakiinse waxuu codsi ahaan u soo jeediyay in la kordhiyo tabobarada noocani oo kale ah fursado badan si ay ugu helaan dadku in nadaafada ka shaqayn teeda baraarujin ugu noqoto, inksata oo uu hadan soo jeediyay in laga caawiyo qalabka caafimaadka ee lagaga howl galo hilibka .

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay C/laahi Rabiile Good oo ku hadlayay Magaca Hayadana Tabobarkan bixisay oo la yidhaahdo FAO waxuuna sheegay in tabobarada noocan oo kale ah ay hore ugu soo qabteen degmooyinka Hargeysa,Berbera,Burco, Gabiley maanta Borama ay ka wadaan waana mid loo baahan yahay in Nadaafadiisa laga shaqeeyo hilibka dibada loo iibgeeyo ama loo dhoofiyo kan Sariimadaha Magaalooyinka dalkeena lagu iibiyo sidii loo daryeeli lahaa caafimaadkooda.

Waana tabobarkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ka furma G/Awdal .


Wariye:-
Abokor Hassan Affi
Lughaya News-Borama

80,000-Dollar $ Oo Lagu Xiray Sii Deynta Wariyaha Lagu Afduubtay P/Land


Wakaalada wararka ee (Reuters)ayaa soo bandhigtay sawirkii oogu horeeyay ee laga soo qaado weriyihii u dhashay dalka Faransiiska (Gwein Le Goul)oo macawis iyo kaba-dacas ah loo xiray,kuna sugan meel hoose oo loo maleynayo inay shabahaan buuraleyda Mareero oo 30-km u jirta Magaalada Boosaaso.

Burcadan oo gafuurka iyo afka soo duubatay qori shabaha muuqaalka AK-47 ku hubeysan ayaa ogolaaday in sawir qarsoodi ah laga soo qaado weriye Gwein.

Weriyahan ayaa markii uu ka soo degay Garoonka Bender-Qaasim ee magaalada Boosaaso ayaa nasiib-daro aaminay nimanka hada afduubtay oo watay gaari (Mark-Two-ah) isagana dhigay inay yihiin (Taxsiilayaal) kadibna isagoo aan u sheegin Waaxda socdaalka iyo ciidamada amniga ee garoonka ayuu raacay nimankan,waana mida keentay inuu u gacan-galo burcadan maafiyada ah.

Suxifigan ayaa qorsheynayey inuu wax ka qoro ama filin ka duubo xaaladaha tahriibayaasha doonaya inay si dhuumasho leh ooga baxaan xeebaha gobolada Puntland.

Dhinaca kale wafdi ka socda Dawlada Faransiinka ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso,waxayna kulamo qarsoodi ah la qaateen mas,uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland,lamana yaqaan ilaa iyo hada wax fah-faahin ah oo ku saabsan wixii ka soo baxay kulankoodii qarsoodiga ahaa.


Xigasho Calanka.com

Xaflad Lagu Xusayay Iidul Odxa Isla Markaana Shahaadooyinka Lagu Gudoonsiiyay Ardayda Ka Qalinjabisay Jaamacada Yemen Oo Lagu Qabtay Sanca.

Sanca-(Lug)-Xaflad wayn oo lagu maamuusayay ciid- al-adxa sidoo kale shahaadooyin lugu gudoonsiinayay ardaydii ka qalinjibisay Jaamcadaha Dalka Yaman ayaa lagu qabtay hoolka wayn ee shirarka ee ispitalka jaamcada Sayniska iyo Tiknolojiyada ee magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Xaflada oo ay soo qabanqaabiyeen midawga Guud ee Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Yemen, waxaa ka soo qayb gale masuuliyiin badan oo ka mid ahaayeen , Danjiraha Soomaaliyeed ee dalka Yemen Md C/Salaan Macalim Aadan iyo lataliyaha dhinaca dhaqanka safaarada Soomaaliyeed Md Ridwaan Maxamed Xirsi, wakiilka xawaalada qaran Md Maxmed Awcali Cumar, Eng. Mukhtaar Haaruun oo ka socday xaawalada Dahabshiil, Shaqaalaha Tv.Ga Universal, Wariyaha Lughaya News, iyo arday farabadan oo Soomaaliyeed oo gobolada iskaga kala yimiday, iyo dadkale oo ka mid ah jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo Djibouti ee dalka Yemen.

Xaflada oo uu daadihinayay Axmed Nuur iyo hortaba lagu bilaabay Aayaadaha qur'aanka kariim ah waxaana akhriyay Ismail C/Raxman Ismaciil , kadibna waxaa kalmad adaabta iyo fiqhiga ciida Al-Odxa ka hadlaysay soo jeediyay Sheekh Maxmed Aadam Ileeye , dabadeedna waxaa hadashay Bahja Mukhtaar Macalim Aadam oo ku hadlaysay magaca haweenka ayaa soo jeedisay kalmado iskugu jiray tahniyada ciida iyo duco ay ducaysay inuu ilaahay ka saaro dhibta wadanku ku jiro.

Waxaa kaloo lagu soo dhaweeyay makarafoonka Qaasim Xaaji Xuseen oo ku hadlayay magaca ardayda qalinjabisay oo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay guusha ay soo gaareen maanta kadib daal iyo rafaad dheer oo tacliinta ay kala soo kulmeen, isagoo carabaabay inuu farxad darteed la gariirayo sidoo kale waxan isna goobta ka hadlay Eng. Mukhtar Haruun oo ku hadlaya magaca xawaaladaha matalayayna xawaalada Dahabshiil tahniyada ciida kadibna uhambalyeeyay ardayda qalinjabisay sidoo kale uga mahadcilyay midawga arday Soomaaliyeed xaflada ay soo qabanqaabiyeen tilmaamayna inay hiil iyo hooba lagarabtaagan yihiin midawga arday Soomaaliyeed.

Waxa kaloo ka hadlay madasha xaflada Gudoomiyaha Midawga Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Yemen Md C/Raxmaan Axmed Nuux (Dr.Hoori) isagoo tahniyada ciida kadib uga mahad celiyay masuuliyin iyo marti sharafta kale ee ka soo qayb gashay, wuxuu timaamay muhiimada ay leedahay isku duubnidu iyo in camal kastoo quruxbadan uu ku yimiday isku duubni, waxa kaloo sheegay in tirada ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata jaamacada dalka Yemen guud ahaan ay gaaraan in ka badan 500 arday waxa kale oo uu kula dardaarmay arday inay xasuusnaada inay dawr ku yeelan karaan horumarinta umadooda ,waxa kaloo uga mahadceliyay dhamaan cidii gacan ka gaysatay xaflada maanta oo ka mid yihiin safarada Soomaalida , Xawaaladaha Qaran iyo Dahabshiil iyo dhamaan ardaydii ka qayb qaadatay ugu danbayna wuxuu utahniyadeeyay ardayday qalin jibisay guusha ay gaareen iyo tacliinta ay dhamaysteen wuxuuna kula dardaarmay inay wadanka kula noqdaan tacliintooda oo wax kaga qabtaan.

Ka dib riwaayad aad u qurux badan oo ardaydu soo diyaariyeen oo ka hadlaysay Maskax Dareerka ama waxa afka qalaad loo yaqaan "brain darainage" ama "hijratul cuquul" oo dhibta wadanka haysata ka mida ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay macrafoonka lataliyaha dhinaca dhaqanka safaarada Soomaalieed ee dalka Yemen Md Ridwaan Maxamed Xirsi oo kadib tahniyada ciida iyo mahadcelin dadka soo xaadiray xaflada si fiican u bayaamiyay waxa ay riwaayadu ka hadlaysay iyo hadafkeeda saxda ah.

Waxa kaloo lagu lagu soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliyeed ee dalka Yemen ufadhiya Md C/Salaam Macalim Aadan , safiirku waxa uu aad ugu fogaaday tahniyada ciida kadib dhaqanka umada Soomaaliyeed oo ka mid yihiin ciyaar dhaqameedyada oo kamid ahaye ciyaarta Zaylici oo ku jirtay xaflada maanta oo dadku si fiican ula dhaceen oo soo diyaariyay Awdal Zaylici Group, waxakale oo uu sheegay safiirku ciyaaro badan oo ka mid yihiin dhaantada, walisiqida, wilwilaha ... iyo qaar kaloo badan. waxa kaloo ardayda kula dardaarmay inay tacliinta ku adkaadaan waxaana xaflada lagu soo gabagabeeyaa gudoonsiinta shahaadooyka ardaydii qalinjabisay oo tiradoodu dhanayd 50 arday oo todoba jaaamcdood oo kala duwan ka kala socday.



Wariye:-Cilmi Yuusuf Cadaawe
Lughaya News-Sanca

Saturday, December 22, 2007

Qaybtii Labaad Ee Baaxaa Dega Dunida Iyo Badweynta Nolosha

Guud ahaan waxaan leeyahay ciid mubaarik dhammaan umadda islaamka gaar ahaanna umada soomaaliyeed iyo reer awdalba meelkasta oo ay joogaan.
qaybtii hore waxa aan kaga soo hadalnay hordhicii iyo qaybtii koowaad ee mawduucani imikana waxa aynu ka hadli doonaa qaybtii labaad.

2-Makaska hadalka
Moran kama taagna in hadalku yahay mid ka mida galadaha iyo deeqaha waaweyn ee muhiimka ah ee ilaahay kumanaystay ibnu aadamka kaas oo siiya sharaf iyo karaamo dheeraada oo ay dheer yihiin noolaha kale dhamaantood.

Hadalku ama afku waxa uu aadmiga uugu fadhiyaa qiimo wayn, waana agab adbo iyo waxtar faro badan leh oo fuddudaydiya isfahan,is afgarad iyo xidhiidh hufan.Afku kaliya ma qabto hawlahaa aan sheegay oo kaliya laakin wuu ka baaxad roontayahay kana waxtar badan yahay waana mashgax iyo halbeeg lagu kala sooco karo kartida rabaaniga ah ee dhican maskaxda(IQ) iyo aftahannida iyo xirfadda hadalka ee la xidhiidha isticmaalka murtida,suugaanta,maahmaahda iwm.

"Xoolaha summadaa lagu kala dirsoocaa dadkana sawraxanka hadalka"
Sida aadamigu uugu kala duwan yahay midabka.maskaxda.qaab dhismeedka jidhka cududa, kartida,samirka iyo garashada ayay ku kala duwan yihiin hadalka sida maahmaahdani iftiiminayso"Hadalkana laka odhan og,Allana la kala baryi og"
In kasta oo hadalku guud ahaan yahay mid muhiima ayaa haddana maahmaahda iyo murtidu ay siyaan hadalka macno, dhadhan, soo jeedasho iyo u dhagraaricin siyaado ah sobabtuna waxa ay tahay:

Maahmaahdu: waa hadal wax dhacay ku yimid ama ku baxay oo marka arinta ama dhacdo lamida la arko lasoo qaato ama la isticmaalo.
Murtidu: waa xikmad fayow ama aragti falsafad ku dhisan waana dhuuxa iyo mulaaxda hadalka

Hadalka waxa lagu tibaaxi karaa ablay ama aalad labo af leh oo culayskeeda iyo ahmiyadeeda xambaarsan marka aad sifiican u dhuuxdo tixdan abwaanka soomaaliyeed
"Afku waxuu laxoogyahay magliga xawda kaa jara e "
Maadaama uu afku leeyahay xoogaas iyo saamayn qoto dheer oo dhaxal gal ah ayay soomaalidu samaysatay afeef iyo maahmaaho badan oo la hadal maala afka iyo xilkasnimada loo baahan yahay waxaana ka mid ah:
1-Hadal intuu afkaaga ku jiro ayuu amaanadaada yahay.
2-Hadal afdhaafay afaaf dhaaf.
3-Hadal nin si u yidhi ninna si uqaaday.
4-Hadal waa margi
5-Afxumo colaadna wax kama tarto nabadna way fogaysaa
6-Hadal waa murti habaarna waa dhimo
7-Hadalkaan fiiro loo odhan iyo caanahaan fiiqsi loo dhamin labaduba feedhahay wax yeelaan
8-Hadal marag ama murti leh iyo hilib middi leh midna laguma margado
9-iyo kuwo kale oo badan

Ahmiyada afku iyo habsami u adeegsiga fiicani waxa weeyi irmaan iyo astaan fiican oo shaqsiga u horseedi doonta magac, maamuus iyo martabad qaaliya bulshada dhexdeeda. Waxaan filayaa in jiibta iyo jaanta aan isla helnay,islana jaanqaadi karayno sidaas darteedna laga maarmi karo sharaxaad iyo araar dheeraada una daadagi karo dulucda qoraalka ku wajahan makaska hadaalka ee barhan danbe soo ifbaxay.

Hore ayaa loo yidhi aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban iyo waa kastaaba waayo leh sidaas darteed filanwaa iyo wax ugub ah maaha in aad la kulanto arin cusub oo kaa yaabiya laakinse tirada isa soo taraysa ee makaska hadalka ayaa igu dhalisay inaan shiishka iyo diirada qoraalkan saaro.

Marka hore aan isla meel dhigno macnaha makaska hadal kaas oo nuxurka qoraalkana ku salaysan yahay.Makaska hadalku:waa qof kala xulashada hadalka haboon ee murtida leh ku yar yahay ama kaba aradan,mana xushmeeyo biri magaydada hadalka,waana qof aan si xeer beegtinimo,xilkastnimo iyo wax-xeerin leh aan uuga fikirin hadalka uu odhanayo iyo cida uu lahadlayaa odhaahda ay ka mudantahay,waana qof inta badan u hadla afkay banaan iyo waa lahadli jiray.

Mararka qaarkood qofka xilkaska iyo garaadka lahi waxa laga yaabaa in uu naftiisa la gurxamo, isna yidhaahdo"malaha dadkan makaska afka ee tirada yari waa tafiirtii wiilkii ay haweenaydii tidhi -ilaahow iiga hadli balse ayna ku darin ilaahow waxsan iiga hadli,isaguna ku hadaaqay hadal aan macno lahayn iyo afxumo..

Hadal iyo dhamaan, sida xidid aan xurmayn lahayn,aqal aan xadhig lahayn iyo xaajo aan xog-ogaal lahaynba ay kuu dilaan,rafaadna ku bidaan ayaa hadalka makasnimdada ahi ee aan laga fiirsanin,u dilaa,waxna u dhimaa karaamada iyo sharafka qofka la yimid .amaba waxa kale oo aan odhan karnaa kuna cabiri karnaa sida caqliga doqon galay iyo cadaalada lacag gashay ayna waxtar iyo abdo u lahayn bulshada ayaa makastimada hadalku waxba soo sidin,faa'iido iyo guulna aan laga gaadhi karin ayna haboon tahay in laga waan toobo.


Waxaanan makastka hadalka kula talin lahaa tixdan gaaban:

Afku haybad weeyaan
Hoodo weeyi qaaliya
Halbowlaha nafteeniyo
Hub muhiima weeyaan
Hal irmaana weeyaan
Hayin weeyi daacada
Hibo weeyi qaaliya
Hanti weeyi eebeheen
U hibeeyay aadmiga
Waxba yaanan hadal badin
Makaskaagan hadalkood
Hamigaaga taa gali



khadar Abdi khaire
(khadarcago@hotmail.com)
Dhaka,Bangladesh

Saxafiyiintii Reer Muqdisho Oo U Hayaamay Dalka Jamhuuriyada Jabuuti

Hargeysa-(Lug)-Saxafiyiintii reer Muqdisho ee ay xukuumadda Somaliland hore ugu amartay inay ka baxaan wadanka, ayaa shalay u baqoolay magaalada Djibouti ee Jamhuuriyadda Djibouti.

Sidaas waxa xalay Geeska Afrika u xaqiijiyay guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mr. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine). 14 ka mid ahaa saxafiyiintaas reer Muqdisho ayaa shalay magaalada Hargeysa kaga baxay gaadiidka dhulka mara, iyagoo sheegay inay ogolaansho ka heleen dawladda Djibouti, “14 ka mid ah ayaanu shalay dirnay oo u baxay dalka Djibouti, waxaana weli jooga 7 saxafi.” Ayuu yidhi Mr. Shiine, waxaanu intaas ku daray “Sida laga warqabo waxaanu hore dawladda uga codsanay inay wakhti dheeraad ah ugu darto wakhtigii ay u qabatay saxafiyiintaas, waanay naga aqbashay.

Sidaas daraadeed waxaanu anaguna dedejinay inay weriyayaashaasi dalka ka baxaan, waxaanay u baxeen dalka Djibouti oo ay noo sheegeen inay ogolaansho ka heleen. Inta hadhay waa dad jilicsan iyagana waxaanu ku jirnaa hawshoodii.”

Saxafiyiintaas tiradoodu ahayd 14-ka xubnood, waxa la sheegay inay muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanaayeen xidhiidh ay la samaynayeen dawladda Djibouti oo ay kaga doonayeen inay siiso ogolaansho ay dalkooda ku joogaan.

Saxafiyiintaas oo shalay barqanimadii intii aanay ka bixin Hargeysa lagu waraystay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, waxa ay sheegeen inay ogolaansho ka heleen Wasiirka Arrimaha gudaha Djibouti oo ay ku tilmaameen in isaga iyo dawladiisuba u muujiyeen Somalinimo.

Afartii bishan December ayay xukuumadda Somaliland saxafiyiintas ku wargelisay inay 24 saac kaga baxaan dalka Somaliland, iyadoo markii dambena loogu daray muddo maalmo ah. Go’aankaas xukuumadda Somaliland ka gaadhay saxafiyiintaas reer Muqdisho oo ka soo qaxay dagaalada Muqdisho, waxa cambaaraysay hay’adda Amnesty international oo xukuumadda Somaliland ka codsatay inay ka noqoto go’aankaas ay ku masaafurinayso saxafiyiintaas.

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika